DEG-DEG MAN United oo u dhaqaaqday Xiddig aan la garanaynin Ee Bazoumana Touré - koorno.com

DEG-DEG MAN United oo u dhaqaaqday Xiddig aan la garanaynin Ee Bazoumana Touré

Kooxda Manchester United ayaa hadda si xooggan ugu dadaalaysa si ay ula soo wareegto saxiixa garabka bidix ee kooxda Hoffenheim u ciyaara Ee lagu magacaabo Bazoumana Touré kahor furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga, sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Red Devils ayaa waxa ay doonaysaa inay sii xoojiso horumarka weyn ee ay sameysay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkan, taasoo keentay inay ku dhammaysato kaalinta saddexaad ee Horyaalka English Premier League isla markaana waxa ay usoo baxeen Booska Tartanka Europe Ee UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Tababaraha kooxda Ee Macalin Michael Carrick ayaa helay shaqada tababarenimada si joogto ah kadib markii uu si ku meel gaar ah u beddelay Macalinkii Horay Ee Ruben Amorim, waxaana hadda la sheegay inuu door weyn ku leeyahay bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga ee kooxda.

Lacagta dheeraadka ah ee ka timid u soo bixitaanka booska Europe Ee Champions League ayaa sidoo kale kor u qaaday awoodda dhaqaale Ee kooxda Manchester United.

Warar badan ayaa sheegaya in madaxda Kooxda Red Devils Ee INEOS iyo midka qeybta ka leh kooxda Ee Sir Jim Ratcliffe ay qorsheynayaan inay keenaan ugu yaraan laba khadka dhexe ah, daafac bidix, iyo garab bidix, iyadoo sidoo kale la hadal hayo daafac dhexe iyo weeraryahan cusub.

Kadib markii ay lasoo wareegeen saxiixa Éderson ee Atalanta, Manchester United ayaa hadda diiradda saartay Xiddiga Reer Ivory Coast Ee Bazoumana Touré.

Halka Kooxda Newcastle United ayaa horay uga mid ahayd kooxaha ugu xiisaha badan Ee Xiddigan aadka u doonaye, balse soo gelitaanka kooxda Manchester United ayaa si weyn u beddelay xaaladda.

Tv-ga Africafoot ayaa sheegtay:

Waxay yiraahdeen “Manchester United waxay hadda si dhab ah ugu dadaalaysaa inay hesho saxiixa xiddiga reer Ivory Coast. Kooxda Michael Carrick uu Hogaamiyo ayaa raadineysa weeraryahanno da’yar oo firfircoon, waxaana Touré si fiican ugu habboon yahay baahida kooxda maadaama uu leeyahay xawaare, aragti ciyaareed iyo hal-abuur.”

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in mustaqbalka Touré uu jebin karo rikoorro, maadaama loo arko inuu noqon karo iibkii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda Hoffenheim Ee ka ciyaarta dhankaa iyo Horyaalka Bundesliga.

Dhanka kale, halyeeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa sheegay inuu dooran lahaa in kooxda la keeno xiddiga u ciyaara kooxda Nottingham Forest Ee Elliot Anderson haddii kooxda ay fursad u heli lahayd inay kala saxiixato isaga ama Morgan Rogers.

Scholes wuxuu yiri:

“Aniga Elliot Anderson ayaan dooran lahaa. Waan jeclahay Morgan Rogers, laakiin ma beddeli karo Bruno Fernandes maadaama ay isku boos ka ciyaaraan.”

Taageerayaasha Kooxda Man United bal kawaran Hadii Bazoumana Touré kooxda la idin keeno?

About toozaani@gmail.com

3 comments

  1. “Manchester United ciyaaryahan fiican ayay heli lahayd.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com