Liverpool ayaa la sheegay inay heleen war wanaagsan kadib markii ay doorteen Yan Diomande inuu noqdo bartilmaameedkooda koowaad ee beddeli doona Mohamed Salah.
Kooxda Reds-ka ayaa la filayaa inay si aad ah uga firfircoonaato suuqa kala iibsiga kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo 2025/26 ah ay qaateen.
Kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa si aad u liidata u difaacatay horyaalka Premier League, iyadoo hoos u dhaca degdegga ah uu muujiyay in isbeddello waaweyn loo baahan yahay xagaagan.
Liverpool waxay u badan tahay inay raadin doonto saxiixyo meelo kala duwan ah, balse mudnaantooda ugu weyn waxay noqon doontaa beddelka Salah, kaasoo la xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda xagaagan isagoo xor ah.
Qaab ciyaareedka Salah ayaa si weyn hoos ugu dhacay kadib markii uu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana hadda la dareemayaa in waqtigii uu ka tagi lahaa uu yimid, inkastoo ay adkaan doonto in la beddelo.
Liverpool waxaa lala xiriirinayaa ciyaartoy badan oo beddeli kara Salah, balse warar badan ayaa sheegaya in xiddiga RB Leipzig iyo xulka Ivory coast Ee Diomande uu ka mid yahay xulashooyinka ay aad u jecel yihiin.
Ciyaaryahanka 19-jirka ah ayaa sameynaya xilli ciyaareed cajiib ah Bundesliga, isagoo dhaliyay 12 gool isla markaana 6 caawin uu sameeye 30 kulan uu ciyaaray.
Qaab ciyaareedkan ayaa soo jiitay kooxo badan, iyadoo Manchester United sidoo kale lagu soo waramayo inay xiiseynayaan saxiixiisa xagaagan.
Si kastaba ha ahaatee, weriyaha Football Insider ee Pete O’Rourke ayaa sheegay in Diomande uu yahay bartilmaameedka koowaad ee Liverpool si uu u beddelo Salah, isla markaana uu jecel yahay inuu u wareego Anfield’.
O’Rourke wuxuu yiri:
“Diomande wuxuu noqday bartilmaameedka ugu weyn ee Liverpool si uu u beddelo Mohamed Salah.
“Waa ciyaaryahan ay muddo la socdeen. Wuxuu si cajiib ah uga ciyaaray Bundesliga isagoo u dheelaya RB Leipzig.
“Waan hubaa in Diomande uu xiiseyn doono inuu ku biiro Liverpool haddii wada-hadalladu horumar sameeyaan.”
Meesha ugu badan ee uu aadi karo Mohamed Salah oo la shaaciyay
Marka laga hadlayo Salah, waxaa lala xiriiriyay kooxo badan oo Yurub ah, MLS iyo Saudi Pro League ah oo uu u wareegi karo.
Warbixin cusub oo ka timid The Athletic ayaa sheegtay in ay jirto ‘meesha ugu badan ee uu aadi karo’ Salah haddii uu go’aansado inuu u wareego Horyaalka MLS ka.
Warbixinta ayaa tiri:
“Marka laga eego caannimada caalamiga ah, hal magac oo ka sareyn kara inta badan marka laga reebo Messi waa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah. MLS-na waxay si weyn u dooneysaa inuu winger-kan ku biiro mid ka mid ah kooxahooda.
“Haddii Salah, oo ka tagaya Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedkan, uu u wareego MLS, meesha ugu badan ee uu aadi karo waa kooxda San Diego FC — balse waxaa jira caqabado badan oo weli hortaagan in heshiisku hirgalo.”
