Neymar ayaa mar kale noqday mid si weyn looga hadal hayo suuqa kala iibsiga:
iyadoo warar cusub ay sheegayaan inuu kasoo Hor jeesan karo saxibadiisii hore ay Barcelona isla soo ciyaaren Halkii uu u wareegi lahaay Inter Miami sida la filaye waxaa soo baxday koox kale oo lama filaan iyadoona doonaysa Neymar De silva inay lasoo wareegan waatee kooxdaas ?.
Neymar oo u muuqdo inuu ku dhow yahay inuu xirfaddiisa ku soo gabagabeeyo kooxdiisii yaraanta ee Santos, haddana Neymar ayaa weli sameyn kara heshiis lama filaan ah xagaagan. Xiddigii hore ee Barcelona ayaa u muuqda inuu galay marxaladda ugu dambeysa ee xirfaddiisa kadib markii laga reebay xulka Brazil ee uu soo xulay Macalin Carlo Ancelotti.
Si kastaba ha ahaatee, taasi macnaheedu ma aha in xirfaddiisa heer kooxeed ay dhammaatay. Kadib markii uu sameeyay saddex gool iyo labo caawin afarta kulan ee ugu horeeyay xilli ciyaareedka cusub ee Brazilian Serie A ee Santos, wuxuu mar kale soo jiitay xiisaha kooxo doonaya. Inkastoo kooxaha waaweyn ee Europe ay u muuqdaan inay ka laabteen, haddana aaditaanka Horyaalka Mareykanka ee MLS ayaa hadda u muuqata mid suuragal ah.
Sida uu sheegay warbixin uu daabacay The Athletic, koox MLS ah ayaa qabatay wadahadallo hordhac ah oo gudaha ah si loo qiimeeyo haddii heshiis uu faa’iido u yeelan karo labada dhinac. Tallaabadan waxay keeni kartaa in Neymar uu ka hor hor yimaado saaxiibadiisii hore Lionel Messi iyo Luis Suarez oo ka ciyaaraya dhinaca inter Miami.
Neymar oo Ku Wajahan Koox Lama Filaan oo MLS ah ?:
Warbixintu waxay sheegaysaa in koox lagu magacaabo FC Cincinnati — oo aan inta badan lagu aqoon xiddigo waaweyn sida LA Galaxy iyo Inter Miami — ay hormuud u tahay saxiixa Neymar. Kooxdu waxay aaminsan tahay in awooddeeda dhaqaale iyo xarumaheeda cusub ay ku qancin karaan, taasoo muujinaysa isbeddel ka baxsan ku tiirsanaanta magacyada caanka ah ee Maraykanka.
Kooxda Chicago oo ka mid ah Kooxaha Horyaalka MLS ka ciyaara ayaa hore wadahadallo culus ula yeeshay Neymar markii uu ka tagayay Al Hilal sanadkii 2025, taasoo muujin karta inuu hore uga caga jiiday ku biirista MLS. Dhibaato kale ayaa ah in FC Cincinnati aysan hadda haysan boos furan oo “designated player” ah, iyadoo Kévin Denkey, Miles Robinson iyo Evander ay buuxiyeen saddexda boos ee sannadkan.
Si kastaba, haddii ay xal u helaan arrimahaas, heshiiskaas wuxuu siin karaa faa’iido dhaqaale oo weyn kooxda gobolka Ohio, isla markaana wuxuu dib u soo nooleyn karaa bilowgii liitay ee xilli ciyaareedka. Waxay heleen labo guul oo kaliya lix kulan oo MLS ah, halka ay inta kale lumiyeen, waxayna hadda ku jiraan kaalinta 10aad—iyagoo 7 dhibcood ka dambeeya hoggaamiyeyaasha Eastern Conference ee Nashville SC.
Horyaalka MLS ka Saameynta uu ku yeelan karo Xiddiga Reer Brazil ee Neymar :
Marka laga hadlayo hibada saafiga ah, way adagtahay in la helo ciyaartoy ka wanaagsan Neymar, oo ka mid ah ciyaartoyda farsamada ugu sarreeya ee abid kubadda cagta soo maray, Xiddigan dhaq-dhaqaaqa badan ayaa markii ugu horreysay magac sameystay intii uu u ciyaarayay Santos muddadii u dhaxeysay 2009 ilaa 2013, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay saxiixiisa kooxda Barcelona.
Laga bilaabo waqtigaas, caannimada gooldhaliyaha ugu sarreeya Brazil ayaa si joogto ah u koraysay sanadba sanadka ka dambeeya.
Waa wax macquul ah in Neymar—oo u wareegistiisii Barcelona ilaa Paris Saint-Germain uu yahay kii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta—uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu caansan abid. Waxaa jirta dood xooggan oo sheegaysa inuu yahay ciyaaryahanka saddexaad ee ugu fiican jiilkiisa (ka dambeeya Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo), waxaana hubaal ah in wada-hadallada gudaha ee madaxda Cincinnati ee ku saabsan inuu wax ku kordhin karo kooxdooda ay ahaayeen kuwo degdeg ah.
Neymar miyuu Horyaalka MLS ka kula biiri karaa saaxiibadihiisii hore ay Barcelona soo wada joogen ?
