DEG-DEG:- kooxda Man United oo Heshay Bartilmaameedyadeeda xiga Ee Khadka Dhexe Kadib Markii laga dulqaaday seddex saxiix oo super ah - koorno.com

DEG-DEG:- kooxda Man United oo Heshay Bartilmaameedyadeeda xiga Ee Khadka Dhexe Kadib Markii laga dulqaaday seddex saxiix oo super ah

Sida ay sheegayaan wararka kooxda Manchester United ayaa xiddiga khadka dhexe Ee Real Madrid Aurélien Tchouaméni aaya la sheegayaa in ay ka dhigteen bartilmaameedkeeda koowaad si ay u xoojiso khadkooda dhexe xagaagan kadib Markii Laga kor qaaday 3 ciyaaryahan ay saaid u doonayeen.

Red Devils ayaa hore ula soo wareegtay Xiddiga Reer Brazil Ee Ederson, kaasoo kaga soo biiray kooxda Atalanta waxaana lagu dhawaaqi doonaa marka uu dhammaado Koobka Adduunkan uu si rasmi.

Manchester United ayaa xagaagan xiisaynaysay ciyaartoy badan oo khadka dhexe ah, balse maamulka INEOS iyo Sir Jim Ratcliffe ayaa dooneyn inay bixiyaan lacag ka badan qiimaha saxda ah ee lagu dalbanayay Elliot Anderson iyo Mateus Fernandes, kuwaasoo ugu dambeyn ku biiray Manchester City iyo Tottenham Hotspur.

Sidoo kale, ciyaaryahan kale oo lala xiriiriyay Unitedka wuxuu ahaa Sandro Tonali, balse lacagta ku dhow £100 milyan ee uu ugu dambeyn ugu biiray Tottenham ayaa sidoo kale noqotay mid aad uga sarreysa miisaaniyadda Manchester United.

Hadda sida uu qoray wargeyska reer Spain ee AS, Manchester United ayaa Tchouaméni ka dhigtay bartilmaameedkeeda koowaad, iyadoo xiddiga reer France uu noqday ciyaaryahanka ay kooxda ugu jeceshahay inay la soo saxiixato.

Warbixinta ayaa sheegtay:

“Kadib markii Mateus Fernandes uu diiday inuu ku biiro Manchester United, kooxda Ingiriiska ayaa mar kale indhaha ku haysa Aurélien Tchouaméni. Waxay aaminsan yihiin inuu yahay beddelka ugu habboon Ee Casemiro Badeli lahaa, balse sidoo kale way og yihiin in heshiiskaasi uu noqon doono mid aad u adag isla markaana qaali uu yahay xiddiga, maadaama Real Madrid aysan dooneyn inay iibiso xiddiga reer France. Kaliya lacag aad u badan ayaa laga yaabaa inay ku qanciso Real Madrid inay fasaxdo.”

Fabrizio Romano oo ka Hadlay Tchouaméni Iyo Alex Scott inay Ku Jiraan Liiska Manchester United:

Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa hore u xaqiijiyay in Aurélien Tchouaméni uu ku jiro liiska bartilmaameedyada Manchester United, halka sidoo kale ay kooxda si weyn u qiimeyneyso khadka dhexe ee Bournemouth Ee Alex Scott.

Romano ayaa kanaalkiisa YouTube ku yiri: “Marka laga hadlayo ciyaartoyda khadka dhexe, waxaan rabay inaan sharaxo waxa xiga ee Manchester United sameyn doonto. maalmihii la soo dhaafay waxaan aragnay Elliot Anderson, Sandro Tonali iyo Mateus Fernandes oo dhammaantood ahaa ciyaartoy ay Manchester United xiisaynaysay, balse ugu dambeyntii u wareegeen kooxo kale.”

Wuxuu sii Raaciyey: “Dad badan ayaa i weydiinaya ciyaaryahanka ugu habboon ee Manchester United ay hadda beegsan karto. Labada magac ee gudaha kooxda si weyn looga Hadal-hayo  waa Aurélien Tchouaméni iyo Alex Scott.”

Romano ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee Tchouaméni ay tahay mushaarkiisa sare iyo xaqiiqda ah in Real Madrid aysan weli wax oggolaansho ah ka bixin iibkiisa.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Alex Scott uu yahay ciyaaryahan ay sidoo kale si weyn u xiiseynayaan Arsenal iyo Manchester United.

Waxa uu yiri: “Alex Scott waxuu doonaya kooxo badan inuu ku biiro xagaagan, laakiin Bournemouth waxay ku adkeysaneysaa inay sii haysato ciyaaryahanka, waxayna rabtaa inay u bandhigto heshiis cusub.”

Si kastaba ha ahaatee, Romano wuxuu xusay in arrintu is beddeli karto haddii Bournemouth ay hesho dalab weyn.

“In la yiraahdo ma iibineyno waa arrin kale, balse labada bilood ee soo socda haddii ay yimaadaan dalabyo waaweyn, markaas way adkaan doontaa inay iska diidaan. Haddii albaabka bixitaanka la furo, Manchester United iyo Arsenal labaduba waxay diyaar u yihiin inay u dhaqaaqaan saxiixiisa.” Sidaas ayuu yiri Romano

Hadii aad tahay Taageere Man United ah midkee adi ahaan kula Haboon in kooxdaada laguu keeno?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*