Barcelona oo ka lablabeyneysa inay si rasmi ah u iibsato Marcus Rashford

Barcelona ayaa ka lablabeyneysa inay si rasmi ah u iibsato Marcus Rashford sababo la xiriira bandhigyo aan joogto lahayn

Kooxda Barcelona ayaa weli ka fiirsaneysa suurtagalnimada ay si rasmi ah ula wareegi karto weeraryahanka Manchester United Ee Marcus Rashford, kadib markii uu kooxda ugu ciyaaray amaah ahaan.

Warbixin kasoo baxday wargeyska AS Sports ayaa sheegaysa in inkastoo Rashford uu soo bandhigay waxqabad wanaagsan intii uu joogay kooxda, haddana maamulka Barcelona ayaa weli hubin inay bixin karaan lacagta lagu iibsan karo Xiddigan .

Rashford ayaa qeyb ka ahaa weerarka kooxda, isagoo dhaliyay goolal muhiim ah isla markaana uu caawino kale uu sameeyay, taasoo muujineysa inuu leeyahay awood iyo tayo sare oo weerar ah, Si kastaba ha ahaatee Barcelona waxay si gaar ah uga walaacsan tahay in ciyaaryahankan uusan si joogto ah u soo bandhigin qaab ciyaareed joogto ah, gaar ahaan marka ay timaado kulamada waaweyn ee cadaadiska badan leh.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in mararka qaar Rashford uu ciyaaro si heer sare ah, isagoo noqda ciyaaryahan go’aamiya natiijada kulamada, laakiin marar qaar uu si weyn hoos ugu dhaco waxqabadkiisa, taasoo keentay in aan si buuxda loogu kalsoonaan karin marka ay timaado kulamada muhiimka ah sida Champions League ama kulamada waaweyn ee La Liga.

Tani waa arrinta ugu weyn ee keentay in Barcelona ay ka labalabeyso go’aanka ah inay si rasmi ah u iibsato, maadaama kooxda ay dooneyso ciyaartoy si joogto ah heer sare ugu ciyaara kooxda, gaar ahaan marka uu cadaadis jiro.

Dhinaca kale, Barcelona waxay sidoo kale tixgelinaysaa xaaladda guud ee kooxda, gaar ahaan tartanka ka jira weerarka kooxda, halkaas oo ay joogaan ciyaartoy kale oo SuperStars ah kuwaas oo si wanaagsan u ciyaaraya isla markaana muujinaya joogteyn ka badan tan Rashford. Arrintan ayaa sii adkeyneysa fursadiisa ah inuu noqdo doorashada koowaad ee kooxda.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in Barcelona ay haysato ikhtiyaar ay ku iibsan karto Rashford marka uu dhammaado heshiiska amaahda, balse wali go’aan kama dambeys ah lama gaarin. Maamulka kooxda ayaa doonaya inay si dhow ula socdaan bandhiggiisa inta ka harsan xilli ciyaareedka ka hor inta aysan go’aan rasmi ah qaadan.

Haddii Rashford uu awood u yeesho inuu si joogto ah u muujiyo waxqabad sare, gaar ahaan kulamada Waa weyn ee muhiimka ah, waxaa suuragal ah in Barcelona ay go’aansato inay si rasmi ah ula wareegto Xiddiga, Hase yeeshee haddii uu sii wado qaab ciyaareed isbedbedel leh oo aan joogto lahayn, waxaa laga yaabaa in kooxda ay ka laabato qorshaha la wareegitaanka rasmiga ah.

Ugu dambeyn, mustaqbalka Marcus Rashford ee Barcelona ayaa weli ah mid aan la hubin, iyadoo go’aanka kama dambeyska ah uu si weyn ugu xirnaan doono sida uu u ciyaaro kulamada soo socda iyo sida uu ugu muujiyo joogteyn iyo kalsooni.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *