Mikel Arteta ayaa la hadlay warbaahinta ka hor kulanka Premier League ee Arsenal ay la ciyaarayso Manchester City ee ka dhici doona Garoonka Etihad Stadium galabnimada Axadda ah.
Arteta ayaa xaqiijiyay in Arsenal aysan heli doonin Bukayo Saka kulanka Manchester City – balse wuxuu rajo ka muujiyay in Noni Madueke uu diyaar noqon karo. Saka ma uusan ciyaarin tan iyo markii Arsenal laga qaaday final-kii Carabao Cup bishii hore oo ay ka adkaadeen kooxda Pep Guardiola.
Inkasta oo Saka uu ku biiray xulka England bishii hore, haddana wuxuu ka baxay xerada kaddib hal maalin oo keliya, wuxuuna ka maqnaa saddex kulan oo Arsenal ah tan iyo markaas. Arteta ayaa hadda xaqiijiyay in kooxdiisu mar kale ka maqnaan doonto ciyaaryahanka 24-jirka ah kulanka Axadda ee Etihad kula ciyaarayan city.
Arteta oo ka Hadlay dhaawaca Bukayo Saka soo Gaaray:
“Bukayo wuu maqan yahay. Taasi waa xaqiiq,” ayuu yiri tababaraha Arsenal markii la weydiiyay Saka. Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan rajeynayaa inuu si dhakhso ah uu usoo kabsado sababtoo ah waa ciyaaryahan heer sare ah. Wuxuu bilaabay inuu sameeyo waxyaabo yar yar, aan aragno sida ugu dhaqsaha badan uu noogu soo laaban karo.”
Laakiin marka laga hadlayo Madueke, Arteta wuxuu bixiyay war aad u wanaagsan. Madueke ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu jiray qeybtii labaad ee kulankii Champions League ee Arsenal ay la ciyaartay Sporting Lisbon habeenkii Arbacada ahayd.
Waxaa si degdeg ah u muuqatay inuusan sii ciyaari karin, waxaana kaamirooyinka iyo TV-yada ay muujiyeen isagoo lugaynaya isagoo ay caawinayaan kooxda caafimaadka Arsenal. Laakiin markii wax laga weydiiyay xaaladdiisa
Arteta wuxuu yiri: “Waxaan leenahay tababar kale berri. Ma uusan u muuqan mid halis ah kadib ciyaarta, wuxuuna yahay ciyaaryahan u adkeysan kara xanuunka. Laakiin waa inaan sugnaa oo aan aragnaa waxa dhici doono.”
Sidoo kale
•Martin Odegaard
•Riccardo Calafiori
•Jurrien Timber
Seddexdood ayaa dhaawacyo la tacaalayay toddobaadyadii la soo dhaafay, markii wax laga weydiiyayna Arteta wuxuu yiri: “Haa, mar kale ayaan isku dayi doonaa, ciyaartoy qaar aad ayay ugu dhow yihiin inay soo laabtaan, laakiin waqtigu waa yar yahay. Waxaan isku dayi doonaa berri.”
Odegaard ayaa bixiyay war ku saabsan xaaladdiisa jirdhiska isagoo ku qoray barnaamijka rasmiga ah ee kooxda kulankii Sporting, isagoo yiri: “Waxaan ka baxay qeybtii labaad ee kulankii Sporting Lisbon toddobaadkii hore la ciyaaraynay anigoo dareemaya dhaawac dhanka jilibka ah, taas ayaana sababtay inaan ka maqnaado ciyaartii dhammaadka toddobaadkan.
“Wax yar ayaan ku dhaawacmay kulankii Sporting, laakiin waxaan rajeynayaa inuusan aad u daraneyn. Waxaan si aad ah u doonayaa inaan sida ugu dhaqsaha badan u soo laabto sababtoo ah tani waa xilli muhiim ah xilli ciyaareedka, Premier League iyo Champions League labadaba.”
Gunners ayaa leh lix dhibcood oo ay ka sarreeyaan kooxda ugu dhow, laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa hal kulan ka yar ciyaartay Arsenal. Si kastaba ha ahaatee, Arsenal waxay la kulantay hoos u dhac toddobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo laga qaaday Carabao Cup, lagana reebay FA Cup, isla markaana ay ka adkaatay kooxda Bournemouth kulankoodii ugu dambeeyay ee Premier League ciyaarayeen.
Si kastaba, guusha ay ka gaareen Sporting guud ahaan labada lugood waxay sii haynaysaa rajada Arsenal ee inay ku guuleysato labo koob—mid Yurub ah iyo mid gudaha ah.
Antonio Semenyo oo ka Hadlaayo kulanka ay wajahayan Arsenal ayaa waxa uu yiri:
Isagoo ka hadlayay kulanka, xiddiga City Antoine Semenyo ayaa yiri: “Qaab ciyaareedkeenna kulamadii ugu dambeeyay wuu fiicnaa, waxaana ciyaareynaa kubaddii ugu fiicneyd ee aan ciyaarnay qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.
Sidaas darteed waa waqti fiican oo aan la ciyaarno, waxaan filayaa. Iyaga wax yar ayay hoos u dhaceen, annagana waan soo hagaagnay, marka waa kulan xiiso leh.”
Wuxuu intaas ku daray wareysi uu siiyay In The Mixer: “Runtii waan ku faraxsanahay. Waxaan dareemayaa inaan diyaar u nahay kulanka Axadda. Wuxuu noqon doonaa kulan weyn. Waxaa laga yaabaa inuu go’aamiyo horyaalka? Ma garanayo.
Laakiin wuxuu noqon doonaa kulan adag, Iyagu waa laga adkaaday Bournemouth, laakiin wali waa hoggaamiyeyaasha horyaalka. Annaguna waan daba soconnaa, sidaas darteed waa inaan ixtiraam siinaa iyaga.”
