Manchester United ayaa si firfircoon u doonaysa inay la saxiixdaan xiddiga Reer Portugal iyo kooxda AC Milan Ee Rafael Leão iyadoo warbixin ka timid Talyaaniga ay sheegtay in dalab ka hooseeysa qiimaha qandaraaskiisa lagu burburin karo la aqbali doono.
Rafael Leão oo 26 jir ah wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu fiican Ac Milan tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Lille Lacag gaaraysa €35 milyan sanadkii 2019.
Xiddiga caalamiga ah ee Portugal oo leh 43 kulan ayaa lagu daray saddex ka mid ah afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kooxda xilli ciyaareedka Serie A. Sidoo kale waxaa loo magacaabay ciyaaryahanka xilli ciyaareedka 2021/22, halkaas oo 11 gool iyo 10 caawin uu ka caawiyay Milan inay ku guuleysato Scudetto-gii ugu dambeeyay.
Sida la filayo ciyaaryahan heerka sare leh, Ac Milan ayaa horey isku difaacday iyagoo geliyay qandaraaskiisa qodob lacag jabin ah oo aad u weyn. Wararku way kala duwan yihiin, balse waxaa la sheegay lacagta inqy u dhexeyso €150M ilaa €175M.
Laakiin sida uu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee warbaahinta Talyaaniga ee Calciomercato, Milan waxay aqbali doontaa dalab aad uga hooseeya oo u dhexeeya €50M ilaa €60M si ay u fasaxdo Leao.
Halkaas ayay Manchester United ku soo galayaan, iyadoo Red Devils ay raadinayaan garab bidix cusub xagaagan, marka lagu daro laba saxiix oo waaweyn oo khadka dhexe ah.
Manchester United oo tallaabo u qaaday Rafael Leão si ay ula soo wareegan:
Sida warbixintu sheegtay, Leao ayaa noqday bartilmaameedka Man Utd, iyadoo kooxda Premier League ay “dhaqdhaqaaq samaysay” si ay u hesho ciyaaryahanka lugta midig ku fiican.
wargayska Calciomercato ayaa intaas ku dartay: “Leao wuxuu Kooxda Ac Milan ugu tagi karaa lacag u dhaxaysa £50M ilaa £60 milyan oo Euro: Manchester United ayaa dhaqdhaqaaq samaynaysa si ay u hesho weeraryahanka Portugal.”
Warbixintu waxay Leao ku tilmaantay “weeraryahan” sababtoo ah xilli ciyaareedkan wuxuu inta badan ka ciyaaray bartamaha weerarka.
Si kastaba ha ahaatee, booskiisa ugu weyn inta badan xirfaddiisa waa garabka bidix, waana halka laga filayo inuu ka ciyaaro haddii loo wareejiyo Old Trafford.
Marka laga hadlayo sababta Milan ay u ogolaan karto iib qiimo aad uga hooseeya qodobka burburinta, sababta ugu weyn waa in Leao uu heli doono laba sano oo keliya oo ka harsan qandaraaskiisa marka la gaaro dhamaadka xagaagan.
Haddii ay muuqato inuusan diyaar u ahayn inuu kordhiyo heshiiskiisa, iib faa’iido leh xilli Milan ay wali ku jirto awood gorgortan wanaagsan leh ayaa macno samaynaysa.
Arrinta sii xoojinaysa suurtagalnimada lasoo wareegitaankiisa ayaa ah sheegashada in qiimaha la filayo ee Leao (€50M-€60M), iyo mushaharkiisa hadda ee Milan (€7M sanadkii) uu ka qaato kooxda Ac milan labaduba ay yihiin kuwo “si fudud u awoodi kara” Manchester United.
Warbixintu waxay sidoo kale mar kale caddeysay in dalab €50m ila €60m ah uu ku filnaan karo ogolaanshaha kooxda Ac Milan, iyadoo la yiri: “Xiddiga Portugal looma arko mid aan la taaban karin marka la helo dalabyo u dhexeeya 50 ilaa 60 milyan.”
Iyadoo lagu darayo macluumaad kale oo muhiim ah, isla markaana siinaya dhiirigelin dheeri ah Man Utd, Wargeyska Calciomercato ayaa kusoo gabagabeysay: “Barcelona ayaa sidoo kale weydiimo sameysay, laakiin wax guul ah kama gaarin.
“Leao, si kastaba ha ahaatee, wali wuu ka fog yahay u wareegista Horyaalka Saudi Arabia Ee Saudi Pro League: mustaqbalkiisa, haddii ay wax jiraan, wuxuu noqon karaa inuu u dhaqaaqo Horyaalka Premier League.”
