Arsenal ayaa heshay fursad weyn oo ay kula soo saxiixan karto weeraryahanka Reer Arjentina iyo kooxda Atletico Madrid ee Julián Álvarez xagaagan, sida ay sheegayaan warbixinno cusub
Kooxda uu hoggaamiyo Macalin Mikel Arteta ayaa Talaadadii daraad ahayd si rasmi ah ugu guuleysatay horyaalka Premier League kadib markii Manchester City ay ku guuldareysatay inay garaacdo kooxda Bournemouth.
Guushaas ayaa ka dhigtay Arsenal inay afar dhibcood ka sarreyso Manchester City iyadoo hal kulan oo keliya uu harsan yahay.
Tani waxay ahayd horyaalkii ugu horreeyay ee Arsenal ku guuleysato muddo 22 sano ah, waxaana xaaladdu sii qurux badnaan kartaa haddii ay ka adkaadaan Paris Saint-Germain final-ka Champions League ay 30 May isla wada ciyaari doonaan..
Guulaha ay gaareen xilli ciyaareedkan ayaa kordhiyay miisaaniyadda suuqa kala iibsiga ee Arsenal, taasoo ka caawin karta inay lasoo saxiixdaan bartilmaameedyadooda ugu waaweyn maadaama kooxdu ku Guuleystay Horyaal ayna joogto Final waxaa laga yaabaa inay Ciyaartoy badan ay kusoo jiitaan maadaama kooxdu tahay Koox Taratanka Season waliba
Wararka ayaa sheegaya in Arsenal ay heshay fursad weyn oo ku saabsan saxiixa Julián Álvarez kadib markii kooxda Barcelona ay dhaqaale ahaan awoodi weyday inay bixiso heshiis ka badan £100 milyan oo lagu heli karo xiddiga reer Argentina.
Barcelona ayaa hadda laga yaabaa inay sugto ilaa 2027 haddii ay doonayso Álvarez, laakiin waqtigaas waxaa laga yaabaa inuu goor dambe noqdo maadaama ciyaaryahanku doonayo inuu baxo xagaagan.
Dhanka kale kooxda PSG ayaa diyaar u ah inay Arsenal kula tartanto saxiixa weeraryahanka iyadoo final-ka Champions League uu saameyn ku yeelan karo go’aanka ciyaaryahanka Maadaama labada koox Zaaidka loogu xiriirinayo ayba Final ka Chamapaha isla joogaan
Atletico Madrid ayaa la sheegay inay aqbali karto heshiis ay lacag iyo ciyaaryahan isku jiraan loogu bedeli karo Alvarez kooxdee la timaada, halka Arsenal-na ay diyaar u tahay inay ku darto Heshiiska Gabriel Martinelli si heshiiska loo fududeeyo ayna ula soo wareegan Alvarez.
Markii hore PSG ayaa loo arkayay kooxda ugu dhow saxiixa Álvarez, balse hadda Arsenal ayaa si rasmi ah ugu jirta tartanka.
Weeraryahankii hore ee Arsenal Jérémie Aliadière ayaa sheegay in Álvarez uu si weyn ugu habboon yahay kooxda Arsenal.
Waxa uu yiri: “Álvarez waa ciyaaryahan weyn, wuxuuna si fiican ugu shaqeyn karaa weerarka Arsenal. Waa ciyaaryahan cadaadis saaraya daafacyada, isla markaana leh tayo sare. Waxaan rabaa inaan arko ciyaartoy waaweyn oo kooxda Gunners yimaada, isaga-na waa ciyaaryahan heer sare ah oo xitaa ku guuleystay Koobka Adduunka,” ayuu yiri Aliadiere. Yacnii wuu kusoo baxayaa kooxdeena camal
Tababaraha kooxda Atletico Madrid Ee Diego Simeone ayaa isna qirtay in kooxo badan ay xiiseynayaan Álvarez.
“Waa wax caadi ah in kooxaha sida Arsenal, PSG iyo Barcelona ay rabaan Julián Álvarez sababtoo ah waa ciyaaryahan aad u fiican,” ayuu yiri Simeone.
koorno.com Wararka Ciyaaraha