Warar cusub oo yaab leh ayaa ka soo baxay waxa ku dhacay garsooraheena soomaaliyeed Ee Omar Abdulqaadir Artan ka hor inta aan loo oggolaan inuu galo Mareykanka si uu uga mid noqdo Garsoorayaasha Dhexdhexaadin doona Muundiyaalka Dunidashaqeeyo Ee 2026.
Dunida Caalamka oo idil ayaa aad uga carooday toddobaadkan kadib markii la ogaaday in garsoorahan Soomaaliyeed aan loo oggolaan doonin inuu ka mid noqdo Garsoorayaasha Dhexdhexaadin doona Koobka aduunkan, inkastoo uu haystay fiiso sax ah. Artan ayaa yimid garoonka diyaaradaha Miami International Airport isagoo ka soo duulay Magaalada Istanbul Ee Türkey-ga, balse looma oggolaan inuu galo gudaha Mareykanka sababo la xiriira “walaacyo dhanka baaritaanka amniga ah”.
Mas’uul Mareykan ah oo aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in loo diiday gelitaanka sababo la xiriira “xiriir la tuhunsan yahay oo uu la leeyahay xubno ka tirsan ururrada argagixisada.” Garsooraheena Soomalaiyeed Omar artan ayaa hadda sheegay in uu kaliya la wadaago magac hoggaamiye ka tirsan koox argagixiso, wuxuuna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sida loola dhaqmay gudaha Mareykanka.
GARSOORE OMAR ARTAN OO SHEEGAY IN 11 SAACADOOD LAGU HAYEY GAROONKA MIAMI ISAGOO FAALO KA BIXIYEY QAABKA XUN AY ULA DHAQMEEN:
Markii uu yimid Miami, Artan waxaa isla markiiba wajahday dhibaato. Inkastoo uu haystay fiiso sax ah, waxaa la wareystay muddo 11 saacadood ah, kadibna waxaa lagu xiray qol (xabsi ku meel gaar ah), ugu dambeyntiina si rasmi ah ayaa loo diiday gelitaanka dalka, waxaana dib loogu celiyay diyaarad uu marka Hore ku yimid
Garsooraheena Omar Artan Wuxuu yiri: “Anigu waxaan ahay garsoore kaliya oo doonaya inuu riyadiisa Rumeeyo, riyada ugu weyn ee noloshayda iyo in aan doonayo inaa qeyb ka noqdo Garsoorayaasha Dhexdhexaadin doona Koobka Adduunka. Waraaqahayga oo dhan waxay ahaayeen kuwo sax ah, haddana waa la i wareystay saacado badan, waa la ixiray kadibna waa la i eryay. Waxaan u maleynayaa inay dhibaato ka qabaan waddankayga.”
Sida uu sheegay wargeyska Gazzetta del sport Omar Artan ayaa sheegay in amniga uu su’aalo ka keenay sababta oo ah wuxuu la wadaagaa magac la mid ah hoggaamiye ka tirsan kooxda Al Shabaab oo ka hawlgasha qaybo ka mid ah Soomaaliya. Wuxuu yiri: “Marar badan ayay i weydiiyeen haddii aan waligay la kulmay xubno ka tirsan Al Shabaab. Waxaan u sheegay inaanan waxba ka aqoon kooxdan milatari, kaliya waxaan u joogay Mareykanka si aan shaqadayda garsoornimo u qabto.”
GARSOORAHEENA SOOMALIYEED OMAR ARTAN OO KU SIGTEY INUU SAMEEYO TAARIIKH WEYN:
Artan wuxuu FIFA u diiwaangashanaa garsoore tan iyo 2018, waxaana loo doortay garsooraha ugu fiicnaa Afrika ee CAF sanadkii 2025. Waxa uu sidoo kale ku sigtay oo uu ku dhawaaday inuu sameeyo inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay Ee Soomaali ah Ee Dhexdhexaadiya Koob Adduun.
Hadda maqnaanshihiisu waxay ka dhigan tahay in kaliya lix garsoore Afrikaan ah ay ciyaaraha koobka aduunka ka Dhex-dhexaadin doonaan
Wuxuu ugu dambeyntii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxuuna kasoo dagtay garoonka Adan Cade International Airport, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen wariyeyaal iyo taageerayaal. Inkastoo riyadiisa la hakiyay, wuxuu sheegay inuu weli niyad wanaagsan yahay:
Waxa uu yiri garsooraheena: “Inkasta oo xaaladdu sidaan noqotay, waxaan ahay qof niyad wanaagsan dareemaya oo diiradda saaraya Mustaqbalkayga garsoornimo.”
Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay FIFA iyo CAF taageeradooda, isagoo sheegay inuu sii wadi doono shaqadiisa garsoornimo isla markaana uu rajeynayo inuu mustaqbalka dib ugu soo laabto Koobka aduunka
koorno.com Wararka Ciyaaraha