Xiddiga reer Brazil Vinícius Júnior ayaa shaaca ka qaaday inuu qorsheynayo inay heshiis cusub ka saxiixdaan kooxda Real Madrid “waqtiga ku habboon”, isagoo muujiyay rabitaankiisa ah inuu kooxda sii joogo sanado badan.
Vinícius ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u fiican tan iyo bilowgii sanadkan, isagoo dhaliyay 12 goal 20 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan. Tiradaas ayaa ka dhigaysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu goolasha badan LaLiga season kan, isagoo barbaro la ah Raphinha.
Ciyaaryahanka 25 jirka ah ayaa sidoo kale sameeyay 26 G/A (goolal iyo caawin), taas oo ka dhigaysa kan labaad ee ugu sareeya kooxda xilli ciyaareedkan, waxaana ka sarreeya oo kaliya Kylian Mbappé oo leh 43 isku darka Goalasha iyo Assist tiga.
Si kastaba ha ahaatee, Vinícius ma uusan ku bilaaban si fiican xilli ciyaareedka, gaar ahaan xilligii uu kooxda maamulayay Xabi Alonso. Intii uu Alonso joogay, Vinícius wuxuu dhaliyay 7 gool oo keliya wuxuuna bixiyay 8 caawin 33 kulan oo uu ciyaaray.
Arrintaas ayaa keentay in mustaqbalkiisa kooxda la shaki geliyo, maadaama heshiiskiisu uu dhacayo bisha June 2027. Si kastaba, wuxuu dib u helay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa markii uu yimid tababaraha cusub Álvaro Arbeloa.
Vinícius ayaa yiri:
“Waxaan rajeynayaa inaan halkan sii joogo muddo dheer. Weli hal sano ayaa iiga harsan heshiiska, wax walbana si deggan ayay u socdaan. Waxaan kalsooni ka haystaa madaxweynaha Florentino Pérez, annaguna waan deggannahay.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Marka waqtiga saxda ah la gaaro, waan cusbooneysiin doonaa heshiiska, waxaana rabaa inaan halkaan sii joogo muddo dheer. Tani waa kooxda riyadeyda, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan joogo.”

Tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Flamengo sanadkii 2018, Vinícius wuxuu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan Real Madrid, isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan 14 koob oo waaweyn, oo ay ku jiraan labo Champions League.
Mudadaas, waxaa ka sarreeya oo kaliya Karim Benzema dhanka ka qeyb qaadashada goolasha, isagoo leh 215, halka Vinícius uu leeyahay 207. Sidoo kale, Vinícius ayaa hoggaaminaya La Liga dhanka laadka (dribbles) guuleystay iyo fursadaha la abuuray mudadaas.
Si kastaba, qeybtii hore ee xilli ciyaareedka 2025-26, Vinícius ma ahayn ciyaaryahan si joogto ah u bilaaba kulamada, gaar ahaan xilligii Alonso.
Xitaa taageerayaasha qaar ayaa ku foorariyay kadib markii Alonso la eryay, iyadoo la sheegay inuu ka mid ahaa ciyaartoyda waaweyn ee aan ku qanacsaneyn qaabka tababarenimo ee Alonso.
Vinícius ayaa arrintaas ka hadlay isagoo yiri:
“Waxay ahayd waqti adag. Kulamo badan ayaan ciyaarnay, laakiin daqiiqado yar ayaan helayay. Tababare walba wuxuu leeyahay habkiisa, mana aanan la jaan qaadi karin waxa Alonso doonayay.”
Ugu dambeyn wuxuu yiri:
“Waxay ahayd waqti wax lagu barto. Wax badan ayaan bartay, ciyaartoyduna way i caawiyeen. Waxaan helay fursad aan ku fakaro oo aan naftayda ku horumariyo, hadda waxaan xiriir fiican la leeyahay Arbeloa.”
