Kooxda Chelsea ayaa la sheegay inay wadahadallo Rasmi ah la furtay kooxda Juventus si ay u hesho daafaca bidix ee Andrea Cambiaso lagu magacaabo, kaas oo noqday bartilmaameedka ugu weyn Ee kooxda Blues doonayso waxayna doonayaan inay beddel ugu dhigaan xiddiga Marc Cucurella kaas oo isbuucan dhexdiis ku biiray kooxda Real Madrid.
Kadib u wareegitaankii Cucurella kooxda Real Madrid Blues ayaa ku qasbanaatay inay raadiso badelkeeda Inkasta oo Chelsea ay haysato Jorrel Hato oo kursiga keydka isaga fadhiya, tababaraha cusub Ee kooxda Xabi Alonso ayaa doonaya inuu keeno daafac bidix oo dheeraad ah.
Nathaniel Brown ayaa ahaa mid ay Chelsea danaynaysay ka hor inta uusan ku biirin Bayern Munich. Sidoo kale Alejandro Grimaldo ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa xulashooyinka ay tixgelinayay kadib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa Ee Bayer Leverkusen intii uu Alonso joogay uu kusoo Hor bandhigay, balse ciyaaryahanka reer Spain ayaa la rumeysan yahay inuu doorbidayo inuu dalkiisa ku laabto kooxaha aadka u doonaysana ay tahay kooxda Athletico Madrid
Sidaas darteed Chelsea ayaa hadda dardar gelinaysa dadaalkeeda ay ku doonayso Cambiaso. Sida ay sheegtay Wargeyska TEAMtalk Sports… Kooxda Chelsea waxay ki qiimeysay ciyaaryahanka 26 jirka ah £25 milyan, halka Juventus ay xiddiga ku doonayso qiyaastii £34 milyan inkastoo labada kooxood lacagaha ay xiddiga kukala rabaan aysan aad isagu dheereen..
Wadahadallada labada kooxood ayaa horseeday in la tixgeliyo heshiis is-weydaarsi ah. Magacyo kala duwan ayaa la soo hadal qaaday, balse Juventus waxay si gaar ah u xiisaynaysaa Nicolas Jackson weeraryahankii dhange dhangeha ahaa kkk kaas waa iska kaftan anigaa isaga darsaday, kaas oo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ugu maqnaa kooxda Bayern Munich.
Wargeyska TEAMtalk Sports ayaa sheegtay in Juventus ay diyaar u tahay Heshiis uu Jackson qayb ka yahay, laguna daro lacag caddaan ah si loo daboolo farqiga qiimeynta labada kooxood.
Warbixintu waxay intaas ku dartay: “kooxda Chelsea markii hore waxay doonaysay inay Jackson siiso fursad uu isku muujiyo xilliga diyaar-garowga ka hor bilowga xilli ciyaareedka, si uu ugu dagaallamo boos qorshaha mustaqbalka Ee Xabi Alonso uuna meel iska soo saaro
Si kastaba ha ahaatee ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in weeraryahanku uu doonayo dammaanad ku saabsan doorkiisa iyo waqtiga uu ciyaari doono ka hor inta uusan mustaqbalkiisa ku xirin gigada Stamford Bridge.
Arrintan ayaa fursad u abuurtay Juventus. Kooxda Turin ka dhisan ayaa muddo dheer la dhacday Jackson, waxayna hadda u aragtaa ciyaaryahan xoojin kara weerarkooda isla markaana fududeyn kara heshiiska Cambiaso.”
Maxaa ka jira wararka Real Madrid inay heshiis la gaartay Enzo Fernandez
Barcelona ayaa sidoo kale la sheegay inay la socoto xaaladda Cambiaso, iyadoo raadinaysa daafac bidix kadib markii ay ku guuldareysatay inay hesho Cucurella oo u wareegay kooxda Real Madrid.
Dhanka kale saxafi Reer Talyaani ah oo lagu magacaabo Nicolo Schira ayaa sheegay in Real Madrid ay ku dhowdahay saxiixa labaad oo ay Chelsea kala soo wareegayso.
Schira ayaa bartiisa X ama Twitter-ka ku qoray: “Real Madrid iyo Enzo Fernandez waxay mabda’ ahaan ku heshiiyeen qandaraas soconaya ilaa 2032. Real Madrid ayaa hadda diyaar u ah inay Chelsea u gudbiso dalab aad u weyn si ay u hesho khadka dhexe, kaas oo doonaya inuu ka tago Chelsea kuna biiro Madrid.”
Wararkani waxay kusoo beegmayaan iyadoo weriyaha TEAMtalk ee Graeme Bailey uu shaaciyay in Real Madrid ay isku diyaarinayso inay Chelsea ka gudbiso dalab ka badan £100 milyan oo lagu doonayo Enzo Fernandez, halka Chelsea ay qiimihiisa ku qiyaastay £120 milyan.
koorno.com Wararka Ciyaaraha