Kabtanka Manchester United Bruno Fernandes ayaa soo saaray digniin cad oo uu udiray maamulka kooxda oo ku saabsan mustaqbalkiisa muddada dheer ee Old Trafford. Iyadoo qandaraaskiisa hadda uu galay sanadkii ugu dambeeyay, ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal ayaa dalbaday dammaanad ku saabsan tartan dhab ah iyadoo Red Devils ay doonayaan inay dib u soo ceshadaan kaalintoodii tartanka horyaalka Premier League.
Kabtanka oo dalbanaya tartan koobab
31-jirkan, oo noqday tiir muhiim ah tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting Lisbon sanadkii 2020, ayaa heshiiskiisa hadda dhamaanaya Juun 2027, inkastoo kooxda ay haysato ikhtiyaar sanad dheeri ah.
Isagoo la hadlayay The Telegraph oo ku saabsan waxa uu filayo, Fernandes ayaa yiri:
“Waxaan u sheegayaa kooxda inaan doonayo inaan tartamo. Qof kasta oo yimaada Man United wuxuu rabaa inuu ku guuleysto koob kasta. Qofna ma yimaado kooxda isagoo u maleynaya inaan u dagaallameyno hal ama labo koob lix sano gudahood. Waxaad rabtaa inaad dhammaantood u tartanto. Waxa aan mar kasta u sheegay kooxda marka aan la hadlayo waa inaan rabaa inaan tartamo. Sababtoo ah haddii aan tartamo, waxaan u dhowaanayaa guusha. Haddii aanan tartamin, ma jirto fursad aan ugu dhowaan karo wax guul ah.”
Ka hadalka abaarta Premier League
Khadka dhexe ayaa kaliya ku guuleystay laba koob intii uu joogay Old Trafford muddo lix sano ah, taas oo uu u arko inay ka yar tahay waxa laga filayo koox sida United ah.
Fernandes, xaqiiqda ah in koobka Premier League uusan ku soo laaban dhinaca casaanka ee Manchester tan iyo 2013 waa arrin u baahan xal degdeg ah haddii uu doonayo inuu ku sii nagaado kooxda ilaa dhamaadka xirfaddiisa.
Bruno oo Hadlaayo ayaa waxa uu yiri:
“Waxa aan mar walba u sheego kooxda waa: ‘Ma ii ballan qaadi kartiin inaan ku guuleysan doono Premier League. Taasi waa wax aan macquul ahayn,’” ayuu ku daray ciyaaryahanka Portugal. “Laakiin haddii aad ii ballan qaaddaan inaan noqon doono koox tartan dhab ah oo joogta ilaa dhamaadka, taas ayaa igu filan. Sababtoo ah markaas aniga ayay iga go’an tahay inaan noqdo nooca ugu fiican ee nafteyda, inaan ka caawiyo kuwa igu xeeran inay noqdaan noocooda ugu fiican, si aan u noqono kooxda aan rabno inaan noqono.”
Aragtidiisa ku saabsan muddada ku meel gaarka ah ee Michael Carrick:
Iyadoo United ay qiimeyneyso tababaraha joogtada ah ee xiga kadib bixitaankii Janaayo ee Ruben Amorim, tababaraha ku meel gaarka ah Michael Carrick ayaa kooxda hoggaamiyay isagoo helay toddobo guul 10 kulan gudahood.
Inkasta oo jawiga wanaagsan uu ka jiro xerada tababarka iyo baaqyada sii kordhaya ee Carrick loogu dhiibayo shaqada si rasmi ah, Fernandes ayaa wali taxaddar muujinaya inuu u arko xilligan mid dhab ahaan wax beddelay.
Wuxuu yiri:
“Haddii aan u dhammeystirno sida aan rabno inaan u dhammeystirno, waxay u muuqan doontaa mid aad u fiican, laakiin wali ma ahan sawirka aan rabno. Ugu dambeyntii, waxa muhiimka ah waa waxa aan sameyn doono xilli ciyaareedka xiga, si aan u noqono kooxda aan ahayn waqtigan gaaban oo keliya, balse xilli ciyaareed dhan. Qof kasta wuxuu noqon karaa mid fiican mararka qaar. Laakiin inaad fiican ahaato xilli ciyaareed dhan waa wax aad u adag.”
Usoo bixida Tartanka Champions League seasonka xiga:
United waxay wajahaysaa kulan muhiim ah oo Maanta ah oo ay la ciyaarayso Leeds United iyagoo doonaya inay sii wadaan guulahooda hoos yimaada Carrick. Kooxdu waxay hadda ku jirtaa kaalinta saddexaad ee Premier League, iyadoo leh todobo dhibcood oo ka sarreeya Chelsea oo ku jirta kaalinta lixaad, tartanka loogu jiro boosaska shanta sare iyo ka qaybgalka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
