Kooxda Liverpool ayaa la tilmaamayaa in lagu dhiirrigeliyay inay dib u soo ceshato Trent Alexander-Arnold, kaas oo hal sano ka Hor si xor ah ugu biiray kooxda Real Madrid.
Xiddiga reer England ayaa la sheegay inuu ku dhibtooday la qabsiga kooxda reer Spain, taasoo dhalisay hadal-heyn xooggan oo ku saabsan inuu dib ugu laaban karo kooxdii uu kusoo barbaaray.
ANDY TOWNSEND OO YIRI ARNOLD WUXU LIVERPOOL KASII DHIGI KARAA KOOX SII XOOG BADAN
Falanqeeyihii hore ee Chelsea, Andy Townsend ayaa sheegay in Liverpool aysan ka laba labeyn haddii ay hesho fursad ay Trent dib ugu soo ceshato.
Townsend ayaa yiri: “Haddii Trent uu maanta Liverpool kusoo laabto, boqolkiiba boqol kooxda wuu sii xoojin lahaa.”
Wuxuu sheegay in Jeremie Frimpong uusan wali muujin tayadii weerar ee Trent lagu yaqaanay.
Townsend ayaa sii yiri: “Daafacyada garbaha maanta waxay door weyn ku leeyihiin weerarka. Frimpong weli muu muujin kubbadihii ugu dambeeyay ee saxda ahaa, halka Trent uu arrintaas si fudud u sameyn karo.”
Townsend ayaa sidoo kale qirtay in taageerayaal badan oo Liverpool ah ay ku adkaan karto inay aqbalaan soo laabashada Trent, balse dhinaca tayada ciyaareed uu weli yahay mid aan la iska indho tiri karin.
JOSE MOURINHO OO BEDELLAY XAALADA ALEXANDER-ARNOLD
Warbixintu waxay sheegtay in imaanshaha José Mourinho ee Real Madrid uu si weyn u beddelay xaaladda Trent, Tababaraha cusub kooxda Real Madrid José Mourinho ayaa doorbidaya daafacyo xooggan oo si fiican u difaaca, waxaana la sheegay inuu aad u aaminsan yahay Denzel Dumfries kaas oo suuqan kala iibsiga Ugu yimaaday kooxda Inter Milan, Sidoo kale Real Madrid waxay haysataa ciyaartoy kale oo booskaas ka ciyaari kara sida Federico Valverde, taasoo sii adkaynaysa fursadda Trent ee safka koowaad.
Townsend ayaa yiri: “Real Madrid waxay haysataa ciyaartoy badan oo booskaas ka ciyaari kara. Haddii aad Trent tahay, xilligan diyaar-garowga waxaad rabtaa inaad dareento inaad fursad dhab ah u leedahay safka koowaad, balse xaaladda hadda sidaas ma aha.”
ALEXANDER-ARNOLD OO NIYAD JAB LA KULMAY SEASONKIISII UGU HOREEYE EE UU HORYAALKA SPAIN KA CIYAARAY
Trent Alexander-Arnold Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay Ee uu Gudaha Spain ku qaatay ma noqon mid uu filayay, waxaa soo gaaray Dhaawacyo isdaba joog ah iyo isbeddello dhinaca tababarka ah ayaa sababay inuu kaliya 14 kulan oo La Liga ah ku soo bilowdo.
Taasi waxay ka hor istaagtay inuu helo joogteyn iyo kalsooni, Townsend ayaa wuxuu aaminsan yahay in Arnold uu si qarsoodi ah uga niyad jabay wixii ku dhacay.
Waxa uu yiri: “Waxaan hubaa inuu gudaha ka dhaawacmay sababtoo ah wixxii uu rajeynayay ma u rumoobin, mana uusan helin fursaddii uu filayay”
Townsend ayaa soo jeediyay in haddii Liverpool ay awooddo inay amaah kusoo qaadato Arnold hal xilli ciyaareed, ay tahay inay si degdeg ah u sameyso.
Townsend ayaa yiri: “Haddii heshiis amaah ah lagu heli karo Trent, xitaa haddii uu ku kacayo £5 milyan ama £10 milyan, anigu waan aqbali lahaa. Trent waa ciyaaryahan heer caalami ah, wuxuuna Liverpool kusoo kordhin karaa wax badan.”
ALEXANDER-ARNOLD OO AMAANAY JOSÉ MOURINHO
Inkasta oo wararka bixitaankiisa ay isa soo tarayaan, arnold ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la shaqeynta José Mourinho.
Arnold ayaa dhahay: “Mourinho waa tababare aan mar walba ixtiraami jiray. Waa sharaf inaan la shaqeeyo isaga iyo shaqaalihiisa.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waa tababare adag, heerka uu dalbanayana aad buu u sarreeyaa. Waxaan rajeynayaa inaan wax badan ka barto, isla markaana uu naga caawiyo inaan koobab ku guuleysanno xilli ciyaareedkan.”
Inkasta oo hadallada Townsend iyo wararka suuqa kala iibsigu ay sii kordhayaan, weli ma jiro heshiis rasmi ah ama calaamad muujinaysa in Trent Alexander-Arnold uu dib ugu laabanayo Liverpool. Wadahadallada oo dhan waxay weli ku jiraan heer mala-awaal iyo falanqeyn oo kaliya..
Hada Adigaan Aqristaha ah ayaan suaal ku waydiinayaa, Hadaa tahay taageeye Liverpool fan ah, ma jeclaan laheyd inuu Alexander-Arnold dib kugu soo laabto kooxdaada adoo xaqiiqatan ka hadlaaso wixii caro ah halkaas iska dhig?
koorno.com Wararka Ciyaaraha