Weriyaha Adrian Durham ayaa difaac u galay Manchester City Kadib Eedaymihii lagu soo oogay kooxda Man city kiiska FFP, isagoo xusay shan kooxood oo “dembiyo ka daran sameeyeem” ?
Man City waxay wajahaysaa in ka badan 100 eedeyn oo la xiriira jebinta xeerarka FFP ee Premier League intii u dhaxaysay sanadii 2009 ilaa 2018.
Premier League-ka ayaa kooxda u gudbiyay guddi madax-bannaan kadib baaritaan socday afar sano, iyadoo ciqaabaha suurtagalka ah ay ka mid yihiin ganaaxyo suuqa kala iibsiga ah, lacag ganaax ah oo weyn ama in dhibco laga jaro kooxd City xitaa laga yaabo in Koobab laga qaado.
Inkastoo kiiska la shaaciyay bilowgii 2022 isla markaana dhageysigiisu dhammaaday dhammaadka sanadka 2024, weli lama gaarin go’aan kama dambeys ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in go’aan lama filaan ahnla filayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo natiijada hore ay u badan tahay in racfaan ay ka qaadan karto city
Laakin Waxaa la dhihi karaa dad badan ayaa ka daalay sheekadan aadka u dheer, iyadoo taageerayaal badan oo aan ahayn kuwa Man City ay dalbanayaan cadaalad, inkastoo ay u muuqato in ciqaab fudud sida ganaax lacageed uu dhici karo haddii wax ciqaab ah la bixiyo.
Weriyaha talkSPORT ee Durham ayaa isna ka daalay arrintan sida dadka kale, sidaas darteed si uu isugu maaweeliyo una kiciyo taageerayaasha kooxaha kale, wuxuu qaatay dhinaca ka soo horjeeda isagoo ku baaqay in eedeymaha Man City “la joojiyo”.
“Eedeymaha Manchester City waa in la joojiyaa,” Durham ayaa ku yiri talkSPORT.
Durham ayaa yiri:
“Dhageysta, waxa ay sameeyeen oo kaliya waa inay lacag geliyeen kooxda si ay lacag ugu kharash gareeyaan kooxda iyo ciyaartoyda, si ay u noqdaan kuwo tartan walbo ugu dagaalanto. Si ay u keenaan ciyaartoy taageerayaasha madadaalin kara, halka ay jiraan waxyaabo ka sii xun oo ka socda kubadda cagta.
“Dhanka dhaqaalaha, marka la eego taariikhda… City aad bay uga dambeysay kooxaha kale markii wax iibsiga timaado, sidaas darteed waxay ahayd inay si degdeg ah u gaaraan heerkaas. Waa wax lala yaabo sida falcelintu uga duwan tahay koox ilaa koox marka arrimahan dhacaan.
“Bal eeg tusaale ahaan kooxda Wrexham. Markii milkiilayaashooda ay lacag badan ku qarasg gareeyen koox ka ciyaareysay heer hoose, iyadoo aysan jirin xeerar badan, waxaa loo arkay sheeko qurux badan oo guul ah.
“Laakiin waxay saameyn weyn ku yeesheen mushaarka ciyaartoyda ee heerarka hoose ee kubadda cagta.
“Intaas ka weyn, Leicester City waxay jebiyeen xeerarka dhaqaalaha intii ay ku socdeen guushii ay ku gaareen Premier League.
“Waxaa lagu helay dambiga jebinta FFP xilli ciyaareedkii 2013/14 markay ku guuleysteen Championship ka, dhowr xilli kahor inta aysan qaadin horyaalka premier league, Dad badan ayaa taas illoobay, sababtoo ah waxay dhaawaceysaa sheekada quruxda badan ee Leicester.”
Durham oo sheegay Shan kooxood kuwaas oo “dembi ka daran tan Man city gashay” sameeyen:
Durham wuxuu sii raaciyay inay jiraan shan waxyaabood oo uu ku tilmaamay “inay ka daran yihiin” waxa Man city lagu Eedaynaayo.
Waxuu sheegay:
Kooxda Liverpool oo marwalbo qiima kordhin ku sameysa tigidhada.
Kooxda Chelsea oo milkiilayaashooda aan ixtiraam u hayn taageerayaasha.
Kooxda Arsenal oo waqtiga lumisa ciyaaraha taasoo dilaysa madadaalada kubadda.
Kooxda Burnley oo sameysa dadaal liita si ay u sii joogaan horyaalka.
VAR iyo PGMOL oo burburinaya farxadda daawadashaasha kubadda cagta.
“Maxay dadku uga cabanayaan arrintan? Sababtoo ah kooxo ayaa sameeyay xeerar dhaqaale oo yaab leh sannado ka hor, haddana waxaa ciqaabta dusha laha saaraya city Man City.
“Wax sabab ah ma jirto – iska joojiya eedeymaha, dhammaanteen waan ka daalnay arrinkaan”.
Durham waxuu diidan yahay in kaliya kooxda Manchester city Eedeymahaas lagu soo oogo Ee waxuu leeyahay kooxahan kale ee wax yaabahan sharci darada sameeyan iyagana hala Eedeeyo.
koorno.com Wararka Ciyaaraha