Kooxda Chelsea ayaa la sheegay inay go’aan ka gaartay mustaqbalka tababaraha Liam Rosenior, iyadoo sidoo kale loo soo bandhigay “beddel heer sare ah”.
Rosenior mar walba wuxuu la kulmi lahaa caqabado Chelsea sababtoo ah khibrad la’aantiisa, waxaana la muujiyay inuu ka hooseeyo heerka looga baahan yahay.
Intii uu Rosenior hoggaaminayay, Chelsea waxay lumisay toddobo ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, waxaana guud ahaan soo gaaray 10 guuldarro 23 kulan gudahood.
Blues ayaa la sheegay inay gaareen heer hoose cusub habeenkii xalay, kadib markii 3-0 ay ka adkaatey Brighton iyagoo aan hal Shot on target xitaa aysan sameyn.
Brighton ayaa si buuxda u maamushay ciyaarta, waxayna ahayd inay guuleystaan natiijo ka weyn, iyadoo cadaadiska lagu dalbanayo in Rosenior la eryo uu sii kordhayo maadaama xilli ciyaareedkoodu sii xumaanayo.
Kadib guuldarradii 3-0 chalsea kasoo gaaray Brighton, warbixin ayaa sheegtay in Chelsea ay go’aansatay inay eryo Rosenior kadib “kulan degdeg ah oo la isugu yeeray”.
Si kastaba, warar kale ayaa sheegaya in Chelsea ay u aragto Rosenior inuu leeyahay mustaqbal fog, isla markaana laga yaabo inay taageerto xilli ciyaareedka ka dambeeya.
Warbixin ka timid wariyaha TEAMtalk Graeme Bailey ayaa sheegtay go’aanka ugu dambeeyay ee Chelsea ee ku saabsan Rosenior, iyadoo la xusay in Champions League “uusan ahayn qodobka go’aaminaya mustaqbalkiisa”.
Blues ayaa la sheegay in loo soo bandhigay tababaraha Jarmalka Julian Nagelsmann inuu noqdo beddelka Liam Rosenior, balse sidoo kale waxaa la sheegay in kulamada haray ay go’aamin doonaan mustaqbalka Rosenior.
Warbixintu waxay sharaxday:
“Ilo wareedyo ayaa muujinaya in halkii Chelsea ay hadda tallaabo qaadi lahayd, shanta kulan ee ugu dambeysa xilli ciyaareedka ay muhiim u noqon doonaan go’aaminta mustaqbalka Rosenior.
“Muhiim ma aha oo kaliya natiijooyinka, balse sidoo kale sida kooxda uga falceliso hoos u dhaca iyo haddii ay jiraan calaamado horumar iyo isku xirnaan ah. Hadda, Rosenior wuxuu weli haystaa taageerada milkiilayaasha, balse cadaadis ayaa sii kordhaya iyadoo la raadinayo xulashooyin kale.”
Si kastaba ha ahaatee, tababarihii hore ee Premier League Tim Sherwood ayaa ku dooday kadib guuldarradii Brighton in Rosenior “uusan sii joogi doonin”.
“Waxay ahayd koox la ciyaareysa koox kale oo ka kooban shaqsiyaad aan lahayn ruux iyo dabeecad,” ayuu Sherwood ku yiri Sky Sports.
“Waxaan arkayay dhammaadka ciyaarta iyagoo u tagaya taageerayaasha Chelsea, Half ka mid ahna hore ayay uga baxeen garoonka qiyaastii 20 daqiiqo ka hor inta aysan ciyaartu dhamaan, ciyaartu waxay dhammaatay markii goolkii labaad la dhaliyay.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Ma jecli inaan sidaan iraahdo, laakiin waxaa jira mudaharaadyo iyo calamo laga soo horjeedo Blues, mana sii joogi doono kooxda Liam Rosenior
“Waa shaqo aad u adag tababare kasta inuu tago halkaas oo uu beddelo jawiga, sababtoo ah taageerayaasha Chelsea waxaa lagu soo barbaariyay guulo iyo koobab waaweyn, iyagoo leh ciyaartoy waaweyn. Waa koox horumarineed.”
