Kooxda Liverpool ayaa wajahaysa tartan adag oo kaga imaanaya kooxda Reer Jarmal Ee Bayern Munich dadaalka ay ugu jirto lasoo saxiixitaanka saxiixa garabka PSG Ee Bradley Barcola, sida ay sheegayaan warbixino ka imanaya Jarmalka Saacadihii u danbeeye..
Kadib markii Yan Diomande uu doortay inuu ku biiro Paris Saint-Germain, Liverpool ayaa hadda si buuxda diiradda u saartay saxiixa Barcola, oo ka tirsan kooxda ku guuleysatay Ligue 1 iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore Ee Psg
Khabiirka suuqa kala iibsiga Ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Barcola uu yahay bartilmaameedka koowaad ee Liverpool ee garabka weerarka.
Romano wuxuu yiri: “Barcola maanta, shalay iyo bilihii la soo dhaafayba wuxuu ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee Liverpool. Kooxdu si weyn ayay u jeceshahay ciyaaryahanka.” Wuxuu sidoo kale xusay in Barcelona aysan ku jirin tartanka saxiixiisa waqtigan.
BAYERN MUNICH OO KUSOO BIIRTAY TARTANKA LAGU DOONAYO BARCOLA
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa hadda la kulmaysa caqabad cusub kadib markii la sheegay in Bayern Munich ay xiisaynayso Barcola, Wariyaha Wargeyska Bild Ee Christian Falk ayaa sheegay in haddii Bayern ay iibiso xiddigeeda Michael Olise, markaas ay si dhab ah ugu dhaqaaqi doonto saxiixa Barcola.
Falk wuxuu yiri: “Bradley Barcola wuxuu ku jiraa liiska ciyaartoyda Bayern Munich ay eegayso haddii Michael Olise uu baxo.” Wuxuu intaas ku daray in Bayern ay muddo dheer la socotay xiddiga reer France, balse PSG aysan hadda diyaar u ahayn inay iibiso.
KOOXDA PSG OO QIIME SARE DUL DHIGTAY BRADLEY BARCOLA:
Warbixinta ayaa sheegaysa in PSG ay dooneyso inay heshiis cusub ka saxiixato Barcola, halka qiimaha lagu heli karo la sheegay inuu gaarayo ku dhawaad €150 milyan, Wariyaha Falk ayaa aaminsan in haddii Barcola uusan xagaagan ku biirin Liverpool ama koox kale, isla markaana uu heshiiskiisu sii yaraado sannadaha soo socda, PSG ay markaas dib uga fiirsan karto mustaqbalkiisa, Wuxuu sidoo kale tilmaamay in mushaharka Barcola uu yahay mid Bayern awoodi karto, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahan si fiican ugu habboon kooxda reer Jarmal.
Sidaas darteed, Liverpool weli waxay hoggaaminaysaa xiisaha Barcola, balse Bayern Munich ayaa si dhow ula socota xaaladda, gaar ahaan haddii Michael Olise uu ka tago Allianz Arena xagaagan.
koorno.com Wararka Ciyaaraha