SHOCK Heshiiskii wuu burburayaa Dharbaaxo culus oo soo gaartay kooxda Man United

Manchester United ayaa la sheegay inay la kulmeen caqabad weyn oo ku saabsan qorshahooda ay ku doonayeen inay ku soo qaataan xiddiga Brighton ee Carlos Baleba, iyadoo arrintan lagu tilmaamay dharbaaxo culus oo Unitedka ay la kulmeen.

Baleba wuxuu ahaa mid ka mid ah bartilmaameedyadii ugu muhiimsanaa ee Manchester United suuqa kala iibsiga xagaagii hore, balse qiimaha lagu doonayay awgiis ayay ku fashilmeen inay la soo wareegaan khadkan dhexe.

Man United ma aysan haysan dhaqaale ku filan si ay u bixiyaan lacag ka badan £100 milyan, kadib markii ay horay u soo iibsadeen Benjamin Sesko, Bryan Mbeumo, Matheus Cunha iyo Senne Lammens, taasoo keentay inay khadka dhexe ka noqdaan kuwo daciif ah xilli ciyaareedkan.

Iyadoo Casemiro la xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda xagaagan isagoo si bilaash ah ugu baxayo man united, isla markaana Manuel Ugarte uu sidoo kale u muuqdo inuu raaci karo, Red Devils ayaa la filayaa inay mudnaan siiyaan dib u dhiska khadka dhexe, ayna sameeyaan ugu yaraan laba saxiix oo cusub.

Heerka ciyaareed ee Baleba ayaa hoos u dhacay kadib markii uu seegay fursaddii uu ugu wareegi lahaa Manchester United, iyadoo kooxda sidoo kale lala xiriirinayo ciyaartoy kale sida Elliot Anderson, Adam Wharton iyo Sandro Tonali.

Si kastaba, weriyaha caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa toddobaadkan xaqiijiyay in “heshiis afka ah” oo u dhexeeya Man United iyo Baleba uu weli jiro, isla markaana suurtagalnimada wareejinta xagaagan ay ku xirnaan doonto saddex arrimood.

Romano ayaa sheegay: “Waxaan rabaa inaan xuso ciyaaryahan aan ka hadlayay tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii hore, kaasoo ah Carlos Baleba. Khadka dhexe ee Brighton wuxuu ahaa bartilmaameed muhiim u ah Manchester United xagaagii hore, welina wuu ku jiraa qorshaha Man United.”

Wuxuu sii raaciyay: “Illaa hadda wax go’aan ah lama gaarin, mana jirto wax horumar ah. Laakiin wali wuxuu ku jiraa liiska kooxda maadaama ay qorsheynayaan inay xoojiyaan khadka dhexe Ee kooxda.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Baleba wali waa bartilmaameed ay doonayaan waaxda indha-indheynta iyo masuuliyiinta kooxda Man United. Waxaa jira arrimo badan oo la tixgelinayo sida magacaabista tababare joogto ah, miisaaniyadda, iyo go’aanka Brighton.”

“Waxa aan xaqiijin karo ayaa ah in heshiiskii afka ahaa ee u dhexeeyay Baleba iyo Manchester United ee 2025 uu weli shaqeynayo sanadka 2026. Ciyaaryahanka aad ayuu u doonayaa inuu ku biiro Manchester United.”

Iyadoo la eegayo qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan, Man United waxay rumeysnaayeen inay ku heli karaan Baleba qiimo dhan £50 milyan xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin ay daabacday TEAMtalk sports ayaa sheegtay in Brighton ay siiyeen Manchester United “xaqiiqo adag”, iyagoo caddeeyay in qiimaha ciyaaryahanka uu ka sarreyn doono £50 milyan.

Warbixinta ayaa sharaxday:

“Inkastoo ay jirto faham gudaha ah oo sheegaya in qiimaha wax yar la dhimi karo, haddana TEAMtalk waxay fahamsan tahay in heshiis macquul ah uu weli u baahan yahay in ka badan £70 milyan.”

“Sidaas darteed, wararka sheegaya in Baleba lagu heli karo £50 milyan ayaa si adag loo beeniyay. Manchester United weli waa kooxda ugu daneynta badan ciyaaryahanka Reer Cameroon, kadib markii ay isku dayeen inay la soo wareegaan xagaagii hore.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *