DEG-DEG:- Liverpool oo Xiriir Toos ah La sameysay Bradley Barcola Kadib Markii Yan Diomande uu doortay PSG - koorno.com

DEG-DEG:- Liverpool oo Xiriir Toos ah La sameysay Bradley Barcola Kadib Markii Yan Diomande uu doortay PSG

WARAR Hada soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda Liverpool ay xiriir toos ah la sameysay Xiddiga Reer France Ee Bradley Barcola si ay ula soo saxiixato xiddigan superka ah, kadib Markii Yan Diomande uu doortay inuu ku biiro kooxfa Paris Saint-Germain ayaa waxaa si toos ah albaabka ugu furay suurtagalnimada ah in Bradley Barcola uu u wareego kooxda Reds, sida ay sheegayaan warbixinno dhawaan soo baxay..

Kooxda Reds ayaa raadinaysa beddelka Xiddiga Reer Masaryaawi Ee Mohamed Salah, kadib markii Mo uu bishii Maarso ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxfa Liverpool xagaagan si uu u bilaabo chapter cusub.

Liverpool ayaa durba samaysay hal saxiix xagaagan, waana Victor Muñoz oo kaga yimid kooxda Osasuna, balse taasi kama hor istaagayso inay soo qaadato garab weerar oo heer sare ah ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsigan.

Kooxda Liverpool Markii hore Yan Diomande oo u ciyaara kooxda RB Leipzig ayaa ahaa bartilmaameedka koowaad Ee suuqa kala iibsiga Xagaagan, balse heshiiskaas ayaa burburay kadib markii ciyaaryahanka reer Ivory Coast uu shalay go’aansaday inuu mudnaanta koowaad siiyo ku biirista ku Guuleystayaasha Champions League Ee PSG…

Liverpool oo hore RB LEIPZIG u gudbisay dalab ku dhow €100 milyan oo ay ku dooneysay Diomande oo ahaa €90m iyo Gunnooyin lacago ah oo gaaraye €100M kadib markii laga soo diiday, waxaaa hadda la filayaa inay lacagtaas oo dhan ama qayb ka mid ah u isticmaasho bartilmaameedyo kale oo waa weyn si ay kooxda ugu xoojiyaan..

Mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu waaweyn ay doonayso waa Bradley Barcola, iyadoo suxufiga weyn Ee Fabrizio Romano uu sheegay in Bradley Barcola uu weli yahay bartilmaameed dhab ah oo Liverpool ay si weyn u xiiseyneyso lasoo wareegitaankiisa

Romano ayaa kanaalkiisa YouTube ku yiri Vedio ka mid ah: “Sida aan marar badan horay u sheegay markii aan ka hadlayay raadinta Liverpool Ee garab weerar, ha iloobin magaca Bradley Barcola”

Wuxuu sii raaciyey in “Barcola uu ahaa ciyaaryahan ay Liverpool aad ula dhacsaneyd xagaagii 2025, welina uu ku jiro liiska ciyaartoyda bartilmaameedyada u ah xagaagan 2026. Aragtidaydu isma beddelin. Bradley Barcolana wali waa xulasho dhab ah oo Liverpool  ay aad u doonayso”

“PSG wali ma aysan bixin oggolaanshaha uu Barcola uga tagi karo kooxda xagaagan. Si kastaba ha ahaatee, wararkaygii ugu dambeeyay waxaan ku sheegayay in dhaqdhaqaaqyo badan ay ka socdaan xaaladdiisa”

“Ilo badan oo Faransiis ah ayaa ku adkeysanaya inuusan Barcola ka tagayn PSG, balse xogtaydu way ka duwan tahay midaas… Arrintu wali way furan tahay, waxaana jirta suurtagalnimo ah inuu Barcola ka tagi karo Psg inta lagu jiro suuqan”

“PSG waxay hadda mudnaanta siinaysaa bixitaanka Nordi Mukiele, oo ku dhow inuu ku biiro kooxfa AC Milan heshiis dhan €14 milyan, halka sidoo kale ay socdaan wadahadallada mustaqbalka Randal Kolo Muani, iyadoo Juventus ay weli wadahadallo kula jirto kadib markii heshiiska shaqsiga hore loo gaaray.”

Waxa uu yiri: “Waxaan sidoo kale marar badan sheegay in haddii Liverpool ay si xooggan ugu dhaqaaqdo Barcola, ay jirto fursad dhab ah oo wadahadalladu u horumari karaan, gaar ahaan maadaama Yan Diomande uu hadda mudnaanta siiyay ku biirista kooxda PSG.”

“Waxaan bishii May sameeyay muuqaal aan ku sharaxayay isla xaaladdan. Liverpool waxay u dhaqaaqi kartaa Barcola halka PSG ay xoogga saarayso saxiixa Yan Diomande. Toddobaadyo kadib, sheekadu waxay u muuqataa inay dhab ahaan u socoto jihadaas, Si kastaba ha ahaatee wax walba waxay ku xirnaan doonaan in PSG ay ugu dambayn oggolaato bixitaanka Barcola xagaagan. Ilaa go’aankaas la gaarayo, xaaladdu wali way furan tahay.”

Dhanka kale suxufiga lagu kalsoon yahay Ee Reer Belgium Sacha Tavolieri ayaa shaaciyay in Liverpool ay sameysay xiriir toos ah oo ku saabsan heshiiska Bradley Barcola, kaasoo hadda la filayo inuu ka tago PSG kadib markii Yan Diomande uu doortay kooxda Psg halkii uu Liverpool ku biiri lahaa.

Tavolieri ayaa bartiisa X ku qoray:

“EXCL – Paris Saint-Germain waxay si toos ah ula hadashay dhowr kooxood, oo ay ku jirto Liverpool, arrinta Bradley Barcola ay kawada hadlayaam. Ku biirista Yan Diomande ee PSG ayaa si toos ah albaabka ugu furtay bixitaanka xiddiga reer France, kaasoo hadda la filayo inuu ka tago PSG xagaagan. Faahfaahin dheeraad ah dhawaan…”

Akhriste adiga ahaan maxay kula tahay maadaama Diomande mudnaanta siinayo ku biirista kooxda Psg Liverpool ma u fududeyn kartaa qaadashada Barcola bal fikirkaaga halkaan hoose Ee comment inagu reeb mahan dhanka Facebook, Halkaas hoose aad Hadii aad fikir dhiiban rabto….👇

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*