XOG CUSUB:- Arsenal oo soo gabagabeenaysa Daafac dhexe ka Hor Heshiiska Bruno Guimaraes - koorno.com

XOG CUSUB:- Arsenal oo soo gabagabeenaysa Daafac dhexe ka Hor Heshiiska Bruno Guimaraes

Kooxda Arsenal ayaa qorsheynaysa inay si dhow ugu darto daafac dhexe oo cusub kooxda uu hoggaamiyo Macalin Mikel Arteta, waxayna doonayaan inay heshiiskaas soo gabagabeeyaan ka hor inta aysan suurtagal noqon saxiixa Bruno Guimaraes ee Newcastle United kaas oo muddooyinkii u danbeeye ay xiiseynayeen lasoo wareegitaankiisa..

Ilaa hadda kooxda Arsenal waxay suuqa xagaagan si rasmi ah ula soo wareegtay saddex ciyaaryahan oo waaweyn:

Piero Hincapie

Illan Meslier

Christos Tzolis

Hincapie ayaa xilli ciyaareedkii Hore Ee 2025/26 amaah ugu joogay kooxda Arsenal isagoo ka yimid Bayer Leverkusen, waxaana kooxda Gunners go’aansatay inay si rasmi ah u iibsato daafaca reer Ecuador kadib bandhigii cajiibka ahaa Ee xilli ciyaareedkii hore kusoo bandhigay garoomada waa weyn

Meslier ayaa isna si xor ah ugu soo biiray Arsenal kadib markii uu ka tagay Leeds United dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, Sidoo kale Arsenal waxay Club Brugge kala soo wareegtay garabka xulka Giriigga u dhashay Christos Tzolis.

Hadda kooxda waqooyiga London ka dhisan waxay si firfircoon uga shaqaynaysaa saxiixa khadka dhexe ee Newcastle iyo xulka Brazil, Bruno Guimaraes, Sida ay sheegtay Wargeyska talkSPORT Arsenal iyo Newcastle United waxay ku jiraan wadahadallo heer sare ah oo ku saabsan Guimaraes, Labada kooxood ayaa la sheegay inay qorsheynayaan heshiis qiimihiisu gaarayo £75 milyan, Guimaraes ayaa sidoo kale la sheegay inuu oggolaaday shuruudaha shaqsiga ah ee Arsenal, kooxdaas oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Premier League isla markaana gaartay finalka Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, weriyaha ESPN Brazil Bruno Andrade ayaa sheegay in Guimaraes uusan noqon doonin saxiixa afaraad ee Arsenal xagaagan.

ARSENAL OO MARKA HORE LASOO SAXIIXANAYSA DAAFAC DHEXE, HALKA HESHIISKA BRUNO GUIMARAES UU ISTAAGAYO:

Andrade ayaa sheegay inuu helay xog muujinaysa in saxiixa xiga ee Arsenal uu noqon doono daafac dhexe, sababtoo ah dhaawaca soo gaaray William Saliba, Andrade Wuxuu sheegay in Arsenal ay aad ugu dhowdahay heshiis degdeg ah oo ay ku qaadanayso daafac dhexe cusub, inkastoo uusan magaca ciyaaryahanka shaacin.

Andrade wuxuu yiri: “Magaca hadda ma hayo, sidaas darteed ma dhihi karo waa xog gaar ah, Laakiin qof ku lug leh xaaladda Bruno Guimaraes ayaa ii sheegay in Arsenal ay ku dhowdahay saxiixa daafac dhexe si ay xal ugu hesho dhibaatada ka dhalatay dhaawaca Saliba, Weli magaca lama ii sheegin, Waxaan isku dayayaa inaan ogaado si aan ula wadaago asxaabteena, balse waa heshiis dhici doona xitaa ka dhaqso badan kan Bruno Guimaraes, Aad ayuu u dhow yahay.”

DhAAWACA WILLIAM SALIBA SOO GAARAY, MUXUU KA DHIGAN YAHAY:

William Saliba ayaa la filayaa inuu muddo ka maqnaado garoomada kadib markii uu Arsenal ugu soo laabtay waajibaadkii Koobka Adduunka ee uu la qaatay xulka Faransiiska.

Bayaan ay Arsenal soo saartay 22-kii Luulyo ayaa lagu yiri:

“William Saliba wuxuu nooga soo laabtay waajibaadkii Koobka Adduunka, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay gaarista Faransiiska ee semi-finalka, Baaritaanno caafimaad oo dheeraad ah ayaa xaqiijiyay inuu qabo dhaawac dhabarka ah oo u baahan muddo baxnaanin ah, Qiimeyn ballaaran kadib waxaa la go’aamiyay inaan qalliin loo baahnayn, balse wuxuu bilaabi doonaa barnaamij soo kabasho oo si taxaddar leh loo maamulayo, Baxnaanintiisu waxay bilaaban doontaa isla markiiba, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo dheer, Qof kasta oo kooxda ka tirsan wuxuu diiradda saarayaa taageeridda William si uu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabto xaaladdiisii ugu fiicneyd.”

XOG KOOBAN: Arsenal waxay u muuqataa inay marka hore soo qaadanayso daafac dhexe cusub si ay u buuxiso booska Saliba, halka heshiiska Bruno Guimaraes uu wali socda laakiin Wadahadaladaas ay Gali karaan Hakad maadaamada kooxda Arsenal ay Hada baahi weyn ay ugu qabaan lasoo saxiixtaanka daafac dhexe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*