José Mourinho oo Bartilmaameed Ka dhigtay Xiddigaha kooxda Manchester Man city ?

Jose Mourinho kadib Markii uu Noqday Tababaraha Cusub Ee Real Madrid Xilli Ciyaareedka soo socda Maamuli doono waxaa la sheegay inuu kooxda Manchester City ka bilaabi karo saxiixyada waaweyn ee uu doonayo inuu xagaagan lasoo saxiixdo

Suxufiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa Maanta xaqiijiyay in José Mourinho si dhab ah heshiis laba sano ah la gaaray kooxda Real Madrid isagoo yiri:

“Jose Mourinho ayaa dib ugu laabtay Real Madrid, HERE WE GO!

Dhammaan heshiisyada waa la isku afgartay, waxaana harsan oo kaliya saxiixa dukumiintiyada.

Qorshuhu waa heshiis laba sano ah, Mourinho-na wuxuu Madrid tagi doonaa kadib kulanka Real Madrid vs Athletic Bilbao ay 23 May la ciyaarayaan The Special One is back.”

Warbixino kasoo baxaya England iyo Spain ayaa sheegaya in Mourinho bartilmaameedkiisa koowaad uu yahay xiddiga Manchester City ee Rodri

Mourinho wuxuu aaminsan yahay in khadka dhexe ee Real Madrid u baahan yahay xoojin degdeg ah, Rodri-na uu noqon karo xalka ugu habboon.

Sidoo kale wargeyska AS Sports ayaa sheegay in Real Madrid loo bandhigay labada xiddig ee Manchester City:

Joško Gvardiol iyo Bernardo Silva

Kooxda Real Madrid ayaa hore u doonaysay Gvardiol kahor inta uusan City ku biirin sanadkii 2023, waxayna wali si dhow ula socdaan horumarkiisa. Los Blancos waxay raadinayaan daafac cusub oo beddela David Alaba, iyadoo Gvardiol uu yahay bartilmaameedkooda riyada ah.

Laakiin City lacag badan ayay ku bixisay saxiixiisa, ku dhowaad €90 milyan ayay kaga soo iibsadeen kooxda Rp Leipzig sidaas darteed heshiiskiisu ma sahlanaan doono.

Dhanka kale haddii Mourinho soo qaato Bernardo Silva, waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Barcelona oo muddo dheer xiisaynaysay ciyaaryahanka reer Portugal.

Bernardo Silva ayaa dhawaan xaqiijiyay inuu xagaagan ka tagayo kooxda Manchester City marka uu dhammaado heshiiskiisa. Waxa uu hadda qiimeynayaa fursadaha kala duwan ee uu heli karo, iyadoo kooxo badan oo ay ku jiraan Juventus, kooxaha Sacuudiga iyo Horyaalka MLS oo ah Ikhtiyaar kale uu eegi karo.

Si kastaba Ha ahaatee Bernardo Silva wuxuu sheegay in riyadiisu tahay inuu maalin uun dib ugu laabto kooxda Benfica

Ilaa hadda Rodri ayaa u muuqda ciyaaryahanka ugu dhow oo ku biiri Kooxda Real Madrid xagaagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *