Rafael Leão oo ku wajahan Barcelona kadib khilaaf dhaxmaray isaga iyo kooxda Ac Milan

Kooxda Barcelona ayaa heshay fursad lama filaan ah oo ku saabsan raadintooda muddada dheer ee Rafael Leão, iyadoo xiddiga AC Milan la sheegay in si toos ah loogu soo bandhigay kooxda reer Catalonia. Kadib markii uu xumaaday xiriirka ka dhexeeyay maamulka Rossoneri, xiddiga reer Portugal ayaa laga yaabaa in lagu helo qiimo aad uga hooseeya kii hore la filayay.

Heshiis jaban oo ku saabsan bartilmaameedkii muddada dheer

Isbeddel weyn oo ka dhacay garoonka San Siro awgiis, mustaqbalka Leao ee AC Milan wuxuu u muuqdaa mid qarka u saaran inuu burburo. Sida ay sheegayaan warbixinno ka yimid Corriere della Sera, garabka weerarka ayaa loo soo bandhigay dhowr kooxood oo waaweyn oo Europe ah, iyadoo Barcelona ay safka hore kaga jirto doonista Rafael Leão.

Ciyaaryahanka oo hore loo tixgelin jiray mid aan la taaban karin—maadaama uu dhaliyay 80 gool tan iyo markii uu kaga soo biiray Lille xagaagii 2019 kii—ayaa hadda xaaladdiisu si weyn isu beddeshay.

AC Milan ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay iibiso Leao iyadoo qiimihiisu ku dhow yahay €50 milyan. Tani waa hoos u dhac weyn marka loo eego qandaraaskiisa oo horey u lahaa qodob sii deyn ah oo gaaraya €170 milyan, kaas oo la dejiyay markii uu cusbooneysiiyay heshiiskiisa ilaa 2028.

KHILAAFKA UU LA LEEYAHAY TABABARAHA AC MILAN EE ALLEGRI:

Sababta ugu weyn ee keentay xaaladdan cusub ayaa ah xiriir xumaaday oo u dhexeeya Rafael Leão iyo tababaraha kooxda Massimiliano Allegri. Khilaafka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay kulan ay la ciyaarayeen Lazio kahor fasaxii ugu dambeeyay ee caalamiga ahaa.

Leao ayaa si cad u muujiyay caro markii la beddelay, isagoo aad u xanaaqay inkastoo Allegri isku dayay inuu dejiyo isagoo isku duubay. Sidoo kale, xilli ciyaareedkiisa waxaa saameeyay dhaawacyo soo noqnoqday, taasoo kusoo koobantay 25 kulan inuu ciyaaro dhamaan tartamada oo idil

Kulamadaas, wuxuu dhaliyay 10 gool oo kaliya iyo labo caawin, taasoo hoos u dhac ku ah waxqabadkiisii hore—arrintaas oo loo aaneynayo go’aanka Allegri ee ahaa inuu u ciyaarsiiyo booska “false nine” halkii uu ka ahaan lahaa garabka bidix oo uu ku fiican yahay Xiddiga.

SABABO DHAQAALE OO AC MILAN KU RIIXAYA INAY ISKA IIBIYAN RAFAEL LEÃO:

Marka laga soo tago khilaafka farsamo, AC Milan waxay sidoo kale eegaysaa dhinaca dhaqaalaha. rafael Leão waa ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda, sidaas darteed iibintiisu waxay ka caawin kartaa inay yareeyaan kharashaadka mushaarka isla markaana lacagtaas dib ugu maalgelin karaan meelo kale oo kooxda ka mida.

Isku darka xiisadda gudaha kooxda iyo baahida dhaqaale ayaa ka dhigaya bixitaanka Rafael Leao xagaaga mid aad u suuragal ah dhammaan dhinacyada.

LAPORTA IYO DOORKA JORGE MENDES:

Xiisaha Barcelona ee Rafael Leao ma aha mid qarsoon. Madaxweynaha kooxda Joan Laporta ayaa muddo dheer la dhacsanaa xawaaraha iyo xirfadda ciyaaryahanka 26 jirka ah.

Kooxdu horey ayay isugu dayday inay la saxiixato markii Nico Williams uu go’aansaday inuu sii joogo Athletic Club Bilbao, balse heshiiska ayaa fashilmay sababtoo ah qiimaha oo kor udhaafayey €100 milyan.

Arrin kale oo muhiim ah ayaa ah doorka wakiilka caanka ah Jorge Mendes, kaasoo xiriir dhow la leh Barcelona isla markaana horey uga qayb qaatay wadaxaajoodyo la xiriiray Rafael Leão.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa weli taxaddar muujinaysa, maadaama ay diiradda saareyso xeerarka adag ee mushaarka ee horyaalka La Liga.

Source:http://Goal.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *