DEG-DEG: Waqtiga kama dambayska ah Ee Marcus Rashford lala soo wareegi lahaa oo la shaaciyey kadib markii Barcelona ay lasoo saxiixatay Gordon ‎

Kooxda Barcelona ayaa haysata ilaa June 15-keedii si ay u dhaqaajiso qodobka €30 milyan ee ay si rasmi ah kula wareegi karto Xiddiga Marcus Rashford, iyadoo kooxda Reer Catalonia ay isku diyaarineyso wareeg kale oo wada hadallo ah oo ay la yeelan doonto kooxd Manchester United inkastoo ay dhameystireen heshiiska Anthony Gordon.

Marcus Rashford ayaa xilli ciyaareedkan amaaha ku jooga kooxda Barcelona season kaan sameeye 14 gool iyo 14 caawin uu ku lug lahaa,laakiin kooxda Barcelona diyaar uma aha inay bixiso lacagta hadda miiska saaran si heshiiska looga dhigo mid joogto ah.

Tababaraha kooxda Ee Hansi Flick ayaa madaxda Barcelona ku Push gareeye inay si dhaqsi leh ay heshiiska ku dhammeystiraan, laakiin sida uu sheegtay Wargeyska The Athletic, madaxda go’aanada gaarta ee Camp Nou waxay aaminsan yihiin in imaatinka xiddiga cusub Ee Barcelona Anthony Gordon uu ka dhigayo fursadaha Rashford ee sii joogitaanka kooxda “mid aad u adag”.

Gordon ayaa hore heshiis guud ula gaartay kooxda Bayern Munich, laakiin Barcelona ayaa si lama filaan ah ula heshiisay Newcastle heshiis gaaraya £70 milyan, iyadoo gunnooyinka ay wadarta guud ka dhigi doonaan £80 milyan.

Wariyaha Weyn Ee Fabrizio Romano ayaa xalay shaaciyay in Gordon “uu maanta kadib 2-da Duhurnimo soo gaari doono Barcelona” isla markaana “baaritaannada caafimaadka la sameyn doono galabta”.

Sidii la filayena way dhacday maanta siduu Romano inoo sheegay

Taasi war u wanaagsan umaha Rashford maadaama labaduba ka ciyaaraan garabka bidix, inkastoo mararka qaar ay sidoo kale weerarka dhexe ka ciyaaraan. Wararka ayaa sheegaya in Barcelona wali raadineyso weeraryahan cusub oo beddela Robert Lewandowski.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegtay in “ilo ku dhow Rashford ay wali aaminsan yihiin in wax go’aan ah aan loo gudbin, islamarkaana ay wali jirto fursad uu kooxda kula sii joogi karo xilli ciyaareedka dambe xitaa Hadii Gordon Lala soo saxiixday.

Laakiin inkastoo Tababaraha Barcelona Hansi Flick uu wali doonayo sii joogitaanka Rashford, sidoo kale go’aan qaadayaasha kooxda waxay qabaan shaki badan, mana haystaan waqti dheer oo ay ku dhaqaajiyaan qodobka €30 milyan, iyadoo Manchester United ay June 15 u qabatay kama dambeys heshiiska.

Manchester United iyo Barcelona ayaa la filayaa inay toddobaadkan wada hadallo ka yeeshaan Rashford, sida uu sheegay wariye Ben Jacobs.

Wariyaha Wargeyska talkSPORT ayaa ku qoray Bartiisa X: “Barcelona waxay toddobaadkan wada hadallo la yeelan doontaa Manchester United si ay isku daydo inay heshiis Rasmi uga gaarto Marcus Rashford.

“Rashford durba wuxuu heshiis shaqsiyeed la leeyahay kooxda wuxuuna sugayaa xalka ay labada koox gaaraan.

Kooxda Man United sidoo kale waxay si cad ah ugu sheegtay Barcelona inay bixiso lacagta €30 milyan.

Manchester United wax qorshe ah uma hayso inay Rashford dib ugu soo celiso kooxda xilligan uu Michael Carrick maamulayo kooxda, taasoo ka dhigan in madaxda INEOS ay ku qasban yihiin inay helaan koox kale haddii heshiiska Barcelona uu fashilmo.

Kadib markii Wargeyska Gazzetta dello Sport ay toddobaadkan shaacisay in United ay kamid tahay labo kooxood – iyadoo Fenerbahce ay kooxda kale tahay – ee ku tartamaya xiddiga AC Milan Rafael Leao, waxaa la soo jeediyay heshiis is dhaafsi ah.

Rossoneri ayaa hore garabka “superstar”-ka ah ku qiimeyn jirtay in ka badan €100 milyan, laakiin hadda waxay diyaar u yihiin inay ku iibiyaan €43 Milyan ilaa €50 milyan.

Daaficii hore ee Manchester United Jaap Stam ayaa aaminsan in 26 jirkaan uu noqon karo xulasho wanaagsan oo is dhaafsi ah oo United ay sameyn karto

Isagoo la hadlayay Wargeyska ComeOn, Halyeeyga reer Holland wuxuu yiri:

“Waxaa laga yaabaa inuu shaqeeyo heshiis is dhaafsi ah oo Rafael Leao iyo Marcus Rashford ah. Leao sidoo kale waa ciyaaryahan wanaagsan.

“Wuxuu Milan ka muujiyay tayadiisa iyo waxa uu qaban karo. Waxaan u maleynayaa inuu yahay ciyaaryahan ay tahay inuu ku jiro liiska bartilmaameedyada Manchester United.

Waxa uu intaasi ku daray: “Markaan sidaas leeyahay, waa inaad eegtaa kaliya xirfadda ciyaaryahanka ma ahan, balse sidoo kale maskaxdiisa iyo dabeecaddiisa.

“Waa inaad tixgelisaa xaaladda kooxda iyo ciyaaryahanka aad keeneyso inuu kooxda horumar u sameyn karo iyo inkale si aadan u helin xanaaq kasoo baxa ciyaartoy aan lagu bilaabin safka hore.”

About toozaani@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com