Joe Cole ayaa ku adkeysanaya in Arsenal ay u baahan tahay inay xagaagan la soo saxiixato Victor Osimhen si ay Manchester City uga adkaato oo ay ugu guuleysato horyaalka Premier League.
Gunners ayaa xilli ciyaareedkii hore Manchester City kaga qaaday horyaalka Premier League 7 dhibcood, iyadoo Mikel Arteta uu ku hoggaamiyay inay ku guuleystaan horyaalkoodii ugu horreeyay muddo 22 sano kadib..
Arsenal ayaa Leandro Trossard iyo Christian Norgaard ku beddeshay Christos Tzolis iyo Bruno Guimaraes, iyadoo xagaagan ay raadinayaan tayada halkii ay tirada ka raadin lahaayeen, waxaana sidoo kale ay Hada goordhoweed lasoo wareegee heshiis ay ku soo qaadanayeen daafaca dhexe ee Aston Villa, Ezri Konsa.
Laakiin halyeeyga Chelsea, Joe Cole ayaa aaminsan in Manchester City ay Arsenal kaga guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan Hada bilaaban doono haddii Gunners aysan la soo saxiixan weeraryahan cusub.
Arsenal ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Kooxda Galatasaray Ee Victor Osimhen, waxaana Cole aaminsan yahay in saxiixaasi uu yahay lama huraan haddii kooxda Arteta ay dhab ka tahay inay difaacato horyaalka Premier League.
Cole ayaa saadaashiisa ku bixiyay barnaamijka Dressing Room Podcast:
🗣️Isagoo yiri: “Waan kala fikirayay, waxaana arrintan ku dari doonaa shardi, Waxaan u maleynayaa in Manchester City ay ku guuleysan doonto horyaalka haddii Arsenal aysan la soo saxiixan No.9, sababtoo ah weli waxaan u maleynayaa in taasi ay dhibaato ku noqon doonto.”
“Markaa waxaan leeyahay Manchester City ayaa ku guuleysan doonta horyaalka iyadoo Arsenal ka horreysa, laakiin haddii ay la soo saxiixdaan Victor Osimhen, markaas saadaashayda waan beddeli lahaa. Laakiin sida ay hadda wax yihiin, Manchester City ayaan dooranayaa.”
Weeraryahankii hore ee Premier League, Carlton Cole, aoo ahaa raggii la fadhiyey Joe Cole Podcastiga ayaa ku daray:
🗣️“Arsenal waxay leedahay kooxda ugu fiican, haddii ay Victor Osimhen keenaan, aad ayay u duuli doonaan. Wuxuu noqon karaa gooldhaliyaha ugu sarreeya haddii uu yimaado.”
Cole wuxuu kooxdiisii hore ee Chelsea ku saadaaliyay inay ku dhammeysan doonto kaalinta saddexaad, iyadoo Arsenal iyo Manchester City ay ka horreeyaan, sababtoo ah kooxda Xabi Alonso xilli ciyaareedkan ma ciyaareyso wax tartan Yurub ah.
Halyeeyga Chelsea ayaa sii waday:
🗣️“Chelsea ayaan gelinayaa kaalinta saddexaad, waxaan u maleynayaa inay yeelan doonaan xilli ciyaareed aad u wanaagsan, Inaysan ciyaareyn tartamada Yurub waa arrin aad u weyn, waxaan aragnay sida ay taasi Manchester United u caawisay xilli ciyaareedkii hore.”
“Chelsea ugu dambeyn waxay kooxda ku soo kordhisay ciyaartoy khibrad leh. Cole Palmer, Joao Pedro iyo Estevao waxay heleen xagaa nasasho ah heerar kala duwan, xagaagooduna ma ahayn mid aad u culus, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inay dhammaantood diyaar noqon doonaan.”
ARSENAL MIYEY GOOR-HORE KA CARARI KARAAN KOOXAHA KULA TARATAMAYA HORYAALKA PL:-
Wayne Rooney wuxuu arki karaa xaalad uu Arsenal si weyn uga fogaato kooxaha kale oo ay xilli ciyaareedkan kula taratama ku guuleysiga Horyaalka Premier League, halka uu shaki ka qabo in Manchester United ay haysato awoodda ay ku qaadi karto horyaalka.
Rooney ayaa ka sheegay Stick to United:
🗣️“Arsenal waxay awood u leedahay inay horyaalka si weyn ugu fogaato kooxaha kale Ee la taratamaya, laakiin kooxaha ka dambeeya waxaan arki karnaa isbeddello badan, Waxaan u maleynayaa inay tahay wax aan macquul ahayn in la filayo in Manchester United ay sanadkan ku guuleysan doonto Premier League, uma maleynayo inay ku guuleysan doonaan.”
koorno.com Wararka Ciyaaraha