Andrey Santos ayaa diyaar u ah inuu xagaagan ka tago kooxda Chelsea kuna biiro kooxda Manchester United, haddii loo dammaanad qaado boos joogto ah oo uu ku bilaabanayo kooxda uu maamulo Michael Carrick, sida ay sheegayaan warbixinno saacadihii u danbeeyay soo baxay…
Kooxda Manchester United ayaa hore heshiis ula gaartay kooxda Atalanta saxiixa Ederson Silva, balse milkiilayaasha kooxda ee INEOS waxay weli raadinayaan khad dhexe kale si ay kooxda u xoojiyaan..
Shalay oo ahayd Maalinimo Axad ah ayaa la shaaciyay in kooxda Manchester United ay xiiseyneyso inay lasoo wareegto xiddiga Reer Brazil iyo kooxda Chelsea u ciyaara Ee Andrey Santos.
Ciyaaryahanka 22-jirka ah ee reer Brazil ayaa Chelsea ku biiray sanadkii 2023, balse inta badan waqtigiisa wuxuu amaah ugu soo ciyaaray kooxaga Vasco da Gama, Nottingham Forest iyo Strasbourg.
MANCHESTER UNITED OO XIRIIR LA SAMEYSAY ANDREY SANTOS:
Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in Manchester United muddo dheer xiriir la lahayd wakiillada Santos.
Romano ayaa yiri: “Manchester United waxay Andrey Santos ku dartay liiska ciyaartoyda ay u aragto khadka dhexe ay doonayaan inay lasoo saxiixdaan, Ma aha magac cusub oo Manchester United ay hadda xiiseyneyso, Dhowr bilood ka hor ayay Manchester United ka fiirsaneysay saxiixiisa.. Mar walba wuxuu ku jiray liiska gaaban Ee kooxda, Waxa dhacay labadii ama saddexdii maalmood ee u dambeeyay ayaa ah in Manchester United ay mar kale la xiriirtay wakiilka ciyaaryahanka… Intii lagu jiray toddobaadkan kooxda Manchester United waxay wacday wakiillada Andrey Santos si ay u ogaato xaaladdiisa Ilaa dhammaadka toddobaadkan Manchester United weli si rasmi ah ulama xiriirin Chelsea, mana aysan gudbin dalab rasmi ah ama wada-hadal rasmi ah Sidaas darteed hadda xiriirku wuxuu ku egyahay dhinaca ciyaaryahanka oo kaliya Ee ma gaarin dhinaca Chelsea.”
“Waxa kale oo aan ku dari karaa in Chelsea aysan Andrey Santos u arkin ciyaaryahan aan la taaban karin Haddii Manchester United ay miiska soo saarto lacag wanaagsan way la soo saxiixan kartaa Santos sababtoo ah Chelsea diyaar ayay u tahay inay iibiso haddii dalab wanaagsan yimaado, Dabcan ma noqon doonto lacag yar ama qiimo jaban Amaah ama heshiis la mid ah ma jiro balse haddii dalab wanaagsan la helo waxaa jirta fursad uu uga tagi karo kooxda kuna biiri karo kooxda Manchester United ama koox kale oo bixisa dalab muhiim ah, Sidaas darteed Andrey Santos waa ciyaaryahan mudan in si dhow loola socdo arrimihiisa.”
Fabrizio wuxuu kusii daray: “Bishii February iyo March, Manchester United laba jeer ayay la kulantay wakiilladiisa, Xilligaas magaca lala xiriirinayay Manchester United wuxuu ahaa Bruno Guimarães balse isaga iyo Andrey Santos waxay wadaagaan isla Halkii wakiil.. Intii wada-hadalladu socdeen ayaa magaca Andrey Santos sidoo kale la soo qaaday, Hadda Chelsea xitaa iyadoo uu joogo Xabi Alonso uma aragto Santos ciyaaryahan aan la iibin karin, sidaas darteed dhaqdhaqaaq ayaa dhici kara.”
ANDREY SANTOS OO U FURAN KU BIIRISTA MANCHESTER UNITED:
Suxufiga kale ee ka warama suuqa kala iibsiga Ben Jacobs ayaa sidoo kale sheegay in Manchester United ay dooneyso Santos, isagoo xusay in Newcastle United ay iyaduna xiiseyneyso.
Jacobs ayaa sheegay in Santos uu diyaar u yahay inuu ku biiro Manchester United ama Newcastle, haddii loo xaqiijiyo booska joogto ah uu doonaayo.
Jacobs ayaa ku qoray bartiisa X ku yiri: “Manchester United waxay fiirinaysaa suurtagalnimada lasoo saxiixiraanka Andrey Santos, Santos wuxuu ku jiray liiska Manchester United tan iyo xagaagii hore, Chelsea markaas diyaar uma ahayn inay iibiso xiddiga, sidoo kale xilligii Liam Rosenior, balse hadda waxay diyaar u noqon kartaa inay iibiso haddii qiimo macquul ah loo keeno… Santos wuxuu doonayaa inuu helo daqiiqado joogto ah oo uu ciyaaro, Wadahadallo ayaa ka socda dhinaca ciyaaryahanka, balse Chelsea wali ma helin wax xiriir rasmi ah.”
Jacobs ayaa intaas ku daray: “Marka laga soo tago Manchester United, Newcastle United ayaa iyadana sidoo kale waxay xiiseyneysaa lasoo saxiixitaanka Andrey Santos… Ciyaaryahanku wuu u furan yahay inuu kooxda ka tago, sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu si joogto ah u ciyaaro, Manchester United markii ugu horreysay waxay wax ka weydiisay Santos xilligii Chelsea ay la soo saxiixatay Alejandro Garnacho, Waqtigaas Chelsea diyaar uma ahayn inay iibiso, balse hadda heshiis waa suurtagal haddii uu dan u yahay dhammaan dhinacyada.”
Hadaa tahay taageere Man United ah bal kawaran Santos hadii uu kooxdaada kusoo biiro waxa ayuu ka bedeli karaa miyaad is leedahay mise wax kuma dhex jiro? Fikirkaaga👇
koorno.com Wararka Ciyaaraha