José Mourinho oo Real Madrid ka dalbanaya in loo keeno Daafac bir ah ? ‎

Jose Mourinho wuxuu doonayaa in Real Madrid ay la soo wareegto Antonio Silva oo ka tirsan kooxda Benfica wuxuuna doonaya wiilkiisii Benfica uu macalin u ahaa inuu Real keeno haddii uu beddelo Alvaro Arbeloa oo uu noqdo tababaraha Estadio Bernabeu, sida ay warbixin sheegtay.

Arbeloa waxaa loo magacaabay tababaraha Real Madrid bishii Janaayo 2026 kadib markii uu ka tagay Xabi Alonso.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad u yar suurtagalnimada in Arbeloa uu sii hayn karo xilka tababaranimo xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo Madrid ay ka hartay Champions League isla markaana aanay u badnayn inay ku guuleysato LaLiga.

Inta badan hadallada ku saabsan booska tababaranimo ee Madrid ayaa ku wajahnaa Jurgen Klopp.

Warbixino badan ayaa si adag u sheegayay in tababarihii hore ee Liverpool uu yahay musharaxa ugu sarreeya ee Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, toddobaadkan waxaa soo baxay in Jose Mourinho uu yahay dooqa koowaad Ee  madaxweyna ha Real Madrid Florentino Perez uu doonayo inuu macalin kaga dhigo kooxda Real.

José Mourinho wuxuu hadda maamulaya Benfica, balse tababarihii hore ee Madrid ayaa la sheegay inuu aad u doonayo inuu ku laabto kooxda uu horay u soo maamulay intii u dhexeysay 2010-kii iyo 2013-dii.

Warbaahinta Spain ayaa hore u aqoonsatay ciyaaryahanka ugu horreeya ee Mourinho uu keeni doono haddii uu qabto shaqada Madrid inuu noqon karo Antonio Silva.

Real Madrid waxay doonayaan inay keenaan ugu yaraan hal daafac dhexe suuqa xagaagan, waxaana suuragal ah xitaa laba daafac bir ah inay keenan.

David Alaba ayaa ka tagi doona Madrid xagaagan marka uu dhammaado heshiiskiisa.

Halka Antonio Rudiger loo badinayo in la siin doono Heshiis kordhin hal sano ah, balse ciyaaryahankii hore ee Chelsea waa 33 jir.

Warbixin Isbaanish ah ayaa hadda sheegaysa in Mourinho uu doonayo inuu keeno daafaca Benfica ee Silva haddii uu Real Madrid Tababare u noqdo.

José Mourinho wuxuu doonayaa inuu lasoo wareego wiilkiisi Hore daafaca Benfica Ee Antonio Silva

Antonio Silva wuxuu kasoo baxay akademiyada Benfica wuxuuna si buuxda ugu biiray kooxda koowaad.

Daafaca dhexe ee 22 sano jirka ah ee xulka Portugal u dhaliyay 10 gool isla markaana sameeyay 4 caawin 179 kulan oo uu u saftay kooxda koowaad ee Benfica dhammaan tartamada oo idil

Antonio Silva wuxuu ku guuleystay horyaalka Primeira Liga Ee Portugal isagoo la jooga Benfica Seasonadii 2022/23 iyo sidoo kale Taca da Liga 2024/25.

Da’yarkaan wuxuu sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay xulka Portugal, isagoo ku guuleystay National League 2024/25.

Iyadoo la xusay in Jose Mourinho uu dalban doono saxiix weyn Madrid, warbixintu waxay sheegtay:

“Waxaan ka mid ah xoojinta uu doonayo inuu sameeyo, ciyaaryahan aan laga maarmin oo uu The Special One doonayo waa Antonio Silva

Waxaa aad looga hadlay Nico Schlotterbeck, laakiin tababaraha Portugal wuxuu doorbidi lahaa inuu doorto waddankiisa uu ka soo jeedo, oo uu si fiican u yaqaan, maadaama uu gacantiisa ku hayo Benfica

Wuxuuna awood u yeeshay inuu xaqiijiyo inuu ka mid yahay daafacyada dhexe ee ugu fiican adduunka, isla markaana uu leeyahay horumar aad u weyn

Dad badan ayuu u yahay daafaca dhexe ee ugu fiican Horyaalka Portugese ka Ee Primeira Liga, wuxuuna si joogto ah ugu jiraa xulka Portugal, halkaas oo uu hubaal uga qayb geli doono Koobka Adduunka, isla markaana uu door muhiim ah ka ciyaari doono.”

Indha-indheeyayaasha Madrid ayaa la sheegay inay muddo la socdeen xiddiga Antonio Silva, isla markaana ay u soo jeediyeen kooxda in ay la soo wareegaan.

Haddii Mourinho uu noqdo tababaraha cusub Ee Real Madrid, waxay u fududaan doontaa in Los Blancos ka heshiis la gaari karaan Antonio Silva, oo qandaraaskiisu kula jiro Benfica ilaa 2027.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale la socda Silva.

3 thoughts on “José Mourinho oo Real Madrid ka dalbanaya in loo keeno Daafac bir ah ? ‎

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *