Sida lagu sheegay warbixin cusub, kooxda Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay AS Roma u gudbiso dalab rasmi ah oo dhan €50 milyan si ay ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ka ciyaara Ee Manu Koné, kaasoo noqon kara saxiixii saddexaad ee khadka dhexe ee kooxda uu hoggaaminayo Michael Carrick xagaagan.
Manchester United ayaa horey u soo xoojisay khadka dhexe intii uu furnaa suuqa kala iibsigan, iyadoo Carrick uu doonayo inuu sare u qaado tayada kooxdiisa.
Xilli ciyaareedka soo socda, United waxay ka qeyb geli doontaa tartanka Europe Ee UEFA Champions League, sidoo kalena waxay hiigsaneysaa inay si dhab ah ugu tartanto hanashada horyaalka Premier League, Kooxda ayaa horey ula soo saxiixatay Andrey Santos oo ay kala soo wareegtay Chelsea, iyadoo INEOS ay ku bixisay £50 milyan xiddiga reer Brazil, Sidoo kale Youri Tielemans ayaa ku biiray Manchester United kadib markii kooxda ay bixisay lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisa ee Aston Villa oo ahayd £35 milyan.
Hadda warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaysa in Manchester United ay doonayso inay Manu Koné ka dhigato saxiixeeda saddexaad ee khadka dhexe xagaagan.
MAN UNITED OO QORSHEYNAYSA DALAB RASMI AH AY KU DOONAYSO MANU KONÉ:
Sida uu qoray wargeyska Corriere dello Sport, Manchester United waxay heshiis hordhac ah oo ku saabsan shuruudaha shaqsiga ah la gaartay wakiillada Manu Koné, Warbixintu waxay intaas ku dartay in Manchester United ay diyaar u tahay inay Roma u bandhigto €50 milyan
Wargeysku wuxuu qoray: “Manchester United ayaa ah kooxda ugu dhow inay heshiiskan dhammaystirto waqtigan. Xiriirka kala dhexeeya wakiillada ciyaaryahanka ayaa weli socda, labada dhinacna waxay gaareen heshiis mabda’ ahaan ah, halka Roma ay sugayso dalab rasmi ah oo uga yimaada kooxda Ingiriiska, kaasoo ku dhow €50 milyan.”
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay xustay in lacagtaasi laga yaabo inaysan ku filnaan Roma, Waxaa sidoo kale la sheegay in kooxda Atlético Madrid, Al-Ahli iyo Chelsea ay dhammaantood xiiseynayaan Xiddiga Reer Fransiis Ee Manu Koné, kaasoo door weyn ka qaatay in Faransiiska uu gaaro afar dhammaadka Koobka Adduunkan 2026 Ee goordhoweed soo idlaaday..
FABRIZIO ROMANO OO KA HADLAY XIISAHA MAN UNITED AY U QABTO MANU KONÉ:
Khabiirka suuqa kala iibsiga kawarama Fabrizio Romano ayaa isaguna toddobaadkan ka hadlay xiisaha Manchester United u qabto Manu Koné.
Romano wuxuu yiri: “Manchester United waxay la xiriirtay wakiillada Manu Koné, waxaana jiray wada-hadallo dhacay toddobaadkii hore, Wada-hadalladu weli way socdaan, laakiin Manchester United waxay marka hore rabtaa inay ogaato inta lacag ah ee ay ku bixin karto ciyaaryahanka khadka dhexe ee daafaca, Marka ay go’aansadaan miisaaniyadda iyo ciyaaryahanka ay mudnaanta siinayaan, markaas ayay u gudbi doonaan tallaabada xigta.”
Romano ayaa sidoo kale sheegay:
“Hadda Manu Koné wali wuxuu ku jiraa liiska Manchester United, balse ilaa iyo hadda wax dalab rasmi ah looma gudbin Roma, mana jiro wada-hadal toos ah oo labada kooxood u dhexeeya.”
Ugu dambeyn wuxuu beeniyay wararka sheegayay in qiimaha Manu Koné uu gaarayo €85–90 milyan, isagoo yiri:
“Waxaa la ii sheegay in wararkaas aysan sax ahayn. Qiimaha lagu heli karo Manu Koné wuxuu ka hooseeyaa lacagahaas.”
koorno.com Wararka Ciyaaraha