Florentino Perez oo wacad ku maray in Barça talaabo sharci ah laga qaado

Florentino Perez ayaa ka hadlay suuragalnimada ah soo laabashada Tababaraha José Mourinho ee Real Madrid, xiisaha kooxda ee weeraryahanka Manchester City Ee Erling Haaland ilaa Perez oo wacad ku maray in kooxda Barcelona Talaabo Sharci ah laga qaado iyo arrimo kale wareysi uu bixiyay kadib shir jaraa’id Weyn uu sameeyay, kaas oo warbaahinta Spain ku tilmaantay inuu ahaa “jinsi takoor.”

Perez ayaa xanaaq muujiyay kadib markii uu hortagay warbaahinta Talaadadii, isagoo weeraray oo waxa uu ku tilmaamay isku day si gaar ah loogu doonayo in lagu dhaawaco kooxda Real Madrid iyo hoggaamintiisa kooxda

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Ee Florentino Perez ayaa sheegay inuusan iscasili doonin, wuxuuna ku baaqay in la sameeyo doorasho ka hor inta uusan dhaleeceyn warbaahinta sida ay uga hadashay dagaalkii dhex maray Federico Valverde iyo Aurelien Tchouameni kaas oo sababay in Valverde isbitaal la geeyo dhaawac maskaxeed dartii.

Perez ayaa sidoo kale hadal afka ah isku dhaafsaday weriyaha Wargeyska ABC Ee David Sanchez de Castro oo uu kaga hadlay Warbixin ku saabsanaa kooxda Real Madrid

Wareysigii xigay oo uu siiyay Wariyaha  Josep Pedrerol oo ka tirsan Wargeyska El Chiringuito Arbacadii shalay ahayd. Perez wuxuu sheegay inuu “la yaabay” falcelinta warbaahinta ee shirkii jaraa’id, isagoo sidoo kale xaqiijiyay inuusan akhrin warbixinta Wargeyska ABC Ee ay soo saareen

Waxa uu yiri:

“May. Markii ugu dambeysay ee aan akhriyo waxay ahayd shalay kahor intaanan galin shirka jaraa’id, waxaan arkay cinwaan leh wuu daalay Haddii aan aniga daalay waa shaqada darteed. Laakiin waxa ay rabaan inay muujiyaan waa inaan daallanahay ama jiranahay. Aad bay u adag tahay in lala tacaalo wararka noocaas ah iyo warbaahinta waxaas faafinaysa.”

Florentino Isagoo tixraacaya laba maqaal oo dhowaan ABC ka qortay kooxda, Perez wuxuu yiri:

“Mid ka mid ah Warbixintaas waxaa qortay haweeney. Ma aqaano iyada inay wax ka taqaano kubadda cagta.”

Isagoo tilmaamaya weriye kale ayuu yiri:

“Gabartaas halkaas joogta su’aal ha weydiiso. Intiina kale warbixin idin kama rabi aad baad u fool xun tihiin.”

Wargeyska ABC ayaa hadalladaas ku tilmaantay “weeraro aan la aqbali karin” oo loogu talagalay “in lagu qariyo fashilka kooxda”, halka idaacadda ugu dhageysiga badan Spain ee Cadena SER ay sheegtay in hadallada Perez ay muujinayaan “kibir iyo jinsi takoor.”

Markii wax laga weydiiyay in lagu tilmaamay qof jinsi takoor sameeyay, Perez wuxuu yiri:

“Iyadaa sharaxday, aniga wax shaqo ah kuma lahayn. Dadku way i yaqaanaan hadda. Gabarta miskiinta ah gacanta ayay taagtay, qofkii fursadda siin lahaa ayaana hadal siin waayay. Inaad tiraahdo gabartan ha hadasho ma wax xun baa? Arrintan si aad ah ayaa loo buunbuuninayaa waan la socdaa midaas”

Florentino oo ka Hadlay imaanshaha Tababaraha cusub Ee José Mourinho, Mbappe iyo Haaland…

Perez ayaa markaas wax laga weydiiyay wararka sheegaya in Real Madrid ay ku dhowdahay magacaabista Jose Mourinho, wuxuuna beeniyay inuu ku lug leeyahay go’aankaas.

Waxuu yiri:

“Waan jeclahay dhammaan tababarayaasha,” ayuu yiri. “Wuxuu marka hore nala joogay in badan; wuxuu sare u qaaday kooxdeena Run ma aha inaan anigu shaqaaleysiiyo tababarayaal walba

“kooxda waqti Xaadirkaan waxa ay ubaahan tahay Mourinho, Xitaa lama hadlin markii uu halkan yimid (kulankii Champions League ee Benfica).”

Perez ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu “raadsadsanayo” ciyaartoyda ugu fiican, isagoo taxay xiddigihii waaweynaa ee uu saxiixay kahor inta uusan si lama filaan ah u beddelin hadalkiisa marka laga hadlayo Haaland iyo wararka sheegaya xiisaha weyn ee kooxda ee weeraryahanka City.

“Mar walba waxaan lasoo saxiixnaa ciyaartoy, mar walba waxaan keennaa kuwa ugu fiican,” ayuu yiri Perez. “Waxaan keenay Luis Figo, Kaka, Ronaldo Nazario, David Beckham… Marka ciyaaryahan fiican jiro waan raadsadaa.”

“Madrid hadda,” ayuu yiri Perez. “Wuxuu ku guuleystay Golden Boot, dhib kuma qabo gool dhalinta. Laakiin waxaa jira meelo u baahan horumar kooxdeena” waxaana laga yaaba Saxiix weyn inaa la imaano

Iyadoo kooxda ay sida weyn isku hayaan Barcelona kadib markii Perez ku eedeeyay musuqmaasuq shirkiisii jaraa’id, madaxweynaha waxaa la weydiiyay xiriirka uu la leeyahay kooxda Catalonia kahor inta uusan mar kale ku adkeysan eedeyntiisa.

Wuxuu yiri:

“Gabi ahaanba waa dhammaatay. Ma doonayo inaan wax xiriir ah la yeesho koox labaatan sano laaluush siinaysay garsoorayaasha. Waxaan rabaa nidaamka cadaaladda inuu tallaabo ka  qaado kooxda waxaas sameynaysa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *