Halyeeyga Manchester United Gary Neville ayaa ku adkeystay in Arsenal ay Weli wajihi karaan hal kulan oo aad u adag oo ka haray xilli ciyaareedkan kaas oo u diidi kara Hanashada horyaalka Premier League.
Gunners ayaa hadda lix dhibcood ku hoggaamineysa jadwalka Premier League kadib markii ay 3-0 kaga adkaadeen kooxda Fulham dhammaadkii toddobaadkan.
Arsenal way ku faraxsan tahay dhibcaha ay heshay, balse Manchester City waxay haysataa laba kulan oo dheeri ah, waxayna ka hormari karaan Gunners haddii ay labadaas guuleystaan.
Man City ayaa wajahaysa Everton kulanka Caawa iyagoo doonaya inay soo ceshadaan saddex dhibcood oo kale, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay sidoo kale isha ku hayaan farqiga goolasha oo go’aamin kara horyaalka sanadkan.
Arsenal waxay hadda haysataa saddex kulan oo kaliya oo ka haray Premier League, iyadoo Neville uu saadaaliyay in kulankooda bannaanka ee London Stadium ay kula ciyaarayaan West Ham United uu noqon doono kan ugu dhibka badan ay kooxda Arsenal wajihi karaan.
Isagoo ka hadlayay Arsenal, oo sidoo kale la ciyaari doonta Burnley iyo Crystal Palace, Neville ayaa Sky Sports ku yiri:
“Waxaan daawaday Arsenal kulankii Fulham ay la ciyaarayeen, ereyga ‘niyad jab’ sax ma aha, balse Mikel Arteta wuxuu ka fikiri karaa inay laba gool kale dhalin kareen iyo inay ka shallayn doonaan taas.
“Laakiin wuxuu ku farxi doonaa guusha, wuxuuna xusuusin doonaa ciyaartoyda inay ka faa’iidaystaan fursadaha oo ay noqdaan kuwo afka Hore Ee Goosha dilaa ku noqdaan. Taasi waa fariinta uu siin doono sida aan qiyaasayo.
“Hadda ma fadhiisan karaan kulamada, waa inay sii wadaan. Waxaan u maleynayaa in Man City ay ka adkaan doonto Everton, balse haddii ay dhibco lumiyaan halkaas waxay noqon lahayd wax aad u yaab leh.
“Uma maleynayo inay dhici doonto. Waa toddobaad weyn sababtoo ah waxaan u maleynayaa kulanka ay Arsenal ugu badan tahay inay dhibco ku waayaan waa West Ham marka ay bannaanka u safraan.
“Kaas waa kulanka ay ugu badan tahay inay ka baqaan. Waa mid aad u adag sababtoo ah West Ham waxay u dagaallamayaan badbaadadooda ulaabashada Heerka labaad waxayna u baahan yihiin dhibco.”
JAMIE CARRAGHER OO ISAGANA KA HADLAY KOOXDA ARSENAL:
Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa aaminsan in tartanka horyaalka Premier League uu ku dhammaan karo farqiga goolasha haddii Man City ay ka gudubto Everton caawa.
Carragher ayaa yiri:
“Arsenal waxay ahayd mid cajiib ah. Waxaan u maleynayaa inay tahay ciyaartii ugu fiicneyd ee ay muujiyaan muddo dheer kadib, laga yaabee tan iyo markii ay ka adkaadeen Tottenham Hotspur kulankii derby-ga waqooyiga London.
“Wax yar ayay ka caawisay Fulham, balse waxay u muuqdeen kuwo firfircoon, waxayna ahayd mid muhiim ah marka loo eego farqiga goolasha sidoo kale.
“Uma muuqan kuwo daalan ama cabsi leh sida ay hore u ahaayeen, balse qaar ka mid ah taas waxaa sababay sida Fulham u liidatay.
“Waan arki doonaa sida ay wax u dhacaan, balse hadda cadaadis yar ayaa saaran Manchester City oo leh kulan adag oo ay la ciyaarayaan Everton Caawa.
“Waxaan u maleynayaa in Man City ay badin doonto, balse waxay u badan tahay inay ku dhammaato farqiga goolasha, sidaas darteed kaliya guul ma filna.”
Arsenal Kulanka ay West Ham ay la ciyaarayan inay dhibco ku lumin karaan mana kuraacsan tahay fikrada Garry Neville?
