Halyeeygii Hore kooxda Barcelona isla markaana sidoo kale usoo ciyaari jiray kooxaha Leicester City, Everton iyo Tottenham Hutspur Ee Gary Lineker ayaa shaaca ka qaaday fikirkiisa ku aaddan tartanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan cida ku Guuleysaneysa, isagoo sheegay in Chelsea ay noqon karto kooxda la tartami karto kooxda Arsenal, oo ah kooxda horyaalka difaacanaysa.
Arsenal ayaa dad badan u arkaan kooxda ugu cad-cad inay mar kale ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan, gaar ahaan kadib awooddii ay muujiyeen xilli ciyaareedkii hore iyo hubanti la’aanta ku saabsan kooxaha ay la tartami karaan.
Way adag tahay in Arsenal laga hor maro, laakiin Chelsea ayaa loo arkaa inay tartan geli karto sababo ay ka mid yihiin magacaabista Xabi Alonso iyo xaqiiqda ah inaysan xilli ciyaareedkan ciyaareyn tartamada Yurub.
Si kastaba, Lineker ayaa diiday hadalka ah in ay ka fudud tahay in horyaalka markii ugu horreysay la qaado marka loo eego in la difaacdo, wuxuuna saadaaliyay in Arsenal ay horyaalka difaacan doonto, isagoo sheegay inay ku dhammaysan doonto kaalinta koowaad ugu yaraan 10 dhibcood oo ay kaga horreyso kooxda labaad.
🗣️Lineker ayaa yiri: “Inkasta oo dadka qaar ay leeyihiin in horyaalka markii ugu horreysay la qaado ay ka fudud tahay in la difaacdo, anigu taas kuma raacsani.”
“Waxaan u maleynayaa inay difaacan doonaan horyaalka. Ma aha oo keliya inay xoojiyeen kooxdii xilli ciyaareedkii hore horyaalka ku guuleysatay, balse sidoo kale dhammaan kooxaha waaweyn ee ku hareeraysan waxay ku jiraan marxalad isbeddel ah, Sidaas darteed waxaan saadaalinayaa Arsenal inay ugu yaraan 10 dhibcood ku guuleysato horyaalka.”
LINEKER OO CHALSEA U SAADAALIYE INAY KAALINTA 2-AAD KU DHAMEYSAN DOONAAN SEASON-KAN:-
Dhanka Chelsea, Lineker ayaa aaminsan in Blues-ku ay Arsenal kula tartami karaan horyaalka sababo dhowr ah awgood.
🗣️Lineker: “Ma hubo inay tani tahay saadaal la yaab leh, laakiin waxaan u maleynayaa in Chelsea ay ku dhamaysan karto kaalinta labaad.”
“Waxaan dareemayaa in Xabi Alonso uu leeyahay wax gaar ah. Haddii kooxda oo dhan aysan si buuxda u burburin, taas oo suurtagal ah, waxaan u maleynayaa inuu si fiican uga shaqeyn doono Chelsea. Waxaan u arkaa inuu yahay tababare wanaagsan.”
“Waxay leeyihiin tayo badan. Haddii aad eegto Rogers, Cole Palmer iyo João Pedro ee safka hore, taasi waa saddex weeraryahan oo wanaagsan.”
GARRY LINEKER OO KA HADLAY MAN CITY, LIVERPOOL IYO MAN UNITED:-
Markii laga hadlay kooxaha kale ee loo arko inay horyaalka u tartami karaan, Lineker wuxuu sharaxay sababta uusan u arkin koox kale oo Arsenal si dhab ah ula tartami karta xilli ciyaareedkan.
Manchester City ayuu sheegay inay ku jiraan marxalad isbeddel ah, dhinacyo badan marka laga eego.
“City dhab ahaantii waxay ku jiraan marxalad isbeddel ah, siyaabo badan, waxaana laga yaabaa inay iyaga ugu badan tahay kooxaha waaweyn.”
“Wax walba way dhici karaan xilli ciyaareedkan. Weli waxaan filayaa inay u soo bixi doonaan Champions League, laakiin ma filayo inay ku jiri doonaan tartanka horyaalka.”
GARY LINEKER OO LIVERPOOL SI GAAR AH UGU HADLAY:-
Dhanka Liverpool, Lineker wuxuu sheegay in tababaraha cusub uu u baahan yahay inuu wax ka beddelo qaabka kooxda u ciyaarto, taasina ay qaadan karto waqti.
“Tababare cusub ayaa yimid, waana inuu beddelaa qaabka ciyaarta. Isaguba wuxuu sheegay inuusan hubin in kooxdu weli diyaar u tahay qaabka uu doonayo.”
“Sidaas darteed waxay qaadan kartaa waqti iyo hal ama laba saxiix.”
“Waxay sidoo kale lumiyeen dhowr ciyaaryahan oo khibrad leh, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inay kaliya Champions League u soo bixi doonaan.”
LINEKER OO MAN UTD KA HADLAY:-
Markii uu ka hadlay Manchester United, Lineker wuxuu su’aal ka keenay haddii Michael Carrick uu sii wadi karo heerkii fiicnaa ee uu kooxda ku hoggaamiyay xilli ciyaareedkii hore, iyadoo markan ay sidoo kale ciyaarayaan Champions League.
Lineker ayaa yiri: “Su’aasha weyn ayaa ah: Michael Carrick ma sii wadi karaa sida wanaagsan ee uu sameynayay xilli ciyaareedkii hore, iyadoo markan ay sidoo kale haystaan Champions League?”
“Waxaan u maleynayaa in kooxdu hadda wax yar ka liidato dhanka qoto-dheeraanta si ay dhammaan tartamada ugu tartanto.”
“Sidaas darteed, waxaan u maleynayaa inay kaalinta afraad ama shanaad kula dhamaysan doonaan Liverpool.”
koorno.com Wararka Ciyaaraha