Marcelo oo la weydiiyey midka ugu adkaa Ee uu ka Hor Yimid: Messi Mise Ronaldo?

Doodda udhaxeysa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa weli ah mid taagan, laakiin Marcelo ayaa si cad  u sheegay ciyaaryahanka ugu adkaa ee uu la ciyaaray kadib khibrad uu la soo qaatay labadooda.

Marcelo ayaa shaaca ka qaaday ciyaaryahanka uu u arkay midka ugu adkaa inuu ka hor yimaado marka la barbar dhigo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Xiddigii hore ee Real Madrid, oo loo arko mid ka mid ah daafacyadii bidix ee weerarka ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta, ayaa la ciyaaray Ronaldo 333 kulan oo uu kaga tirsanaa Bernabeu intii u dhaxeysay sanadihii 2009 ilaa 2018.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirkooda wuxuu ku bilowday dagaal kadib markii ay isku dhaceen kulan caalami ah oo u dhexeeyay Brazil iyo Portugal sanadkii 2008.

Marcelo oo ka hadlaya Leonel Messi ayaa sheegay:

“Waan laaday, wuxuu ahaa mid aad u degdeg badan. Wuu iga gudbay, waxa uu igu dhuftay xusul, aniguna waan laaday, markaas ayuu qoorta iga qabtay. Aniguna waan isku dayay, laakiin aad buu u dheeraa.”

Ronaldo oo Qabtay Marcelo

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa qirtay: “Waxaan helay fariin ah in Madrid ay saxiixi doonto laba bilood gudahood. Markaas ayaan is iri, war maxaan sameeyaa, waan baxayaa.”

Laakiin Marcelo wuu sii joogay kadib markii Ronaldo uu kaga soo biiray Manchester United heshiis rikoor jabin ah oo gaarayay £80 milyan xagaagii 2009, mana qaadan waqti dheer inay yeeshaan xiriir wanaagsan gudaha iyo dibadda garoonka labadaba.

Marcelo oo Ka Jawaabay Doodda Messi iyo Ronaldo:

Marcelo iyo Lionel Messi

Labadooda ayaa marar badan isku arkay tababarka, taasoo ka dhigeysa Marcelo mid ka mid ah dadka ugu habboon ee ka jawaabi kara doodda dheer ee Messi iyo Ronaldo.

Marcelo ayaa la ciyaaray Messi in ka badan 30 kulan oo kala duwan oo ay ku jiraan El Clasico iyo kulamo caalami ah oo u dhexeeyay Brazil iyo Argentina oo ah laba dal oo aad u xafiiltama.

Toddobaadkan waxaa suaal weydiiyay halyeeyga reer Brazil Romario: “Waxaad la kulantay Cristiano iyo Messi, yaa kuugu adkaa inaad wajahdo?”

Isaga oo aan ka laba labeyn, Marcelo wuxuu yiri: “Messi.”

Sida ay qortay Marca, Marcelo wuxuu intaas ku daray: “Messi runtii waa ciyaaryahan aad u xooggan—illaa maanta waan ka fikiraa, yaab. Ninyahow, runtii waa adag yahay; Messi waa mid aad u adag.

“Wuxuu si fiican u fahamsan yahay dhammaan boosaska garoonka; wuu ogyahay marka ciyaaryahan kubad wato soo socdo, hore ayuu u sii ogyahay meesha uu aadayo, meesha uu ka baxayo, iyo wixii la mid ah. Aniga aragtidayda, waa ciyaaryahan aan caadi ahayn.”

Marcelo oo message u diray saaxiibkiisii hore ay Real soo wada joogen:

“Wax badan ayaan wada soo marnay, sannado guulo, koobab iyo xusuuso aan la ilaawi karin. Ka badan saaxiib kooxeed, waa saaxiib nololeed. Waad ku mahadsan tahay wax walba, saaxiibkey. Waxaan kuu rajeynayaa wanaag marxaladda cusub ee nolosha.”

🗣️Marcelo: Kii ugu adkaa aan wajaho waa “Messi”

‎ 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *