DEG-DEG: Xulka Ghana oo Sharci la tiigsaneysa Canada kadib Markii ay diideen galitaanka iyo Visaha Thomas Partey - koorno.com

DEG-DEG: Xulka Ghana oo Sharci la tiigsaneysa Canada kadib Markii ay diideen galitaanka iyo Visaha Thomas Partey

Dowladda Ghana ayaa si kulul u cambaareysay go’aanka Martigaliyaasha Muundiyaalka Dunida Ee Canada kadib markii ay diideen in Xiddiga Thomas Partey uu Visaha ku galo dalka, iyadoo Xulka Ghana ku tilmaamtay mid aad cadaalad-darro ah ka hor kulanka Koobka Adduunka E ay Ghana la ciyaari doonto Xulka Panama toddobaadka soo socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Xulka Ghana ayaa sheegtay inay fahamsan tahay in go’aankaasi uu dhibaato ku hayo dacwado ciqaabeed oo xiddiga Horay loogu dacweeyay gudaha Cariga Ingiriiska.

‎Partey oo 32 jir ah una soo ciyaaray Arsenal haatan-na u ciyaara Kooxda Villarreal ayaa wajahaya eedeymo la xiriira kufsi iyo faraxumeyn darbi ka bood ah oo ku sameeyay Ingiriiska, Halka Isagase uu si cad u beeniyay dhammaan eedeymahaas lagu soo Eedeeyey

‎Partey wuxuu hadda la joogaa dhamaan ciyaartoyda xulka Ghana, wuxuuna u qalmaa waqti xaadirkaan inuu u ciyaaro dhamaan kulamada Muundiyaalka oo dhan.

‎“Go’aan adag oo aad u cadaalad-darro ah”

‎Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ghana ayaa sheegtay inay Khamiistii shalay ahayd ay dirtay qoraal rasmi ah oo cabasho ah, kuna dalbaneysa Martigaliyaasha Canada inay dib u eegto go’aankeeda. Sidoo kale Ghana waxay qorsheyneysaa inay dacwad sharci ah u gudbiso maxkamadda federaalka ee Canada.

‎waakan Qoraalka dowladda Ghana ay dirtay waxayna tiri: “Dowladda Jamhuuriyadda Ghana waxay muujinaysaa walaac weyn oo ku saabsan go’aanka adag ee aadka u cadaalad-darrada ah ee ay Canada qaadatay.”

‎“Inkastoo Ghana ay ixtiraamayso xaqa madaxbannaanida ee Canada ay ku dhaqan-gelinayso sharciyadeeda socdaalka, haddana ku tiirsanaanta eedeymo aan wali maxkamad lagu caddayn waxay dhalinaysaa su’aalo muhiim ah oo ku saabsan caddaaladda iyo isu dheellitirka go’aanka.”

‎Dhanka kale afhayeen u hadlay waaxda Socdaalka Qaxootiga iyo Jinsiyadda Canada ayaa sheegay in martigelinta munaasabadaha waaweyn aysan waxba ka beddelin sharciyada socdaalka ee dalka.

‎“Qof kasta oo doonaya inuu soo galo Canada si gaar ah ayaa loo qiimeeyaa, iyadoo lagu saleynayo xaqiiqooyinka laga hayo iyo sharciga dalka,” ayuu yiri afhayeenku.

‎Hay’adda FIFA ayaa iyaduna sheegtay inaysan wax door ah ku lahayn habraacyada socdaalka ee dalalka martigelinaya tartamada sidii ay Horay u sheegeen isbuucyadii hore

‎Arrintan Partey ayaa noqotay murankii ugu dambeeyay ee la xiriira socdaalka ee hareeyay Koobka Adduunka, kaas oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Canada, Mareykanka iyo Mexico.

‎Sidoo kale toddobaadkan, Mareykanka ayaa diiday gelitaanka garsooraheena Soomaaliyeed Omar Abdulkadir Artan, kaas oo loo qorsheeyay inuu garsoore ka noqdo tartanka. Sarkaal ka tirsan maamulka madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay in hay’adaha Mareykanku ay heleen “xiriir la tuhunsan yahay inuu la leeyahay xubno ka tirsan ururro argagixiso.”

‎Markii uu ku laabtay Soomaaliya, Artan ayaa sheegay in go’aanka fiisaha uu yahay “qaddar Alle”, wuxuuna ku boorriyay Soomaalida inaysan niyad-jab ka qaadin arrintaas.

World cupkan wuuxu noqday kii ugu xumaa daawashada Muundiyaalka Dunida waxaaba na nacsiiye waaba dhibaatooyinkaan oo maalin maalinta ka danbeysa waxlee soo baxaayo, waa kamaa odaygii Thomas Partey ahaa ayaa Hadana lagu Heystaa waxaa Horay usoo sameysay Darteed ayaadan u galaynin gudaha canada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com