WAR DEG-DEG AH: Mpape ma ciyaari doono kulanka El Clasico

BREAKING Xiddiga Reer France iyo kooxda Real Madrid Ee Kylian Mpape ayaa la tilmaamaya in warar hadertaan kasoo baxay gudaha Spain ay sheegayso in Mpape kulanka caawa ay Real Madrid la ciyaarayaan kooxda Barcelona uusan qeyb ka ahayn squadka kooxda Real Maadaama dhaawicii soo gaaray awgeed Real ayaa qorsheysay in Mpape uusaan diyar u eheen inuu ciyaaro kulanka El Clasico

Barcelona iyo Madrid ayaa caawa 10:00 habeenimo isku wajihi doona garoonka Camp Nou

Ka hor ciyaarta El Clasico Kooxda Real Madrid ayaa sheegaysa inuu Mbappe Ready u eheen kulanka caawa ciyaarya kadib dhaawac muruq fudud ah kasoo gaaray kulankii Real Betis ee April 24 mana ciyaarin kulankii Espanyol horaantii bishan.

Intii uu ku jiray soo kabshadiisa Mbappe wuxuu u safray Dalka Italy isagoo fasax ahaan ugu tageen isaga iyo saaxiibtiisa, taas oo qaar kamid ah taageerayaasha Real Madrid ay ka caroodeen.

Kadib Markay arkeen taageerayaasha Real Madrid Mpape oo iska baashaalaya gudaha Italy qaar ka mid ah Fans Madridistas ka ah ayaa sameeye meel lagu codeenaayo in Mpape kooxda Real laga diro iyadoo Goal keeda uu ahaa kaliya 200K oo Fans Madrid ah balse Tiradii waysii dhaaftay iyadoo Hadertaan sii marayaan Taageerayaasha 73M oo Fans Madridistas ah kuwaas oo doonaya in Mpape kooxda uu ka tago isagoo galay Mpape Buuga Guiness World Record waa Ciyaaryahankii ugu Horeeye ee taageerayaal sidaas ugu kacaan.

Kadib wixii dhacay Wakiillada weeraryahanka ayaa jawaab bixiyay waxayna Maalinta Talaadadii Hore soo saareen bayaan ah, sida uu qoray Wargeyska The Guardian: “Qayb kamid ah dhaleeceynta waxay ku saleysan tahay fasiraad xad dhaaf ah oo ku saabsan arrimo la xiriira waqti soo kabasho oo si adag ay ula socotay kooxda, taas oo aan ka tarjumayn xaqiiqda dadaalka iyo shaqada uu Kylian maalin kasta u qabto kooxda.”

Sida ay sheegtay Wargeyska ESPN weeraryahanka 27 jirka ah ayaa toddobaadkan tababar la sameeyey Saaxiibadiisa kahor kulanka El Clasico ee Barcelona la ciyaarayaan

May 9-keeda bogga rasmiga ah ee Real Madrid ayaa ka qoray tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda Real Madrid iyagoo soo qoray “Mbappe wuxuu qeyb ka yahay xiddigaha ciyaari doona kulanka El Clasico.”

Wargeyska Marca oo kamid ah wargeysyada ugu waaweyn Spain isla markaana xiriir dhow la leh maamulka Real Madrid, ayaa saadaalisay in Mbappe uu safka hore kaga soo bilaaban doono kulanka Barcelona ee El Clasico.

Shaxdeeda macquulka ah wargeysku waxay sheegeen inay noqon karto: “Sidan ayay u ekaan kartaa safka macquulka ah ee Real Madrid: Thibaut Courtois; Trent Alexander-Arnold, Antonio Rudiger, Dean Huijsen, Fran Garcia; Aurelien Tchouameni, Thiago Pitarch; Brahim Diaz, Jude Bellingham, Vinicius Junior iyo Kylian Mbappe.”

Si kastaba ha ahaatee, Marca waxay tilmaantay inaan wali la hubin haddii Mbappe uu si buuxda u caafimaad qabo si uu kulanka u bilaabo.

Waxay sheegtay: “Su’aasha ugu weyn waa xaaladda jir ahaaneed ee Mbappe”

“Inkastoo uu hadda si caadi ah u tababaranayo, wuxuu dhowr toddobaad ka maqnaa kooxda, tababarkii ugu dambeeyay kahor ciyaartana ma uusan dhameystirin isagoo kooxda la jooga.

“Haddii uusan diyaar u ahayn inuu kulanka kusoo bilaawdo, ciyaaryahanka la safan doona Vinicius Junior wuxuu noqon doonaa Gonzalo Garcia, kaas oo daqiiqado wanaagsan ciyaaray kulankii Espanyol.”

Inkasta oo Madrid ay lahayd xilli ciyaareed aad u niyad jab badan, tirooyinka Mbappe waa kuwo aad u cajiib ah.

Weeraryahankii hore ee kooxda Paris Saint-Germain, kaas oo Madrid ugu soo biiray si xor ah xagaagii 2024, ayaa dhaliyay 41 gool 41 kulan oo uu u saftay Los Blancos xilli ciyaareedkan 2025/26.

Mbappe ayaa sidoo kale bixiyay lix caawin kulamadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *