Barcelona oo Go’aan kama dambeys ah ka gaartay Rashford kadib Ogolaanshaha Flicks

Barcelona ayaa go’aan rasmi ah oo kama dambeys ah ka gaartay inay Marcus Rashford si joogto ah ugala soo wareegayso Manchester United kadib oggolaanshaha ay Hansi Flick ka Heleen sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Spain.

Barcelona ayaa go’aansatay inay bixiso £26.1 Milyan si ay Manchester United ugala soo wareegto xiddiga Marcus Rashford oo amaah ugu joogay kooxda, sida ay sheegtay warbaahinta Spain, taasoo sidoo kale shaacisay doorka Hansi Flick Ee ogolaanshaha.

Rashford ayaa Barcelona kaga soo biiray amaah hal xilli ciyaareed ah xagaagii 2025, wuxuuna noqday xiddig muhiim u ah kooxda Flick xilli ciyaareedkan.

Garabka xulka England ayaa noqday ciyaaryahan muhiim ah oo Barcelona ka caawiyay inay ku guuleysato Supercopa de Espana iyo Horyaalka Spain Ee LaLiga.

Rashford ayaa dhaliyay 14 gool sidoo kalena sameeyay 14 caawin 48 kulan oo uu u saftay kooxda Barcelona dhammaan tartamada oo idil xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka 28 jirka ah ayaa aad ugu faraxsan joogitaankiisa Spotify Camp Nou, wuxuuna si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Barcelona wixii ka dambeeya dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Rashford ayaa u sheegay Wargeyska ESPN bishii October 2025: “Oh haa, dabcan.

“Waxaan ku raaxeysanayaa kooxdan Weyn waxaana u maleynayaa qof kasta oo jecel kubadda cagta in Barcelona ay tahay mid kamid ah kooxaha ugu waaweyn taariikhda kubada cagta

“Ciyaaryahan ahaan waxay ii tahay sharaf inaa kooxdaan u ciyaarayo.”

May 11 garabka ay leedahay Manchester United ayaa yiri markii la weydiiyay inuu Barcelona joogi doono xilli ciyaareedka dambe: “Ma aqaano midaas”

“Anigu sixiroole ma ahi oo saadaalin kara Mustaqbalka, laakiin haddii aan ahaan lahaa Mar Hore sii joogi lahaa Halkaam, Waan arki doonnaa waxa Mustaqbalka dhaca

“Waxaan halkan u imid inaan guuleysto. Waxaan rabaa inaan ku guuleysto waxyaabo badan intii aan awoodo. Tani waa koob kale oo aan ku darayo.

“Tani waa koox cajiib ah, mustaqbalkana wax badan ayay ku guuleysan doonaan; qayb ka noqoshadaas waxay noqon lahayd wax gaar ii ah aniga.”

Inkasta oo Barcelona ay rabto inay sii haysato Rashford, kooxda Catalonia kama go’na inay si toos ah u bixiso €26 milyan ee ku qoran qandaraaskiisa.

Barcelona waxay rabtay heshiis amaah kale ah kadibna ay si rasmi ah ula wareegto 2027.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United arrintaas kuma raacsana waxayna dooneysaa inay Hadertaanba lacag ku iibiyaan Rashy

BARCELONA MIYAY LA SAXIIXAN DOONTA MARCUS RASHFORD

Waxaa hadda warbaahinta Spain kasoo baxday in Barcelona ay go’aansatay inay dhaqaajiso qodobka heshiiska oo ay Manchester United siiso Lacagta €26 milyan ilaa €30M ku dhow

Hansi Flick wuxuu ansixiyay saxiixa €30 milyan sababtoo ah Barca wax ka fiican ma heli karto,” ayuu ahaa cinwaanka wargeyska Catalonia kasoo baxay.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Flick, oo labo jeer oo xiriir ah LaLiga kula guuleystay Barcelona uu “iftiin cagaaran bixiyay” isla markaana uu doonayo in Blaugrana heshiiska Rashford ay dhammeystirto.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta:

“Go’aankan si kadis ah kuma imaan. Barca waxay sahamisay xulashooyin kala duwan, laakiin midkoodna si dhab ah uguma qancin.

Anthony Gordon wuxuu ku dhow yahay inuu ku biiro Bayern Munich, halka xulashooyin kale sida Víctor Munoz loo arko kuwo aan suurtagal ahayn waqti Xaadirkaan.

Xaaladdan gudaheeda sii joogitaanka Rashford ayaa muhiimad weyn yeeshay. Flick wuxuu si gaar ah u qiimeeyaa awooddiisa uu ula qabsan karo nidaamka ciyaarta, dabacsanaantiisa weerarka iyo khibraddiisa kooxada cadaadisku aadka u sarreeyo.

Ma aha ciyaaryahan cusub oo aan la aqoon, taasina xaaladda hadda jirta qiimo weyn ayay leedahay. Intaas waxaa dheer, qiimaha heshiiska ayaa dhiniciisa u shaqeynaya.

€30 milyan ee lagula heshiiyay Manchester United waxaa loo arkaa qiimo macquul ah ciyaaryahan durba muujiyay heerkiisa wanaagsan ee kooxda.

Warbixinta ayaa kusoo gabagabeysay in Flick uu qaaday tallaabadii ugu dambeysay ee lagu soo gabagabeynayo saxiix uu u arko mid muhiim ah waxa uu doonayaa ayay watbixintu sheegtay inuu doonayo in si dhaqsi ah loo boobsiiyo La wareegitaanka Rasmiga ah Ee Rashy

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *