Liverpool ayaa qorsheyneysa inay weerar ku qaaddo kooxda Newcastle United si ay ula soo saxiixato Xiddiga Reer England Ee Anthony Gordon kadib markii ay ogaatay in Hugo Ekitike uu ka maqnaan doono ugu yaraan sagaal bilood, sida lagu sheegay warbixinta.
Gordon muddo dheer ayuu ku jiray liiska xiisaha Liverpool, kuwaas oo ku dhowaaday inay ka soo iibsadaan Newcastle xagaagii 2024 markaas oo kooxda Newcastle ay la tacaaleysay dhibaatooyin.
Xiisaha Liverpool ee xiddiga xulka England wali wuu jiraa, inkastoo uu hore uga tirsanaa Everton oo ah cadawga Liverpool oo ay kulan Derby ay ku tartamaan gobolka Merseyside.
Si kastaba ha ahaatee, Gordon wuxuu ku soo koray isagoo taageere u ah Liverpool, waxaana la sheegay in kooxda ku guuleysatay Premier League xilli ciyaareedkii hore ay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo saxiixiisa xagaaga 2026, sida ay sheegtay TEAMtalk Sports.
Warbixintu waxay sheegtay in dhaawaca muddada dheer ee Ekitike uu “hadda dedejiyay” qorshaha Liverpool ee ahaa inay keensato weeraryahan dheeraad ah.
Gordon ayaa hadda si rasmi ah ugu soo laabtay qorshaha Liverpool, inkastoo sidoo kale ay xiiseynayaan Arsenal iyo Bayern Munich.
Xaqiiqdii, suxufiga Sky Germany ee lagu magacaabo Florian Plettenberg ayaa sheegay in Bayern ay Gordon ka dhigtay bartilmaameedkooda koowaad ee garabka bidix.
Plettenberg ayaa bartiisa X ku qoray 5:02 galabnimo 13-ka April:
“Bayern Munich si dhab ah ayay uga fiirsaneysaa inay la soo saxiixato Anthony Gordon.
25-jirkan ayaa hadda ah musharaxa la doorbiday ee garabka bidix, si uu u noqdo beddel iyo si uu tartan ula galo Luis Diaz.
Gordon waa la wargeliyay. Wadahadallo hordhac ah ayaa dhacay, inkastoo labada kooxood wali si toos ah u wada hadlin. Newcastle waxay rabtaa inay sii haysato Xiddiga
Suxufiga ayaa mar kale ku daray 14-ka April 3:34 PM :
“Anthony Gordon hadda waa bartilmaameedka koowaad ee Bayern ee garabka bidix.
Qiimaha la qiyaasayo ee suuqa xagaaga waa €60-70 milyan.
Bayern waa diyaar inay bixiso lacagtaas haddii Gordon aqbalo.
Arrintu waxay hadda ku xiran tahay Gordon, halka Bayern—oo ay hoggaaminayaan Eberl iyo Freund— ay wali haystaan xulashooyin kale.
Inkasta oo Gordon asal ahaan yahay garabka bidix, haddana wuxuu sidoo kale ka ciyaari karaa weeraryahan dhexe, isagoo dhaliyay sagaal gool isla markaana bixiyay hal caawin 16 kulan oo uu booskaas ka ciyaaray Newcastle xilli ciyaareedkan.
Gordon—oo xawaarahiisa lagu tilmaamay “mid cabsi leh” sida uu sheegay halyeeygii hore ee Liverpool Jamie Carragher bishii August 2024—ayaa dhaliyay 17 gool wuxuuna sameeyay 5 caawin 46 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedka 2025/26 ee kooxda uu maamulo Eddie Howe.
Sida Ekitike, Gordon waa weeraryahan kala duwan oo ka ciyaari kara dhowr boos, waxaana xiddiga Newcastle uu noqon karaa beddel ku habboon ciyaaryahanka 23-jirka ah ee reer France.
Ekitike ayaa la rumeysan yahay inuu dhaawac ka soo gaaray seedaha (Achilles) intii lagu jiray kulankii Champions League ee ay la ciyaareen kooxda Paris Saint-Germain ee ka dhacay garoonka Anfield Talaadadii.
Waxaa la filayaa in weeraryahanka uu maqnaan doono ugu yaraan sagaal bilood, taas oo dharbaaxo weyn ku ah isaga iyo Liverpool labadaba.
Inkasta oo Liverpool ay leedahay qorshe weyn oo ku saabsan Gordon, haddana ma fududaan doonto inay la soo saxiixato 25-jirka.
Newcastle ayaa si cad u sheegtay inaysan qorsheyneyn inay iibiso ciyaaryahanka, haddii ay khasab noqotana waxay dalban doontaa ugu yaraan £95 milyan, sida ay sheegtay TEAMtalk.
Liverpool si ay u buuxiso booska Hugo Ekitike oo Season kaan inta ka dhiman aan u ciyaari doonin kooxda Reds mala is dhihi karaa Liverpool ayaa soo qaadan karta Gordon, Fikirkaaga dhanka hoose ee Commentiga Halkaan nagula wadaag
