Manchester United ayaa bilaawday raadiska saddex daafac dhexe kuwaas oo ay bartilmaameed ka dhigteen, sida warbixinta ay sheegayso.
Red Devils ayaa horey loo sheegay inay u qoondeeyeen £150 milyan si ay u xoojiyaan khadka dhexe xagaagan iyadoo laga yaabo inay sameeyaan ilaa saddex saxiix oo booskaas ah, kadib markii taageerayaal badan ay dareemeen inay ahayd inay halkaas xoojin weyn kooxda ku sameeyaan.
Daafac bidix iyo garab bidix ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay yihiin mudnaano muhiim ah kahor xagaagan, halka daafac dhexe uu yahay meel kale oo walaac laga qabo kahor xilli ciyaareedka soo socda.
Michael Carrick ayaa la filayaa inuu kooxda hoggaamiyo xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo warbixino sheegayaan in Man United wali qiimeyneyso dhammaan xulashooyinkeeda tabarayaasha, Carrick kadib markii uu badiyay toban kulan, barbaro galay labo kulan, laga badiyay labo kamid ah 14-kii kulan ee ugu horeeyay ee uu maamulayay kooxda Manchester United.
Guul 3-2 ah oo ay ka gaareen kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool Axaddii ayaa xaqiijisay booska usoo bixida tartanka Europe Ee Champions League-ka xilli ciyaareedka soo socda iyo koror weyn oo dhaqaale kahor suuqa kala iibsiga xagaagan
Warbixino kasoo baxay Spain ayaa hadda sheegaya in Man Utd aqoonsatay baahi degdeg ah oo loo qabo saxiix daafac dhexe oo heer sare ah kaas oo bixin kara awood jireed oo lagu kalsoonaan karo oo ay hadda ka maqan tahay.
Man United ayaa ka fikiraysa saddex magac oo gaar ah si dib loogu cusbooneysiiyo loona xoojiyo wadnaha difaaceeda iyadoo United target keedu yahay xiddigaha: Micky Van de Ven, Murillo, iyo Castello Lukeba.
Xiddiga Tottenham Hotspur ee Van de Ven ayaa horey loola xiriiriyay Red Devils, waxaana Man Utd si gaar ah u qiimeyneysaa xawaarihiisa sare iyo awooddiisa inuu si dhaqso leh ugu soo laabto ciyaarta furan, kuwaas oo ah astaamo muhiim u ah nidaamka ciyaareed ee Carrick doonayo inuu hirgeliyo xilli ciyaareedka soo socda.
Man United sidoo kale waxay si dhow ula socotaa daafaca dhexe ee Nottingham Forest Ee Murillo waxaana imaanshihiisu keeni lahaa rabitaanka tartanka iyo nidaam ciyaareed oo xeeladaysan oo ay taageerayaasha Old Trafford doonayaan.
Halka xiddiga RB Leipzig Castello Lukeba lagu qiimeeyo daafacashada Weerarda Counter attack-ga ah iyo farsamadiisa difaaceed ee jebinta safafka difaaca iyadoo guddiga Manchester United aaminsan yihiin in xiddigan yahay awood ka maqan kooxda.
Halyeeyga Manchester United Gary Neville ayaa aaminsan in Red Devils u baahan tahay inay xagaaga lasoo saxiixato daafac dhexe inkastoo Harry Maguire uu saxiixay heshiis cusub.
Neville ayaa dhawaan u sheegay Sky Sports isagoo yiri: “Waxaan u maleynayaa in Manchester United u baahan tahay daafac bidix xilli ciyaareedka soo socda sababtoo ah Luke Shaw wuxuu ciyaaray kulan kasta xilli ciyaareedkan, waxaana u maleynayaa inuu dhibtoon karo oo dhaawac soo gaari karo, Waxay u baahan yihiin daafac dhexe boqolkiiba boqol. Waxayna u baahan yihiin labo ciyaaryahan oo khadka dhexe ah si ay u xoojiyaan kooxda una tartamaan koobabka Waa weyn.
“Hadda eeg haddii aad markaas laga yaabo inaad Mason Mount ku beddeshaan ciyaaryahan kale oo si dabacsan uga ciyaari kara khadka dhexe iyo weerarka, waxaan dhihi lahaa haa aan raadsanno ciyaaryahan shanaad Laakiin haddii aadan awoodin, waxaan dhihi lahaa kuwani waa seddexda ciyaaryahan ugu fiican ay Red Devils soo qaadan karaan Taasi waa mudnaanta ugu weyn hadda.”
