BREAKING: FIFA oo Sharaxday sababta VAR Uga Diiday Croatia Goolkii Barbaraha ahaa Daqiiqadihii ugu dambeeyay Ee Ciyaartii Portugal Vs Croatia - koorno.com

BREAKING: FIFA oo Sharaxday sababta VAR Uga Diiday Croatia Goolkii Barbaraha ahaa Daqiiqadihii ugu dambeeyay Ee Ciyaartii Portugal Vs Croatia

FIFA ayaa si rasmi ah u sharaxday sababta loo diiday goolkii barbaraha ahaa Ee ay Croatia ka dhaliyeen daqiiqadihii ugu dambeeyay kulankii ay la ciyaarayeem Xulka Portugal, kadib faragelintii VAR.

Tiknoolajiyada Connected Ball Technology ayaa ogaatay taabasho aad u yar oo kaga timaaday Igor Matanović intii lagu jiray dhisida weerarkaas. Taabashadaas ayaa sababtay in garsoorayaashu xaqiijiyaan inay Kubaddaasi ay ahayd offside, taasoo Portugal u xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga xiga, halka Croatia ay tartanka kaga hartay.

GOOLKII CROATIA LAGA DIIDAY:

Portugal ayaa u soo baxday wareegga 16-ka kadib markii VAR uu diiday goolkii barbaraha ee Croatia.

Markii hore, Gonçalo Ramos ayaa Portugal u dhaliyey Goolka guusha Ee 2-1 ahayd daqiiqaddii afaraad ee waqtiga dheeriga ahaa (90+4). Sagaal daqiiqo kadib, waxaa dhashay Goolka bareejaha kulanka kubad la isku dhuf dhuftay oo shabaqa soo taabatay, waxaana taageerayaasha Croatia u muuqatay inay heleen goolkii barbaraha.

Garsooraha ayaa markii hore ansixiyay goolka, maadaama ay u muuqatay in Igor Matanović uusan taaban kubaddii uu soo karoosay Ivan Perišić ka hor inta uusan Mario Pašalić ciyaarta ku lug yeelan.

Si kastaba ha ahaatee, garsoorihii dhexdhaxaadinaye ciyaarta Ee Espen Eskås ayaa loogu yeeray VAR kadib markii Connected Ball Technology ay muujisay taabasho aad u yar oo uu Matanović kubadda madaxa in yar kaga taabatay..

Inkasta oo taabashadaasi aan laga arki karin muuqaalada telefishinada, haddana waxay ka dhigtay Mario Pašalić inuu ku jiray offside ka hor inta uusan caawin goolka barbaraha ahaa. Sidaas darteed goolka waa la diiday.

FIFA OO SOO SAARTAY WAR RASMI AH OO GOALKAAS SABABTA LOOGU DIIDAY:

Kadib ciyaarta, FIFA ayaa bayaan ku sheegtay in xogta laga helay dareemaha ku jira kubadda rasmiga ah ee Adidas Trionda ay si cad u xaqiijisay taabashada Matanović, taasoo sax ka dhigtay go’aankii garsooraha ee ahaa in goolka uu diido.

TILNOOLAJIYADA KUBADDA OO GO’AANKA CADEYSAY:

Connected Ball Technology ayaa mar kale door muhiim ah ka ciyaartay ciyaarta.

Inkastoo taabashadu aysan isha caadiga ah ama muuqaalada dib loo daawaday ka muuqan, dareemayaasha (IMU sensors) Ee ku dhex jira kubadda ayaa diiwaangelisay taabashadaas, xogtaasna waxaa adeegsaday Aalada VAR si loo gaaro go’aan sax ah.

Tiknoolajiyadan ayaa awood u leh inay ogaato xitaa taabashooyinka ugu yar, waxaana inta lagu jiro baahinta ciyaarta loo soo bandhigaa muuqaal loo yaqaan “heartbeat graphic”, si garsoorayaasha looga caawiyo go’aanno degdeg ah oo sax ah inay qaataan waqtigaas..

PORTUGAL OO U GUDUBTAY WAREEGA XIGA EE 16-KA:

Guushan ayaa Portugal u xaqiijisay inay u gudubto wareegga 16-ka, halkaas oo ay ku wajihi doonto Spain magaalada Dallas.

Dhanka kale, Croatia ayaa si murugo leh uga hartay tartanka, iyadoo rajadii Luka Modrić iyo saaxiibbadiis ay ku dhammaatay go’aan ay tiknoolajiyadu door weyn ku lahayd.

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*