Andy Robertson ayaa ka tagaya Liverpool dhamaadka Xilli Ciyaareedkan – Waa Waqtigii Sagootinta Dareenka Laheyd

Andy Robertson ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu ka tagayo Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo si weyn uga yaabisay taageerayaasha kooxda iyo guud ahaan kubadda cagta:

Daafaca Liverpool, Andy Robertson, ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan. Ciyaaryahanka caalamiga ah ee Reer Scotland ayaa ku qaatay ku dhawaad sagaal sano Anfield, balse wuxuu sheegay inuu filayo “sagootin dareen leh” oo ka timaada Merseyside. Daafacan bidix ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee xaqiijiya bixitaankiisa Liverpool, kadib Mohamed Salah oo isaguna  2 toddobaad kahor Xaqiijiyey.

Andy Robertson ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedka.

Robertson wuxuu la joogay kooxda Anfield tan iyo 2017 dii, isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan koobab badan oo waaweyn sagaalkii sano ee la soo dhaafay.

Daafaca Reer Scotland ayaa u sheegay kooxda Liverpool:

“Waxaan u maleynayaa in hadda ay tahay waqtigii aan ka tagi lahaa kooxdan. Sagaalka sano ee aan joogay waxaan dib u xasuusan doonaa anigoo dhoola cadeynaya.”

“Waxaan u arkaa inay fiican tahay in arrintan la shaaciyo si aan hadda si buuxda diiradda ugu saaro kooxda inta ka harsan xilli ciyaareedka.”

“Waxaan u maleynayaa inay muhiim tahay inaan sidaas sameeyo, mar walbana waan sameyn jiray. Laakiin waqtiga sagootinta dareenka leh iyo inaan u sheego taageerayaasha iyo dadka ku xiran kooxdan, taasna waxay iman doontaa marka uu xilli ciyaareedku dhammaado.”

“Weli si buuxda diyaar uguma ahi taas. Kaliya waxaan rabaa inaan arrintan caddeeyo si aan hadda si furan oo daacad ah ula wadaago qof walba.”

Andy Robertson inta uu Joogay Liverpool Koobabka uu kula guuleystay:

Intii uu joogay Robertson, Liverpool waxay ku guuleysatay labo horyaal oo Premier League ah—mid uu kula guuleystay Jurgen Klopp sanadkii 2020 iyo mid uu kula guuleystay Arne Slot sanadkii 2025—iyadoo kii ugu horeeyay uu ahaa horyaalkii ugu horreeyay ee kooxda muddo 30 sano soo afjaraysay.

Sidoo kale waxay ku guuleysteen UEFA Champions League sanadkii 2019, iyo sanadihii dambe labo Carabao Cup iyo hal FA Cup.

“Mar walba ma sahlana inaad ka tagto koox sida Liverpool oo kale ah, waxay qayb weyn ka ahayd noloshayda iyo tan qoyskayga sagaalkii sano ee la soo dhaafay,” ayuu Robertson intaas ku daray.

“Laakiin aniga ahaan, ciyaartoydu way katagaan kooxda, dadkuna way dhaqaaqaan—waxa keliya ee sii jira waa kooxda iyo taageerayaashooda.”

“Waxaan halkan ku qaatay sagaal sano oo cajiib ah. Run ahaantii, sida si fiican loo ogaa gaar ahaan sanadkii la soo dhaafay ama wax ka badan, waxaan helay fursado aan ku tago laakiin ma qaadan sababtoo ah sida ay u adag tahay inaad ka tagto kooxdan oo kale. Mana jirto wax aan ka beddeli lahaa.”

“Laakiin waan ogahay kubadda cagtu inay sii socoto, kooxuhuna way is beddelaan, waxaana u maleynayaa in hadda ay tahay waqtigii aan dhaqaaqi lahaa oo aan aado halka ay mustaqbalkeygu i geeyo.”

“Mar walba waxaan dib u xasuusan doonaa xusuuso cajiib ah oo aan ku lahaa kooxdan. Waxaan qalbigayga iyo nafteenna geliyay sagaal sano, wax badan oo aan ka shallaayo ma jiraan.”

“Waxaan ku koray sidii nin iyo qof ahaan. Kooxdani mar walba waxay ii ahaan doontaa wax walba, taageerayaashuna sidoo kale. Waxay ahayd safar cajiib ah.”

Robertson ayaa fursadiisa kooxda koowaad ee xilli ciyaareedkan yaraatay:

kadib markii uu yimid daafaca bidix ee reer Hungary Milos Kerkez, kaasoo kaga soo biiray Bournemouth sanadkii hore lacag dhan £40 milyan.

Liverpool guud ahaan waxay lahayd xilli ciyaareed niyad jab leh. Waxay hadda ku jirtaa kaalinta shanaad ee Premier League, waxaa laga reebay FA Cup kadib guuldarro ay kala kulmeen Manchester City todobaadkii hore, waxayna 2-0 kaga adkaadeen Paris Saint-Germain lugtii hore ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League.

Kooxda Slot hadda waxay wajahaysaa labo kulan oo muhiim ah oo gurigeeda ah maalmaha soo socda—kulanka Fulham ee horyaalka Sabtida, iyo PSG lugta labaad ee Champions League Talaadada.

waqtiyadii quruxda badnaa ee Liverpool wuu sii dhamaanaya.

 

🗞️Warbixin Kale oo Ku saabsan Liverpool:-https://koorno.com/psg-o-cashar-u-d…o-la-dhaleeceyey/

 

Source:https://www.tntsports.co.uk/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *