DEG-DEG: Garsoose Omar Cabdulqaadir Artan oo loo diiday Visaha galitaanka Mareykanka - koorno.com

DEG-DEG: Garsoose Omar Cabdulqaadir Artan oo loo diiday Visaha galitaanka Mareykanka

War Deg deg ah ayaa Goordhow soo qarxay una Xun Wadankeena Hooyo Ee Somalia, Garsooraha Heerka Caalami Ee u dhashay wadankeena Ee Omar abdulqaadir Artan ayaa loo diiday Visaha Mareykanka uu ku gali lahaa kahor Koobka Adduunka 2026, Maadaama uu qeyb ka yahau garsoorayaasha ay FIFA soo diiwaan gashadeen.

Sida ay sheegayaan wararku, garsooreheena Heerka Caalami Omar Cabdulqaadir Artan oo FIFA ay  qorsheeysay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaaraha Koobka Adduunka 2026 ayaa loo diiday inuu galo Mareykanka markii uu dalkaas yimid.

Xitaa Wiilkeena ma’ahanee xitaa ciyaartoy dhowr ah ayaa loo diiday uuna ka mid yahay Weeraryahanka u dhashay xulka Ciraaq Ee Aymen Hussein ayaa lagu hayay lana su’aalaye ku dhowaad 7 saacadood garoonka diyaaradaha ee Chicago O’Hare markii uu la socday ciyaartoyada iyo shaqaalaha xulkiisa. Sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha xulka Iran ayaa loo diiday fiisooyinka galitaanka gudaha Mareykanka, halka taageerayaal ka socda dalal ay ka mid yihiin wadanka Scotland oo Taageerayaasha wadankaas ayaa loo diiday rukhsadaha safarka daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Haddana say usoo socotay wareega anaga ayay nagu timid oo waxaa loo diiday garsooraheena Cumar Cartan visaha uu ku gali lahaa Mareykanka

GARSOORAHEENA SOOMAALIYEED OMAR ARTAN OO LOO DIIDAY GALITAANKA MAREYKANKA

Warkan waxaa shaaciyay weriyaha caanka ah Romain Molina oo hore ula soo shaqeeyay warbaahinada The Guardian, The New York Times iyo BBC.

Molina ayaa sheegay in garsooraheena Soomaaliyeed ee caanka ah Cumar Cabdulqaadir Aadan (Omar Abdulkadir Artan) loo diiday inuu galo Mareykanka inkastoo FIFA ay u magacawday Koobka Adduunka.

Wuxuu yiri:

“Garsooraha Soomaaliyeed Omar Artan, oo FIFA u magacawday Koobka Adduunka, ayaa loo diiday gelitaanka Mareykanka.”

Molina ayaa intaas ku daray in Artan uu dhibaato kala kulmay helitaanka fiisaha, islamarkaana uu taageero ka helay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku taalo kuwaas oo siiyeen baasaboorka diblomaasiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaas kuma filnaan maamulka socdaalka Mareykanka, waxaana si degdeg ah dib loogu celiyay dalka Turkiga Garsooraheena.

Molina ayaa xusay in Omar Artan uu garsooray lugtii labaad ee final-ka Champions League-ka Afrika sanadkii hore ee dhexmartay kooxaha Pyramids FC iyo Mamelodi Sundowns, isla markaana loo magacaabay Garsooraha Afrika ee Sanadka 2025.

SABABTA LOOGA DIIDAY GALITAANKA MAREYKANKA OMAR ARTAN WALI LANA SHAACIN

Weriyaha Afrikaanka ah Ee Micky Jnr ayaa sheegay in ilaa hadda aan la bixin sabab cad oo keentay in garsooraha loo diido gelitaanka Mareykanka.

Artan ayaa ka safray Kenya, wuxuuna sii maray Turkiga ka hor inta uusan gaarin Mareykanka. Markii uu yimidse waxaa loo diiday inuu dalka galo, waxaana dib loogu celiyay Turkiga.

VISAHA HORE WAA LOO SIIYAY OMAR ARYAN TANI WAA LAYAAB KALE

Waxaa la yaab leh in maalmo ka hor warbaahinta Kenya ee The Eastleigh Voice ay sheegtay in Omar Artan uu si rasmi ah u helay fiisaha Mareykanka, taasoo meesha ka saartay shakigii ku saabsanaa ka qaybgalka Koobka Adduunka 2026.

Sarkaal FIFA ka tirsan ayaa xilligaas sheegay:

“Waxaan xaqiijin karaa in dhammaan dhibaatooyinkii fiisaha la xaliyay, waxaana uu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaaraha Koobka Adduunka.”

Taariikh uu qori lahaa

Omar Artan, oo liiska garsoorayaasha FIFA ku jiray tan iyo 2018, ayaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka qeyb gala Koobka Adduunka.

Waxa uu sidoo kale ahaa garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhex-dhexaadiya ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Afrika (AFCON), markii uu maamulay kulankii Tunisia iyo Namibia sanadkii 2024.

Ilaa hadda lama oga in dhacdadan ay saameyn doonto ka qeybgalka Omar Artan ee Koobka Adduunka 2026, iyadoo loo aqoonsan yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan qaaradda Afrika.

Oday Trump muxuu naga rabaa wiikeena Hanoogu fasaxo world cupkeena asiga iyo Yarka kale ee wadanka Sweden qortay labadaas lee world cupka noo shidaayo kaas warkiisa waa cad yahay oo Trump mana u dhawaan karo Ee kan lee hanoo fasaxo

About toozaani@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com