Weyne Rooney oo saadaaliye kooxda Horyaalka PL ku Guuleysaneysa

Wayne Rooney ayaa aaminsan in tartanka horyaalka Premier League uusan wali dhammaan, inkastoo Manchester City ay 2-1 ku garaacday Arsenal kulankii shalay ahaa Ee ka dhacay Etihad Stadium.

Erling Haaland iyo Rayan Cherki ayaa dhaliyay goolasha muhiimka ah ee Citizens ka, halka goolka barbaraha uu u dhaliyay Kai Havertz, taasoo keentay in farqiga dhibcaha ay ku soo dhowaadaan kooxda Mikel Arteta.

Manchester City ayaa hadda kaliya saddex dhibcood ka dambeysa Arsenal iyadoo City hal kulan baaqi u yahay, waxayna hoggaanka horyaalka la wareegi doonaan haddii ay ka badiyaan Burnley kulanka ka dhici doona Turf Moor Stadium habeenka Arbacada.

Falanqeeyayaal badan iyo taageerayaal ayaa hadda ka quustay Arsenal kadib markii ay lumiyeen dhibco badan, balse Rooney ma aaminsana in arrintu sidaas u fudud tahay.

Rooney ayaa yiri: “Tartanka horyaalka wali ma dhammaan, weli waxaan dareemayaa inay jiri doonaan isbeddelo iyo waxyaabo yaab leh.

Dabcan wuu adkaan doonaa, laakiin City waxay haysataa hal kulan oo dheeri ah oo ay ku guuleysan karto, sidaas darteed wali waxaan u arkaa Arsenal inay yihiin kuwa fursad fiican u heysta ku guuleysiga premier league.

Rooney ayaa intaas kusii daray:

“Aniga laftayda waan soo maray xaaladdan, marka aad u baahan tahay inaad guuleysato dhammaan kulamada si aad horyaalka u qaaddo. Waxaad eegtaa kulamadaada oo waxaad is leedahay kan waan badin doonaa, kan kalena sidoo kale, laakiin mar walba sidaas uma dhacdo.

Laga bilaabo hadda ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, waxa go’aamin doona waa kooxda ugu fiican ee xakameysa cadaadiska—taas ayaa ku guuleysan doonta.”

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sidoo kale yareeyay filashada, isagoo yiri: “Ma garanayo, ma aanan u maleynaynin in Arsenal ay ku jirtay xaalad liidata. Carabao Cup-ka annaga ayaa ka fiicnayn.

Maanta si dhab ah ayaan u fiicneyn. Iyagu waxay halkan yimaadeen kadib guuldarro iyagoo rabitaan leh, annagana waan badinnay. Waa koox aad u tartan badan, waan ognahay taas. Laakiin isla mar ahaantaana, annaguna sidaas ayaan nahay

Arbacada waxaan ciyaaraynaa kulankeena baaqiga aj, waan gaari karnaa halkaas haddii aan badinno. Taasi waa waxa ay tahay inaan sameyno. Sameyntaas way adkaan doontaa sababtoo ah Everton, Brentford, Aston Villa iyo Crystal Palace ayaan wajahaynaa

Waxaan sidoo kale wajahaymaa —Bournemouth oo iyada Form fiican ku jirta dhanka banaanka, Toddobaadkii hore waxay ku badiyeen Emirates iyo Newcastle isbuucan. Waxay noqon doontaa kulan aad udag”.

Kadib ciyaarta, tababaraha Arsenal Mikel Arteta wali wuxuu aaminsanaa in kooxdiisu ay ku guuleysan karto horyaalka Premier League, iyadoo tababaraha reer Spain uu doonayo inuu ka qaato waxyaabaha wanaagsan guuldarrada ka soo gaartay Man City.

Markii la weydiiyay inuu wali rajo qabo, Arteta wuxuu yiri: “100%. Waxaan ku iri wiilasha waa inaan isku eegnaa muraayadda oo aan eegnaa kooxda aan la ciyaarnay waqtigan iyo taariikhdooda, inaan kasoo laabanay gool nalaga hormaray.

Waxyaabo badan ayaa laga qaadan karaa. Farqiga wuxuu ahaa 3 dhibcood, taas waa hubaal.

Ugu dambeyn, natiijadu waa waxa aan u nimid inaan gaarno. Wax badan ayaan si sax ah u sameynay si aan ciyaarta u gaarsiino meesha aan rabnay.

Waxaan helnay fursadihii ugu fiicnaa ee ciyaarta, laakiin ma aanan dhalin, taasina waa sababta City ay qaladaadkeena inoogu ciqaabeen.”

 

Rooney Hadalkiisa maku saxan yahay in Arsenal wali wax sameyn karto ?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *