Suxufi u dhashay dalka Spain oo lagu magacaabo Francois Gallardo ayaa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay qorsheyneyso inay u magacawdo Toni Kroos kaaliye tababare oo ka hoos shaqeeya Jurgen Klopp, isagoo sidoo kale sheegay in heshiis horey loo gaaray si tababarihii hore ee Liverpool si uu u beddelo Macalinka hadertaan maamula Ee Alvaro Arbeloa dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Waxaa jiray warar ka imanayay warbaahinta Spain oo sheegaya in Real Madrid ay qorsheyneyso inay Toni Kroos dib ugu soo celiso garoonka Santiago Bernabeu.
Kroos waa halyeey ka tirsan Real Madrid, isagoo ku guuleystay 4 LaLiga, 1 Copa del Rey iyo 5 jeer oo Champions League ah intii uu joogay kooxda weyn ee Spain laga bilaabo 2014 ilaa 2024.
Warbixin ayaa sheegaysa in kooxda ay diyaarineyso soo laabashada Kroos, iyadoo la sheegay in “dib u soo laabashadiisa loo qorsheynayo xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo madaxda sare ee Valdebebas ay isku raaceen in lagu daro qaab dhismeedka ciyaaraha ee kooxda.”
Warbaahinta taageerta Real Madrid ayaa intaas ku dartay: “Wadahadallada ka socda Valdebebas waxaa ka jira aragti mideysan oo ah in dib u soo celinta ciyaaryahankii hore ay go’aan muhiim ah u noqon karto mustaqbalka kooxda.”
Fikradda ma aha inuu dib ugu soo laabto ciyaaryahan ahaan – inkastoo uu weli jir ahaan aad u fiican yahay – balse waa inuu qaato door dhismeed oo ka tirsan maamulka kooxda. Si kastaba, dad badan ayaa aaminsan in joogitaankiisa khadka dhexe ee hadda uu si weyn u saameyn lahaa Alvaro Arbeloa iyo ciyaartoydii uu la soo ciyaaray ilaa Juun 2024.
Hadda, ujeeddadu waa mid cad: Kroos wuu soo laaban doonaa. Waxa kaliya ee aan la hubin waa doorka uu qaadan doono iyo meesha saxda ah ee uu kaga jiri doono kooxda Real Madrid.
Gallardo, oo leh in ka badan 48,000 taageerayaal ah baraha bulshada ee platform ka X ama Twitter saad u taqaan, ayaa hadda sheegay in qorshaha Real Madrid uu yahay in Toni Kroos laga dhigo kaaliye tababare si uu ula shaqeeyo Jürgen Klopp.
Suxufiga ka tirsan El Chiringuito TV ayaa xitaa sheegay in Klopp uu heshiis la gaaray Real Madrid si uu u noqdo tababaraha kooxda xagaaga 2026/27.
Qorshuhu waa in wax walba ay dhacaan xagaagan.
macquul matahay inuu Jürgen klopp Real Madrid imaado Season ka xiga:
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Gallardo uu sidaas sheegay, waa in la xuso in tababarihii hore ee Liverpool Jurgen Klopp uu marar badan beeniyay wararka sheegaya in Real Madrid ay la xiriirtay.
23-kii Maarso, Klopp ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magenta TV ku yiri markii wax laga weydiiyay wararka la xiriirinaya Real Madrid:
“Way fiican tahay inaan arrintan ka hadalno. Goorma ayay sheeko noqotaa sheeko dhab ah? Marka qof warqad wax ku qoro mise marka ay jirto wax run ah?”
Wuxuu sii raaciyay:
“Real Madrid waligeed ima aysan soo wicin. Hal mar xitaa iguma aysan soo xiriirin intii aan ahaa tababare.”
Wuxuu si kaftan ah u yiri:
“Waxaan xitaa qaban karaa Atletico Madrid isla mar ahaantaana. Laakiin marka hore Madrid ha i soo wacdo!”
Markii laga weydiiyay inuu mustaqbalka tababare ka noqon karo xulka Germany, Klopp wuxuu yiri:
“Waqtigan xaadirka ah kama fikiraayo arrintaas Cidna ma oga waxa dhici doona sanadaha soo socda, balse hadda wax qorshe ah ma jiro.”
koorno.com Wararka Ciyaaraha