Michael Owen ayaa aaminsan in Arsenal Horyaalka Premier league qaadi doonto

Michael Owen ayaa aaminsan in Arsenal ay ugu dambeyn ku guuleysan doonto horyaalka Premier League markii ugu horreysay in ka badan 20 sano, isagoo tilmaamay in kulamada adag ee bannaanka (away) ee Manchester City ay noqon doonaan sababta go’aamin karta Horyaalka premier league.

Kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa fariin adag dirtay kadib markii ay 3-0 ku garaacday Chelsea garoonka Stamford Bridge kulankii shalay ahaa, taasoo yaraysay farqiga dhibcaha ilaa lix dhibcood.

Haddii Manchester City ay sidoo kale badiso kulanka weyn ee ay la ciyaareyso Arsenal usbuuca soo socda ee garoonka Etihad stadium, farqigaas wuxuu hoos ugu dhici karaa saddex dhibcood, iyadoo weliba City ay haysato kulan baaqi ah.

Dhanka kale, Arsenal ayaa wajahaysa hoos u dhac, kadib markii ay lumiyeen final-kii Carabao Cup bishii hore, waxayna guuldarro kala kulmeen saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay. Guuldarradii ugu dambeysay oo ay gurigooda kaga adkaatay Bournemouth ayaa si weyn albaabka ku guuleysiga Horyaalka u furtay Manchester City.

Michael Owen ayaa wali aaminsan in Arsenal ay jawaab adag ka bixin doonto kulanka Manchester City, islamarkaana ay ugu dambeyn ku guuleysan doonto horyaalka.

Michael Owen oo hadalaayo ayaa Wuxa uu yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Manchester City ay haystaan kulamo ka adag. Waxay u safri doonaan Bournemouth iyo Everton, kuwaas oo ah kulamo adag.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Marka aad eegto todobaadkan, waxaan filaynay Arsenal inay gurigooda ku garaacayaan Bournemouth halka City ay la ciyaarayso Chelsea bannaanka.

“Wax walba waxay u muuqdaan inay dhinaca City u janjeeraan – xamaasadda, rikoodhka Pep Guardiola, khibradda ciyaartoyda iyo qaab ciyaareedka hadda, gaar ahaan marka ay gurigooda kula ciyaarayaan Arsenal.”

“Waa arrin nasiib ah (50/50), laakiin waxaan u maleynayaa Arsenal inay si yar ku qaadi karto horyaalka.”

Sidoo kale Owen ayaa difaacay Arsenal eedeymaha ah inay mar walba fashilmaan marka ay fursad helaan, maadaama saddexdii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay ay ku dhammeysteen kaalinta labaad.

Wuxuu yiri:

“Runtii waan difaacayay Arsenal dadka badan oo leh way fashilmaan mar walba. Laakiin ma run baa?

“Waxaan xasuustaa markii Manchester City ay markii ugu horreysay ku guuleysanayeen horyaalka, waxay marar badan galeen kaalinta labaad iyo saddexaad iyagoo si tartiib tartiib ah u soo dhowaanayay koobka.

“Liverpool sidoo kale dhowr jeer ayay kaalinta labaad galeen. Waxaad u baahan tahay inaad si tartiib ah u dhisto si aad ugu dambeyn ugu guuleysato horyaalka.”

Michael Owen maku saxsan yahay arinkaan inay Arsenal ugu dambeyntii Horyaalka qaadi doonto si kasto ay u dhibaatooto ?

Fikirkaaga inagula wadaag dhanka Comment tiga halkaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *