BREAKING:- Bruno Guimarães oo ku Arsenal, iyadoo xitaa Newcastle ay qiratay inuu doonayo inuu baxo - koorno.com

BREAKING:- Bruno Guimarães oo ku Arsenal, iyadoo xitaa Newcastle ay qiratay inuu doonayo inuu baxo

Bruno Guimarães oo ku dhow Arsenal, iyadoo xitaa Newcastle ay qiratay inuu doonayo inuu baxo.

Wariyaha Weyn LukeEdwards oo ka Hadla wararka kooxda Newcastle uni ayaa sheegay in Arsenal ay ugu dambeyn si toos ah ula furtay wadahadallo Newcastle si ay ula soo saxiixato xiddiga Reer Brazil Ee Bruno Guimarães..

Arsenal ayaa weli raadinaysa khad dhexe oo cusub si ay u sii xoojiso kooxdeeda kadib markii ay ku guuleysatay Premier League xilli ciyaareedkii tagay

Toddobaadyadii u dambeeyay Bruno Guimarães ayaa noqday bartilmaameedka koowaad ee kooxda Gunners, waxaana la sheegay in xiddiga reer Brazil uu si cad u muujiyay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Waqooyiga London ka dhisan Ee Arsenal.

Wargeyska The Times ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Arsenal ay rajeynaysay in Bruno uu Tijaamada caafimaadka maro Isniintii, halka Fabrizio Romano uu isaguna bixiyay war cusub.

🗣️Romano wuxuu yiri: “Is diyaariya taageerayaasha Arsenal, sababtoo ah Bruno Guimarães aad ayuu ugu dhow yahay Arsenal, Arsenal iyo Newcastle hadda way wada hadlayaan. Newcastle waxay u muuqataa inay albaabka u furtay bixitaanka Bruno, labada kooxoodna waxay ka wada hadlayaan qiimaha heshiiska, Caqabaddii Newcastle horay u dhigtay bishii May, June iyo July hadda way is beddeshay. Arsenal waxay kalsooni weyn ku qabtaa inay heshiiska dhamaystirto, Waqti kasta waxaa la gaari karaa heshiis rasmi ah. Ilaa hadda heshiisku ma xirmin, balse Bruno Guimarães runtii aad ayuu ugu dhow yahay Arsenal.”

Dhanka kale, Ben Jacobs ayaa sheegay in Bruno Guimarães uu Axaddii ka soo duulay Brazil, isagoo ku sii jeeda xerada tababarka Newcastle ee Spain.

Jacobs wuxuu sheegay:

“Bruno waligiis ma uusan sheegin inuusan ku laaban doonin Newcastle ama uusan tababar la qaadan doonin kooxda, iyadoo Arsenal ay wali ka shaqeynayso dhamaystirka heshiiska.”

Horaantii, Luke Edwards wuxuu sheegay in Newcastle ay beenisay wararka sheegaya inay wadahadallo la lahayd Arsenal. Laakiin Isniintii ayuu xaqiijiyay in xaaladdu is beddeshay.

🗣️ Edwards wuxuu yiri: “Arsenal ayaa ugu dambeyn si toos ah ula furtay wadahadallo Newcastle si ay ula saxiixato Bruno Guimarães. Bruno ayaa maanta ku biiraya kooxda Spain, waxaana la filayaa inuu mar kale caddeeyo rabitaankiisa ah inuu baxo.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Dalabkii ugu horreeyay ee Arsenal waa la diiday, balse wadahadalladu way sii socon doonaan. Kadib toddobaadyo badan oo xan iyo warar is khilaafsan, hadda wadahadalladii rasmiga ahaa ayaa ugu dambeyn billowday.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*