Liverpool iyo PSG ayaa kuwada Tartamaya xiddiga Yan Diomande Halkuu aadayaa ?

Agaasimaha kooxda kubada cagta Ee Liverpool Richard Hughes ayaa Harvey Elliott u calaamadeeyay inuu noqon karo qayb kamid ah heshiis lagu heli karo xiddiga RP Leipzig Ee Yan Diomande xagaagan, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Reds-ka ayaa wali ka soo kabanaysa niyad-jabkii soo gaaray kadib markii Liverpool si dhib badan ugu soo baxday booska Taratanka Champions League iyadoo kaliya labo dhibcood ka heshay afartii kulan ee ugu dambeyey.

Tababaraha kooxda Liverpool Ee Arne Slot ayaa ku guuleystay Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Anfield, laakiin muddooyinkii dambe taageerayaal badan ayaa dalbanayay in tababaraha laga ceyriyo kooxda.

Waxaa la filayay in milkiilayaasha kooxda ee Fenway Sports Group ay tallaabo qaadaan kadib hoos u dhaca weyn ee kooxda ku yimid marka loo eego xilli ciyaareedkii hore, balse waxaa isbuucyadii lasoo dhaafay la xaqiijiyey in slot uu weli sii joogi doono kooxda Liverpool.

Slot wuxuu u baahan doonaa dib u xoojin dheeraad ah xagaagan, iyadoo Liverpool qorsheyneyso inay suuqa kala iibsiga kusoo iibsato ugu yaraan hal garab weerar cusub.

Cody Gakpo ayaa qaab ciyaareed niyad jab leh ku qaatay garabka bidix xilli ciyaareedkan, halka Mohamed Salah uu ciyaartiisii ugu dambeysay u ciyaaray Liverpool kadib markii uu horaantii sanadkan ku dhawaaqay inuu baxayo.

Kooxda Liverpool Bartilmaameedkeeda ugu weyn ayaa u muuqda garabka RB Leipzig u ciyaara Ee Yan Diomande, kaasoo qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigay Bundesliga, laakiin Liverpool waxay wajahaysaa tartan adag oo ku saabsan saxiixiisa.

Leipzig ayaa ku dooneysa ku dhowaad €100 milyan iyo kabadan ciyaaryahanka reer Ivory Coast, iyadoo wariyaha Paul Joyce oo ka tirsan Wargeyska The Times uu sheegay in Liverpool ay isku dayi doonto inay “hoos u dhigto lacagtaas” iyadoo laga yaabo inay Harvey Elliott ku darto heshiiska.

Paul Joyce ayaa yiri: “Waxay u muuqataa wax macquul ah in agaasimaha ciyaaraha Liverpool Richard Hughes uu isku dayi doono inuu hoos u dhigo lacagtaas, waxaana la soo hadal qaaday in Harvey Elliott loo isticmaalo qayb kamid ah heshiiska.

Waxa uu ku daray: “Elliott wuxuu bartilmaameed u ahaa Leipzig xagaagii hore, laakiin kooxda Germany ka dhisan ma aysan awoodin inay bixiso qiimihiisa, sidaas darteed attacking midfielder-ka wuxuu amaah ugu biiray kooxda Aston Villa, taasoo markii dambe noqotay amaah fashilantay.

“In ka badan sidii hore, 23 jirkaan wuxuu u baahan yahay waqti ciyaareed joogto ah, Leipzig-na waxay sidoo kale siin kartaa fursad weyn.”

Wariyaha weyn Ee Fabrizio Romano ayaa ku adkeystay in Liverpool iyo Paris Saint-Germain labaduba ay si xooggan u dooanyaan saxiixa Diomande, iyadoo khabiirka Talyaaniga uu sheegay in qiimuhu xitaa ka badan karo €100 milyan sida uu bartiisa X iyo social mediahiisa ku sheegay

Romano ayaa kanaalkiisa YouTube ku yiri: “Diomande si buuxda ayuu ugu jiraa liiska bartilmaameedyada labada kooxood, wuxuuna ku dhow yahay meesha ugu sareysa liiska PSG iyo Liverpool labadaba.

“Labadan kooxood waxay mid walbo doonaysaa saxiixa xiddiga Diomande, ciyaaryahankuna si taxaddar leh ayuu u qiimeynayaa xulashooyinkiisa. Wuxuu la hadlayaa wakiilladiisa iyo kooxaha si uu u fahmo xulashada ugu fiican ee dhinaca mashruuca, heshiiska, horumarka iyo tababarahaba.

Waxa uu intaasi ku daray: “Waxaa jiri doona wada hadallo dheeraad ah oo lala yeelanayo Liverpool iyo PSG si loo go’aamiyo xulashada ugu fiican. Weli wax degdeg ah ma jiraan, laakiin wada hadalladu way sii socon doonaan.”

“Dhanka kale waxaa jira Leipzig, sababtoo ah Leipzig waxay Diomande u soo bandhigtay inuu kooxda sii joogo hal xilli ciyaareed kale, uuna baxo 2027, saxiixo heshiis cusub, helo mushahar kordhin iyo qodob fasax ah oo lagu darayo heshiiska, Laakiin waqti xaadirkan, Diomande wali wuxuu ka fikirayaa inuu baxo xagaagan.

“Si uu xagaagan uga baxo kooxda, waxaa loo baahan doonaa wada hadallo lala yeesho Leipzig, Leipzig waxay xiddiga ku dooneysaa ku dhowaad €100 milyan ama xitaa ka badan, iyadoo ku xiran dalabyada yimaada. Marka hubaal dhaqdhaqaaq ayaa jiri doona. Is diyaariya sababtoo ah Liverpool way dooneysaa, PSG way dooneysaa, Leipzig-na iyada ayaa shuruudaha ayay dejin doonta.”

Akoon barta X wax lagu soo gudbiyo arimaha suuqa kala iibsiga ayaa sidoo kale sheegtay in Slot uu durba wada hadallo la yeeshay Diomande oo ku saabsan doorkiisa haddii uu xagaagan ku biiro Liverpool.

Diomande kooxduu ku danbeen doonaa ?

About toozaani@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com