Manchester City iyo kiiskooda Financial Fair Play (FFP) ayaa wali si weyn loo hadal hayaa, iyadoo warbixinno cusub sheegayaan in go’aanka kama dambaysta ah la filayo in lagu dhawaaqo dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Bilowgii sanadkii 2022, Premier League ayaa Manchester City u gudbisay guddi madax-bannaan kadib markii lagu soo oogay 115 dacwadood oo la xiriira jebinta shuruucda (FFP)
Eedeymahan ayaa ka dambeeyay baaritaan afar sano socday oo lagu eegayay dhaqaalaha iyo hab maamulka kooxda intii u dhexeysay 2009 ilaa 2018. Haddii Manchester City lagu helo dambiyadaas, waxay wajihi karaan:
Ganaax lacageed, Dhibco jarid Badan iyo Xayiraad suuqa kala iibsiga sida Barcelona oo kale Ama xitaa in Premier League laga saaro oo Championship-ka loo dhaadhiciyo
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Reer abu Mansour ayaa mar walba ku adkeysaneysay inay yihiin kuwo aan wax dambi ah lahayn, waxayna howlahooda u wadeen si caadi ah sanadihii lasoo dhaafay.
Dhageysiga rasmiga ah ee kiiskan ayaa socday lix toddobaad dhammaadkii 2024, balse ilaa hadda lama shaacin go’aanka kama dambaysta ah.
Khabiirka dhinaca dhaqaalaha kubadda cagta kooxda Manchester City Ee Stefan Borson ayaa sheegay inaysan jirin [sabab gaar ah] oo keentay dib u dhaca dheer ee kiiskan.
Waxa uu yiri: “Ma ahan in qof xanuunsan yahay ama heshiis qarsoodi ah daaha gadaashiis ka socdaan Waxaa keliya ee jira ayaa ah in guddiga wali dhammeystirin qorista go’aanka,” ayuu yiri Borson.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dhinacyada ku lugta leh ay filayaan in go’aanka la shaaciyo wax yar kadib marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.
Waxaa kaloo uu yiri: “Warar aan ka helay dhinaca sharciyada waxay muujinayaan in qorista go’aanka ay ku dhowdahay gabagabo,” ayuu sii raaciyay.
Inkasta oo go’aanka wali dib u dhac ku jiro, maalin kasta oo sii socota waxay kordhineysaa rajada ah in ugu dambeyn dhawaan la shaacin doono natiijada kiiska Manchester City.
Miyaa Kooxda Manchester City lagu soo oogi doonaa kiiskaan ?
