Liverpool ayaa si fiican ugu jirta raadinteeda ay ku doonayso inay hesho beddelka Mohamed Salah, waxaana ay eegi kartaa ilaa toddobo Ciyaaryahan oo suurtagal ah si ay u beddesho xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah.
Salah ayaa bishii hore ku dhawaaqay go’aankiisa ah inuu ka tagayo kooxda Liverpool, isagoo xaqiijiyay inuu ka tegi doono kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo uu haysto heshiis hal sano oo kale ah.
Xiddiga reer Masar ayaa heshiis la gaaray Liverpool si uu u soo afjaro sagaal sano oo uu joogay Merseyside si ka horreysa waqtigii loogu talagalay, taasoo soo gabagabeysay marxalad guulo badan leh oo uu ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato laba horyaal oo Premier League ah iyo hal Champions League.
Ka bixitaanka Salah kooxda Liverpool waxaa meesha ka bixi doonto boos ka mid ah kooxda iyo mushaar badan oo uu qaadan jiray Mo salah—iyadoo uu oggolaaday inuu joojiyo heshiiskiisa si ka horreysa waqtigiisa, ciyaaryahanka 34 jirka ah ayaa la sheegay inuu ka tagayo mushahar gaaraya £400,000 todobaadkii, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan Premier League.
Liiska Ciyaartoyda Liverpool ee Lagu Beddelayo Salah:
Yan Diomande
Sida ay sheegtay Daily Mail, Liverpool waxay Bartilmaamsadeen ilaa toddobo Xiddig oo suurtagal ah si ay u beddesho Salah xagaagan, waxaana ka mid ah xiddiga RB Leipzig ee Yan Diomande.
Ciyaaryahanka xulka Ivory Coast ayaa si ballaaran loola socday bilihii u dambeeyay, balse ma noqon doono mid jaban, maadaama Leipzig la sheegay inay ku rabto qiyaastii lacag gaaraysa £87m ilaa €100m oo ay ku iibiso 19 jirkan garabka ka ciyaara.
Yankuba Minteh
Bartilmaameed kale oo suurtagal ah waa xiddiga Brighton ee Yankuba Minteh, kaasoo Arne Slot si fiican u yaqaan tan iyo waqtigii ay wada joogeen kooxda Eredivisie ee Feyenoord.
Ciyaaryahanka reer Gambia ayaa leh lix waxqabad oo goolal ah 27 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan oo uu usafday kooxdiisa Brighton, wuxuuna sida Diomande oo kale ku jiraa heshiis muddo dheer ah.
Bazoumana Toure
Magaca weeraryahanka Hoffenheim ee Bazoumana Toure ayaa sidoo kale lagu xusay warbixino ay qoreen warbaahinta Jarmalka maalmahan, iyadoo ay sabab u tahay qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ee Bundesliga, isagoo leh laba gool iyo 11 caawin 24 kulan uu ciyaaray.
Francisco Conceicao
Xiddiga Garabka kaga ciyaara kooxda Juventus ee Francisco Conceicao ayaa sidoo kale Liverpool daawatay xilli ciyaareedkan, inkastoo warbixinta Daily Mail ay tilmaamayso in hadal kasta oo ku saabsan suurtagalnimada heshiis uu ka iman karo dhinaca kooxda Talyaaniga.
Liverpool ayaa markale doonaysa Anthony Gordon
Iyadoo la tixgelinayo xilli ciyaareedka adag ee Newcastle United ay ku qaadanayso hoggaanka Eddie Howe, Anthony Gordon ayaa mar kale u soo bixi kara bartilmaameed suurtagal ah oo Liverpool ah.
Kooxda Reds ayaa si dhab ah u sahamisay suurtagalnimada ay ku heli karto ciyaaryahanka xulka England xagaagii 2024, ka hor inta uusan mustaqbalkiisa u go’aansan ka gaarin Newcastle United waxa uusaxiixay heshiis cusub oo lix sano ah oo soconaya ilaa 2030.
Bradley Barcola & Rodrygo
Ugu dambeyn, Liverpool waxay sidoo kale tixgelisay xiddigaha Paris Saint-Germain ee Bradley Barcola iyo Real Madrid ee Rodrygo xagaagii hore.
Labada weeraryahan ayaa hadda dhaawac ah, iyadoo Rodrygo laga saaray inta ka dhiman xilli ciyaareedka iyo Koobka Adduunka sabab la xiriirta dhaawac ACL ah, halka Barcola uu seegay saddexdii kulan ee ugu dambeysay ee PSG sababo la xiriira dhaawac canqowga ah.
Warbixin kale oo ku saabsan Liverpool:
