Meesha ugu badan ee uu aadi karo Konate oo la shaaciyay kadib bixitaankisa Liverpool, iyadoo Real Madrid ay dib u furtay wada-hadalada

Kooxda Liverpool ayaa wajahaysa xaalad adag kadib markii la sheegay in daafaca reer France ee Ibrahima Konate uu qorsheynayo inuu kooxda kaga tago isagoo Free ah

Wararka ayaa sheegaya in heshiis cusub oo dhexmaray Liverpool iyo Konate aan weli la gaarin, inkastoo bishii April la rumeysnaa in heshiisku dhow yahay.

Xilli ciyaareedkan Liverpool si weyn ayay uga hooseysay heerkii ay gaartay sanadkii hore, waxaana hoos u dhac sameeyay ciyaartoy muhiim ah sida Virgil van Dijk, Alexis Mac Allister, Mohamed Salah, Cody Gakpo iyo Konate laftiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Reds waxay xaqiijisay inay kasoo muuqan doonto Champions League xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay ku dhamaysatay kaalinta shanaad ee Horyaalka Premier League.

Konate oo lagu wado inuu si xor ah uga tago Liverpool

Suxufiyiinta Wargeyska TalkSPORT ee Ben Jacobs iyo Alex Crook ayaa sheegeen in Xiddiga Ibrahima Konate hadda la filayo inuu kooxda ka tago xagaagan isagoo free transfer ah.

Ben Jacobs ayaa yiri: “Konate waxaa la filayaa inuu ka tago Liverpool. Weli wax heshiis ah lama gaarin inkastoo bishii April la sheegay in arrintu dhowdahay.”

Dhanka kale Alex Crook ayaa sidoo kale xaqiijiyay:

“Konate wuxuu qarka u saaran yahay inuu ka tago Liverpool.”

Haddii uu baxo, daafaca Liverpool waxaa isku soo hari doona Virgil van Dijk, Joe Gomez, Jeremy Jacquet oo Xilli ciyaaredka cusub imaanaya iyo Giovanni Leoni oo keliya dhanka daafaca dhexe, haddii aysan ciyaartoy cusub soo iibsan.

Konate Kooxaha lala xiriirinayeo Real Madrid iyo PSG oo tartan adag ugu jira Konate:

Warbaahinta Spain ee Mundo Deportivo ayaa sheegtay in Real Madrid ay dib u bilaabeyso wada-hadallo ay la yeelaneyso Konate si ay ugu qaadato si xor ah.

Laakiin war kasoo baxay Wargeyska Daily Mail ayaa tilmaamaya in kooxda ugu dhow saxiixiisa ay tahay kooxda Paris Saint-Germain.

PSG ayaa la sheegay inay tahay meesha ugu badan ee Konate u wareegi karo, maadaama uu doonayo inuu dib ugu laabto magaalada Paris oo uu ku dhashay.

Kooxda PSG waxay horey u haysataa daafacyo tayo leh sida Captain ka kooxda Marquinhos, Willian Pacho iyo Illia Zabarnyi oo ay kala soo saxiixdeen Bournemouth, balse waxay weli xiisaynaysaa daafac kale sida Konate.

About toozaani@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Kooxno.com