Sida ay sheegayaan warbixino kooxda Manchester United ayaa diyaar u ah inay wax walba usameeyaan si ay uga adkaato Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Juventus Ee Pierre Kalulu.
Juventus ayaa mar kale ku jirta xilli ciyaareed niyad jab leh iyadoo ku jirta kaalinta saddexaad ee Serie A isla markaana 17 dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha Inter Milan, balse Kalulu ayaa kamid ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsan ee kooxda.
Ciyaaryahanka 25 jirka ah oo ah daafac dhexe balse sidoo kale ka ciyaari kara daafaca midig ayaa noqday xiddig si weyn usoo ifbaxay Juventus labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay wuxuuna soo jiitay xiisaha kooxaha Premier League.
Horaantii toddobaadkan, warbixin ayaa sheegtay in Kalulu uu noqday mid kamid ah bartilmaameedyada ugu sareeya ee Liverpool waxaana jira tuhun xooggan oo ah inuu ka tagi doono Juventus haddii loo soo bandhigo 40 milyan oo euro ah
Laakiin Man United ayaa tartan adag siinaysa Liverpool kahor Usoo bixideeda booska Champions League.
Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday warbaahinta Talyaaniga ee Calciomercato lagu magacaabo, kooxda Manchester United iyo Liverpool ayaa diyaar u ah inay wax walba usameeyaan si ay ula soo saxiixdaan Kalulu iyadoo ay muuqato inuu jiro tartan toos ah oo u dhexeeya labada kooxood oo ku saabsan xiddiga Juventus.
Warbixinta ayaa sharraxaysa:
“Ciyaaryahankii hore ee AC Milan ayaa galay Bartilmaameedyada kooxaha Manchester United iyo Liverpool, kuwaas oo diyaar u ah inay wax walba sameeyaan si ay u helaan saxiixiisa: Turin gudaheeda wax qorshe ah looma hayo in laga tago ciyaaryahan lagu kalsoon yahay oo dabacsan sida Kalulu, balse xaaladdu si degdeg ah ayay isu beddeli kartaa haddii la helo dalabyo ka badan 40 milyan oo euro.
Saxiixii ugu fiicnaa ee Man Utd xilli ciyaareedka 2025/26 oo la magacaabay
Dib u eegis lagu sameeyay xagaagii hore, ciyaaryahankii hore ee United Owen Hargreaves ayaa sharraxay sababta uu u aaminsan yahay in Senne Lammens uu ahaa saxiixoodii ugu fiicnaa marka loo eego Benjamin Sesko, Bryan Mbeumo iyo Matheus Cunha kuwaasoo kooxda Man United ay bandhig cajiib ah kusoo bandhigeen Season-kaan.
Owen Hargreaves ayaa Tv-ga TNT Sports u sheegay “Ciyaaryahankii ugu Fiicnaa Season kaan ay kooxda Man United Lasoo wareegaan waxuu ahaa Goolhaayaha Senne Lemmens”
“Immisa ayuu ku kacay? Lacag badan ma uusan ku kicin marka wuxuu noqday qiimo wanaagsan.
“Waxaan u maleynayaa in United ay eegtay arrinta oo ay tiri, ‘Maxaa nagu celin kara sareynta horyaalka oo nagu geyn kara boosaska Champions League?’ Ma aha ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah ama goolhaye
“Markaa waxay keeneen Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo, ciyaartoy leh khibrad Premier League ah oo kuu dhalin kara 20 gool ama wax ka badan, United-na hadda waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad sidaas darteed waxaan u maleynayaa in taas sax noqotay.
Hargreaves ayaa intaas ku daray:
“Laakiin waxaan sidoo kale aaminsanahay haddii aysan xallin dhibaatada goolhayaha, ma aysan joogi lahayn afarta sare.”
Jawaab ahaan, Ally McCoist ayaa ku daray:
“Uma maleynayo inay midaas yaraysan karto”
“Haddii aad eegto United dhinaca difaaca, wax kalsooni ah kuma aysan qabin waxa ka dambeeya.
“Si lama filaan ah waxay heleen qof ay kalsooni ku qabaan, waxaanan u maleynayaa inay taasi sameyneyso farqi weyn.”
koorno.com Wararka Ciyaaraha