Halkaan waxaan kula wadaagi doonaa Xogta Tababareyaasha ugu mushaarka badan waqti xaadirkaan Horyaalka Premier League, Ka dib bixitaankii tababarayaasha Pep Guardiola iyo Arne Slot, waxaa soo baxay magacyo cusub oo galay liiska tababarayaasha ugu mushaharka badan horyaalka EPL-ka..
Dadka inta u badan waxa ay Eegaan Xiddigaha Ama Ciyaartoyda lacagaha ugu badan Mushaar ahaan u qaataan, balse haddana tababarayaashu sidoo kale ma yara lacagta ay qaataan, iyadoo qaar mushaharkoodu gaarayo malaayiin sanadkii
Waa kuwaan Liiska 10-ka Macalin Ee qaata lacagaha ugu badan Sanadkii Horyaalka Premier League:
🔟 DAVID MOYES – EVERTON
Moyes ayaa heshiis mushahar sare leh ku qaatay inuu mar kale hoggaamiyo Everton markii kooxda ay ku jirtay halis ay ugu laaban laheyd Horyaalka Heerka labaad Ee Championshipka isagoo Sanadkii Kooxda Everton ka qaadan doona ku dhawaad lacag gaareysa £5 Milyan sanadkii.
9️⃣ MICHAEL CARRICK – MANCHESTER UNITED
Carrick ayaa noqday mid ka mid ah xulashooyinkii ugu jaban ee United, balse qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ayaa sabab u noqday in heshiis joogto ah la siiyo waxa uuna kooxda Manchester United sandkii ka qaadan doonaa £6.5 Milyan sanadkii.
8️⃣ EDDIE HOWE – NEWCASTLE UNITED
Howe ayaa Newcastle ka badbaadiyay heerka labaad sanadooyin badan, wuxuuna kooxda ka dhigay mid si joogto ah ugu soo baxda Tartanka Europe Ee Champions League waxa uuna kooxda Newcastle ka dhigay koox yar balse qatarteeda wadata, waxaana uu kooxda Newcastle United ka qaataa sanadkii ku dhawaad lacag gaareysa £9 Milyan.
7️⃣ UNAI EMERY – ASTON VILLA
Emery ayaa Aston Villa ka beddelay koox u dagaallamaysa aaga badbaadada (Championship-ka) una beddelay koox si joogto ah ugu soo baxda Tartanka Europe Ee Champions League sanooyinkii u danbeeyey isagoo sanadkiiba Halkaas ka qaato in kabadan £9.5 Milyan sanadkii
6️⃣ ANDONI IRAOLA – LIVERPOOL
Tababarha cusub Ee loo magacaabay kooxda Liverpool dhawaan, Iraola ayaa mushahar sare ka qaadan doona Kooxda Liverpool Sanadkii, isagoo ka helaya lacag ka badan tii uu Bournemouth ka qaadan jiray waxaana Uu sanadkiiba kooxda Reds ka qaadan doonaa lacag gaareysa £10 Milyan sanadkii..
4️⃣= ROBERTO DE ZERBI – TOTTENHAM HOTSPUR
Tottenham ayaa mushahar weyn siisay De Zerbi si uu kooxda u hoggaamiyo isagoo Xilli ciyaareedkii soo dhamaaday uu kooxda ka badbaadiye Heerka labaad Ee Championshipka waxaaba uu Spurs sanadkiiba ka qaadan doonaa £12 Milyan
4️⃣= ENZO MARESCA – MANCHESTER CITY
Ka dib bixitaankii Pep Guardiola, City ayaa Maresca siisay heshiis aad u wanaagsan inkastoo lacagihii ay siin jireen Pep Guardiola uu ka Hooseeyo balse Maresca ayaa Haatan sanadkiiba kooxea Citizens-ka ka qaadan doona lacag dhan £12 Milyan sanadkii
2️⃣= XABI ALONSO – CHALSEA
Tababaraha cusub kooxda Chelsea Xabi Alonso, Blues ayaa ku guuleysatay saxiixa Xabi Alonso iyadoo mushaharkiisa sanadkii ay siin doonaan lacag dhan £13 Milyan sanadkii.
2️⃣= OLIVER GLASNER – NOTTINGHAM FOREST
Glasner ayaa noqday mid ka mid ah tababarayaasha ugu mushaharka badan horyaalka Premier League ka dib markii uu ku biiray kooxda Nottingham Forest, iyadoo forest ay siin doonaan sanadkii lacag ka badan £13 Milyan sanadkii.
🥇 MIKEL ARTETA – ARSENAL
Arteta ayaa hadda noqday tababaraha ugu mushaarka badan Horyaalka Premier League-ka ka dib bixitaankii Pep Guardiola, Tan iyo markii uu yimid Arsenal sanadkii 2019-kii wuxuu kooxda ka dhigay mid tartan joogto ah ugu jirta koobabka waaweyn, isla markaana leh mid ka mid ah difaacyada ugu adag adduunka.
Arteta ayaa Hadertaan Noqday Tababaraha ugu mushaarka badan Horyaalka Premier League isagoo kooxda Gunners-ka uu ka qaadan doono sanadkii lacag dhan £15 Milyan.
koorno.com Wararka Ciyaaraha