Warbixin cusub ayaa shaaca ka qaaday saddexda ciyaaryahan ee ugu horreeya ee tababaraha cusub Liverpool Ee Andoni Iraola uu doonayo inuu lasoo saxiixdo, iyadoo uu qorsheynayo inuu kooxda keeno xiddiga uu Horay Macalin ugu ahaa kooxda Bournemouth ee Rayan.
Maalintii Khamiistii ahayd kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u xaqiijisay Tababaraheeda cusub Ee Iraola, kadib markii uu saxiixay heshiis labo sano ah uu Reds ku maamulayo.
Waxaa la filayaa in Iraola uu kooxda ku soo kordhiyo qaab ciyaareed weerar ku dhisan oo firfircoon, kadib markii taageerayaasha Liverpool ay ka daaleen qaabkii caajiska ahaa ee Slot u maamuli jiray kooxda, Taas ayaana si weyn uga farxin karta taageerayaasha kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, Iraola waxaa horyaalla shaqo adag oo ka sugaysa Anfield kadib xilli ciyaareedkii liitay ee kooxda ku difaacatay horyaalka Premier League, waxaana Liverpool u baahan tahay inay si xooga uga shaqeyso suuqa kala iibsiga xagaagan.
Liverpool waxay u baahan tahay xoojin meelo kala duwan, balse mudnaanta koowaad waa inay hesho ugu yaraan hal garab weerar cusub kadib bixitaankii Mohamed Salah oo si Free ah uga tagay kooxda.
Kooxda Reds ayaa si weyn uga maqneyd firfircoonidii iyo hal-abuurkii garbaha weerarka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana hadda soo baxday inay halis ugu jiraan inay lumiyaan da’yarka Rio Ngumoha oo Bayern Munich lagu sheegay inay si lama filaan ah ula wareegi karto balse Hadertaan aysan jirin wax dalab rasmi ah.
LIVERPOOOL OO XIISAYNAYSA INAY LASOO WAREEGTO XIDDIGAHA YAN DIOMANDE IYO RAYAN:
Warbixin kasoo baxday Wargeyska The Paper ayaa sheegtay in Iraola uu taageere weyn u yahay Rayan, maadaama ay hore uga wada soo shaqeeyeen kooxda Bournemouth Macalina u ahaa isaga, islamarkaana loo arko beddelka macquul ah kadib bixitaankii Mohamed Salah.
Garabkan weerarka ayaa Bournemouth kaga soo biiray kooxda reer Brazil ee Vasco da Gama bishii Janaayo 2026 heshiis lagu qiyaasay £25 milyan, wuxuuna si degdeg ah ula qabsaday Horyaalka Premier League.
Rayan ayaa 12-kiisii kulan ee ugu horreeyay Ee Horyaalka Premier League ku dhaliyay 5 gool isla markaana waxa uu caawiyey 2 gool
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ay qortay wargeyska The Paper ayaa sheegaysa in kooxda Bournemouth ay filayso inuu kooxda sii joogo ugu yaraan ilaa bisha Janaayo ee soo socota.
Warbixintu waxay sheegtay:
“Rayan wuxuu leeyahay qodob lagu burburin karo heshiiskiisa oo dhaqan galaya bisha Janaayo, balse qiimihiisu waa £130 milyan. Qiimahaas ayaa hoos u dhacaya daaqad kasta oo kala iibsiga ah oo xigta. Waxaa jira filasho weyn oo ah inuu sii joogi doono kooxda.”
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Iraola iyo Liverpool ay go’aansadeen saddexda bartilmaameed ee ugu horreeya ee suuqa kala iibsiga xagaagan, iyagoo doonaya inay xoojiyaan saddex boos oo muhiim ah.
Warbixintu waxay sii raacisay:
“Dareenka guud ee madaxda shaqaaleysiinta ciyaartoyda ayaa ah in suuqa kala iibsiga xagaagan uusan gaari doonin heerkii sanadkii hore, markaas oo Liverpool ay si weyn u maalgelisay weeraryahanno cusub. Reds waxay dooneysaa inay kooxda ku soo kordhiso ciyaartoy cusub, sidoo kale waxay suuqa ka raadineysaa daafac midig iyo khadka dhexe.”
koorno.com Wararka Ciyaaraha